Wasiir Fiqi oo guddoomiyey kulan ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga 2026

Wasiirka wasaaradda  gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga doodayay miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026. Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026.

Wasiirka gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.

    

Ra’iisal wasaare Xamse oo mar kale kormeeray garoonka Aaden Cadde oo qaybo ka mid ah la dayactirayo

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey ee hagaajinta adeegyada garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la dayactiro.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in maalintii uu garoonka kormeeray 14 maalmood ka hor iyo maanta uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Mudane Xamse ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shqqeeyo hagaajinta nidaamka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha iyo in biya macaan ay helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay shirkadda garoonka maamusha.
     

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaad dadweyne ah

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta150 xarumo caafimaadka dadweynaha ah oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyay gobollada dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan adeeg koronto oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana uu siin doono xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada tamar awood leh, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegyada bulshada.

“Xukuumadda waxa ay diirada saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh, dhammaan adeegyada dadweynaha waxaa asal u ah koronto awood leh, Korontada aan maanta wadno ee dhamaan Soomaaliya laga hirgaliyay waa koronto deegaanka la saaxiib ah oo loo yaqaan Tamarta Cagaaran, waxaana rajeyneynaa in ay dadka Soomaaliyeed awood u helaan in ay iibsadaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa xusay in tallaabadani ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, isla markaana lagu wajahayo horumar dhanka tamarta ah, Xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay sii ballaariso adeegyada korontada si loo xaqiijiyo adeegga bulshada.

Dowladda oo sheegtay in ay ka go’an tahay kordhinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka go’an tahay kordhinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiiradda oo ka hadlaysay daah-furtka nidaamka casriga ah ee isku-xirka loo-shaqeeyaha iyo shaqo-doonka, iyadoo intaa ku dartay in wasaaraddu ay ku talagashay nidaamkan casriga ah, si loo soo bandhigo shaqooyinka ka bannaan DFS, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Hay’adaha DFS ee dhiirrigeliya shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ah.

Golaha Shacabka oo ansixiyay axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

130 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel marka axdigan, 10 mudane ayaa diiday, halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Ansixinta Axdigan waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo kor loogu qaadayo sharciga iyo siyaasadaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Tallaabadan sidoo kale waxay fure u tahay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto dalalka saxiixay axdigaas, isla markaana loo helo taageero sharci iyo mid dhaqaale oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee dalka.

Kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka oo goordhow furmaya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya kulankiisa 1-aad ayaa lagu wadaa inuu goordhow ka furmo xaruntooda Villa Hargeysa.

Ajandaha kalfadhiga ayaa ah akhrinta labaad iyo u codeynta axdiga Afrika ee xuquuqda iyo baraaraha Carruurta.

Akhrinta labaad iyo u codeynta heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika (AFCFTA) iyo heshiiska xubinnimada suuqa ganacsiga bariga iyo koofurta Afrika (COMESA).

Dowladda oo mideyneysa aadaanka iyo qudbadaha

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS Mudane, Ibraahim Aadan Ibraahin (Nadaara) ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin diiwaangelinta masaajidda gobolka Banaadir iyo mideynta wakhtiyada aadaanka salaadda.

Agaasime Nadaara “Wasaradda ayaa ku howlan diiwaangelinta masaajidda iyo mideynta wakhtiyada aadaanka salaadda, iyadoo uu qorshuhu yahay in laga hirgeliyo dalka oo dhan”.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa sheegay in la mideynayo qudbadaha, lana horumarin doono aqoonta mu’addimiinta iyo Imaamyada Masaajidda dalka.

Mudane, Ibraahim Aadan (Nadaara) ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ay yeelatay markii ugu horreysay xarun ay ku shaqayso, haatanna ay socoto howsha dhismaha xarun dhexe oo ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay waddo sanadkan qorshaha diiwaan gelinta Zakada iyo waqafka, taas oo ka qayb qaadanaysa isku filnaashaha dhaqaale ee bulshadeenna iyo shaqa abuurka ay u baahan yihiin dhallinta Soomaaliyeed.

Dowladda oo qiimo dhimis ku samaysay kharashka Xajka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in qiimo dhimis lagu sameeyay adeegyada Xajka sanadkan 1447 H/2026 M.

Wasiir Mukhtaar Roobow, oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xiritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446/2025, ayaa sheegay in iyadoo la tixgelinayo baahiyaha xujayda Soomaaliyeed sanadkan qiimo-dhimis lagu sameeyay kharashka Xajka, waxaana laga dhigay $4,543.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalinta Afarataad ka gashay bixinta adeegyada dunida Islaamka, isagoo ugu mahad celiyay dowladda Sacuudiga oo door weyn ku lahayd bixinta adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin Xujeyda.

Qiimaha kharashka Xajka ee sanadkii 1446 ayaa ahaa $ 4604 oo dollar, wuxuuna Wasiirku ballan qaaday in ay sii fududeyn doonaan kharashka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa ka qeybgalay munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa is beddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen.

“Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay is beddelka.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda.

Ra’iisull wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara.

 

      

Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay kulan ku aadan horumarinta Afcarabiga oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka wasaaradda  gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka aqoon-isweydaarsi cilmiyeed oo diiradda saaraya “daraasadda mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya”, oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Carabta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay mudane Zaid Al-Subban.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in Af-Carabigu yahay gundhigga diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay buundo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta iyo Islaamka. Wuxuuna xusay in xoojinta doorka Af-Carabigu ay tahay tallaabo istaraatiiji ah.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu qorshaynayso in Af-Carabiga lagu daro barnaamijyadeeda tababarka iyo waxbarashada, iyadoo lagu horumarinayo manhajyada ciidan, lana ballaarinayo iskaashiga dalalka Carabta ee dhinacyada tababarka iyo aqoonta, si loo diyaariyo jiil saraakiil ah oo si hufan ugu meteli kara Soomaaliya goobaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.