Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay kulan ku aadan horumarinta Afcarabiga oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka wasaaradda  gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka aqoon-isweydaarsi cilmiyeed oo diiradda saaraya “daraasadda mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya”, oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Carabta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay mudane Zaid Al-Subban.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in Af-Carabigu yahay gundhigga diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay buundo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta iyo Islaamka. Wuxuuna xusay in xoojinta doorka Af-Carabigu ay tahay tallaabo istaraatiiji ah.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu qorshaynayso in Af-Carabiga lagu daro barnaamijyadeeda tababarka iyo waxbarashada, iyadoo lagu horumarinayo manhajyada ciidan, lana ballaarinayo iskaashiga dalalka Carabta ee dhinacyada tababarka iyo aqoonta, si loo diyaariyo jiil saraakiil ah oo si hufan ugu meteli kara Soomaaliya goobaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.

 

Xeer ilaalinta Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir horgeysay eedeysane carruur ku xadgudbay

Xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay eedeysane Cali Dhagadiish oo lagu eedeeyay in ilmo yar yar god ku riday kuna aasay, falalkaas oo uu ka  duubay muuqaal ayaa ku baahiyay baraha Bulshada, waxaana taasi keentay in kiiskiisa cadaaladda la horgeeyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad oo furay munaasabad lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee XFS Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta furay munaasabad lagu xusayey maalinta Dalxiiska Soomaaliya, ayaa sheega in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisay adeegyada dalxiiska iyo horumarinta kaabayaasha dalxiiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dalxiisku yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka, kor-uqaadista xiriirka Bulshada iyo Caalamka iskaashi joogta ah lala yeesho gaar ahaan urur goboleedka Bariga Africa iyo IGAD.

“Dalkeenu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda Danqaran waxaa ay dhiirigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn bogaadiyey howlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Dalxiiska dalka.

Wasiirka Warfaafinta: “Dalxiiska Soomaaliya wuxuu door weyn ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha dalka”

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in dalxiiska Soomaaliya uu door weyn ka qaadanayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dalxiiska Soomaaliya wuxuu door weyn ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha Dalka iyo shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed”.

Wasiirka oo furayay munaasabadda Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya ee 2025 oo ay Muqdisho ku qabatay Wasaaradda Warfaafinta XFS, ayaa intaa ku daray in dalxiisku uu yahay muraayadda tuseysa heerka deggenaasho, amni, xasillooni iyo isku filnaasho dal walba uu leeyahay, taas oo ka tarjumaysa maqaamka uu waddan kasta ku leeyahay Caalamka.

Daraasad Qaran oo ay samaysay Wasaaradda Warfaafinta sanaddii 2023-kii ayuu sheegay in ay ku caddahay doorka adeegga dalxiisku uu ku leeyahay shaqa abuurka, maal gashiga, xoojinta dhaqanka, furana uu u noqon karo dedaallada dowladda ee nabadeynta iyo xasilinta dalka, iyadoo lasoo jeediyay in la furo Maxad lagu barto arrimaha dalxiiska.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in ay Soomaaliya qani ku tahay kheyraad kala duwan oo ay ka mid yihiin xeebaha ugu dheer bariga Afrika, goobo Taariikhi ah, kheyraad badda iyo berriga ah, dhaqan hodan ah iyo dhallinyaro u carbisan arrimaha dalxiiska, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay dalxiiska Soomaaliya maqaam ka dhex muuqda geeska Afrika.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambayn sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay dhaqan gelinta ajandaha Qaran ee horumarinta dalxiiska, iyadoo shirkadaha ka qayb qaadanayana lagu qiimeyn doono tayada adeegga dalxiis ee ay macaamiisha u fidinayaan.

          

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay wafdi ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga in ay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiye Muungaab ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.

Wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.

afaaradda Soomaaliya ee Congo oo ku guuleysatay siideynta 50-muwaadin oo xirnaa

Kinshasa: Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo oo xabsiyo ay ku xirnaayeen ka soo daayey muwaadiniin Soomaaliyeed oo 50 qof ka badan.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xirnaa dalka Congo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo yaalla qeybo badan oo kamid ah dalka Congo, oo ay kamid tahay magaalada Lubumbashi.

Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan, kadib dadaalo diblomaasiyadeed oo uu sameeyey safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Danjire Ilyaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in siideynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo dedejisay codsi rasmi ah oo uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar

Qaahira– Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisu u leeyahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri, isaga oo sheegay in ciidanka Masar ee qeyb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.

 

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad, isaga oo u rajeeyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka Dastuurka, dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta dowladnimada.

“Barlamaanka 11-aad, waxaa sharaf iyo ammaan u ah in uu ku dhiiraday qabyo-tirka Dastuurka oo ahayd howl la dib dhiganayay laga soo billaabo Barlamaankii 9-aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socdo, in aad tihiin kuwii ku dhiiraday dhammaystirka Dastuurkeenna. Waxaan rajaynayaa in Kalfadhigaan lagu dhammaystiro qabyo-tirka Dastuurka qeybaha harsan.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayax-gacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadino, waana kusii soconaynaa wadadaas Alle idankii”.

 

 

        

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la qaatay Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad oo ah Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya kusoo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaa la qorsheeyay in loo beddelo heer farsamo oo lagu lafa-guray, arrimaha hortebinta leh iyo in ay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliyay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay wafdi ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga in ay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiye Muungaab ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.

Wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.