Kulan looga hadlayay xasilinta dalka oo lagu qabtay muqdisho

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa furay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka ah ee ka shaqeeya howlaha xasillinta dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta baahinta iyo mideynta farriimaha dowladdu ku wajahdo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo howlaha hortabinnada leh iyo baahiyaha deegaannada laga xoreeyay.

Xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha xasilinta iyo taageerada bulshada, waxaana ka qeyb galay hay’ado ay kamid tahay SODMA.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ku booriyay guddiga in ay dardar geliyaan howlaha xasilinta, joogteeyaan dadaallada socda, isla markaana ay mideeyaan farriimaha nabadda iyo dowladnimada.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar

Qaahira (Wargeyska Dalka) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisu u leeyahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri, isaga oo sheegay in ciidanka Masar ee qeyb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhim ah la qaataay Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga,Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaana la qorsheeyay in loo bedelo heer farsamo oo lagu lafa-guri doono, arrimaha hortebinta leh iyo inay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi oo ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Madaxweynaha JFS oo maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka ka hor jeedin doona khudbad dastuuri ah, taas oo waajib dastuuri ah oo lagu daahfuro kalfadhiyada Baarlamaanka.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kaga hadlo xaaladda guud ee dalka, oo ay ku jiraan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo sidoo kale uu diiradda saari doono horumarka dowlad-dhiska, tallaabooyinka ay dowladdu ka qaaday dhismaha hay’adaha dowladda, iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo maamulka guud ee dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare in ay si buuxda uga soo qayb galaan fadhiga furitaanka kalfadhigan muhiimka ah, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay in aysan dhicin maqnaansho aan sabab lahayn, gaar ahaan mudaneyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xoogga saaro arrimo qaran oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciyada horyaala Golaha iyo dardar-gelinta adeegyada ay dowladdu u qabato shacabka.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmo Maxamed Nur, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socday hay’adda IOM.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, iyadoo doodda iyo falanqayntu ku saabsaneyd arrimo la xiriira horumarinta adeegyada Bulshada.

sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray soo bandhigidda naqshadaha guryaha (Shelter Designs) ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ah,dardar-gelinta qorshaha lagu xaqiijinayo helitaanka guryo tayo leh oo qiimo jaban oo loogu talagalay barakacayaasha,dib u eegista iyo xoojinta heshiiska wada-shaqeynta labada dhinac.

Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta adeegyada muhiimka ah ee Bulshada, iyadoo la adkaynayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah si loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan taageerada.

          

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka.

Dr. Aadan Cabdullaahi, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo dhoweynta ka dib warbaahinta la hadlay, isagoo marka hore ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul cusub oo ku soo biiray maamul gobolleedyada dalka.

“Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari waa dowlad cusub oo kusoo biirtay Maamul Goboleedyada Dalka ka jira kuna timid rabitaanka shacabka”.

Waa markii ugu horeysay oo uu guddoomiyaha safar ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo doorashadiisa.

Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa guddoomiyey kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo hay’adaha Federaalka ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta baahinta iyo xiriirka dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta iyo mideynta farriimaha la dagaallanka khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo hortabinnada iyo baahiyaha deegaanka laga horeeyay Khawaarijta.

Xubnaha kala duwan ee guddiga ayaa ka warbixyey howlaha ay Xasillinta ka qabtaan Wasaarada iyo hay’aaha ay ka socdaan, iyada oo goobta lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo taabanaya Xasillinta iyo sidii loogu heli lahaa maalgelinta howlaha.

Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la hadlay guddiga ayaa bogaadiyey howlaha ay Xasillinta ka hayaan Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowladda, isagoo faray dardargelinta arrimaha xiriirka Xasilinta. Mudane Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay farriimaha la xiriira xoreynta iyo dhiirigelinta dedaallada sookabashada iyo xasillinta ka socota deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta, waxaa uuna xubnaha guddiga Xiriirka ee Arrimaha Xasillinta kula dardaarmay joogteyta howlaha.

Guddigan oo ay hoggaamiso Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa la aasaasay January 2024-kii, wuxuuna ku guuleystay mideynta farriimaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarinta iyo guud ahaan baahinta sharciyadda dowladda iyada oo warbixinno laga soo sameeyey magaalooyinka la xoreeyey, shacabka ay ka hadleen isbadallada wanaagsan ee xorreynta horseedday iyo jacaylka ay u qabaan dowladnimada.
            

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.

Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.

Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda uu Af-Carabigu u leeyahay bulshada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyay in Af-Carabigu yahay luqadda labaad ee rasmiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu leeyahay door muhiim ah oo ku saabsan dowal dhiska iyo sharci dejinta midnimada bulshada iyo horumarinta waxbarashada iyo dhaqanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Mudane Charles King. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal.

Danjiraha Ingiriiska oo ugu horreyn uga mahadceliyay Guddoomiyaha soo dhoweyntiisa ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada waddan. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Ingiriisku ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo joogteynta taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda dalka, isagoo xusay in kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya diiradda lagu saari doono dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caddeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah dib loogu celinayo si ay si toos ah ugu soo doortaan madaxdooda.