Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen in la abuuro waddooyin cusub oo lagu dhisayo iskaashi caafimaad, gaar ahaan dhinacyada shaqaalaha caafimaadka, barnaamijyada caymiska caafimaadka, iyo wadaagista khibradaha iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka shacabka labada dal, iyo guud ahaan iskaashiga caafimaadka qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an horumarinta danaha caafimaadka qaranka iyo dhismaha iskaashi qaran iyo mid qaaradeed, si loo xaqiijiyo hiigsiga adeeg caafimaad oo tayo leh oo muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo.

 

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dalka Sacuudiga Mudane Abdulmuhsen Bin Sa’ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Wadankaas.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaana mahadcelin kadib waxa uu si faah-faahsan uga hadlay qorsheyaasha maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, kheyraadka Badda, Xoolaha, Beeraha iyo dhanka Tamarta, Waxaana lagu heshiiyay in wada hadalkan loo bedelo heer farsamo oo miro dhal ah.

 

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (Wargeyska Dalka) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Dekedaha FC kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen garoonka Kasarani, isla markaana ay u gudbeen wareegga xiga ee CAF Confederation Cup.

Danjire Jibriil ayaa sheegay in adkaysiga, kartida iyo aaminaadda kooxda ay sare u qaadeen sharafka iyo sumcadda Soomaaliya, isagoo xusay in marka ay wajahayaan kooxda weyn ee Zamalek ee magaalada Qaahira, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin oo ay u ducaynayaan.

Safiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaalka iyo ciyaarsiinta wanaagsan ee kooxda walaalaha Suudaan ee Al-Hilal, isagoo tilmaamay in kubadda cagta Afrika aysan ku koobnayn kaliya tartan, balse ay tahay mid mideysa, ixtiraam iyo jacayl loo wada qabo ciyaarta quruxda badan.

 

Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku dhawaaqdo in dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika sannadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta halbeegga CPPI (Container Port Performance Index) taas oo ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Wasaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu martigaliyay Madaxwaynaha Maraykanka Mundane Donald Trump taasi oo lagu maamuusay madaxdii ka qaybgashay Meertada 80aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa magaalada New York uga qeybgalay fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ku soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka wadaan Ciidamada Qaranka, wuxuunna ku bogaadiyay ciidamada uu kula kulmay deegaannada uu kormeeray guulaha ay gaareen iyo jabka culus oo ay gaarsiiyeen Khawaarijta naf-lacaariga ah.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa geesiyaasha is-garabsanaya faray in ay soo afjaraan goobaha gabaadka ay ka dhiganayaan cadowga.

Waxaa howlgalka kormeerka Taliyaha ku wehelinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay khawaarijta.

                       

Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Carabiya ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tan iyo 1972-kii.

Hadda, waa markii labaad oo dib loogu doortay Soomaaliya xubin aan joogta ahayn oo ka tirsan Golaha.

Madaxweynaha ayaa wareysigiisa ku sheegay doorar muhiim ah oo ay Soomaaliya ka ciyaarto Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee xubinta ka tahay Soomaaliya.

“ Sida aan horay u sheegay, Waxaan leedahay doorar badan oo aan ka ciyaarno Qaramada Midoobay, Waxaan nahay waddan Afrikaan ah kana mid ah saddexda dal ee matalaya Midowga Afrika, sidaas daraateed waxaa naga go’an inaan difaacno mabaadii’da iyo arrimaha Midowga Afrika, waxaanna xubin ka nahay Jaamacadda Carabta, waxaa na saaran mas’uuliyad ah inaan matalno danaha dalalka Carabta markasta oo arrimahooda miiska ay yimaadaan,”.

Sidoo kale, wareysiga uu bixiyay madaxweynaha JFS ayuu kaga hadlay qadiyadda Falastiin iyo mowqifkiisa arrimaha socda maanta.

” Maanta qadiyadda Falastiin waa hormuudka mowqifkeenna waa mid cad oo joogta ah, Sidoo kale, waxaa xubin ka nahay Ururka Iskaashiga Islaamka, waanna waajib na saaran difaaca arrimaha quseeya dunida Islaamka, sidaas awgeed, Soomaaliya waxaa saaran mas’uuliyado kala duwan, Waxaan u joognaa inaan u adeegno danaha shacabka iyo dalalka aan matalno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kormeeray waaxyaha adeeg bixinta Safaaradda iyo xafiisyada mas’uuliyiinta, isaga oo dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ku bogaadiyay Diblumaasiyiinta iyo Howlwadeennada Safaarada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda.
      

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

 

Wasiirka maaliyadda XFS oo kulan kula qaatay Nairobi Safiiradda caalamka ee sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya

𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢:-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay safiirrada dalalka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya xiriir dhow la leh, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta maaliyadda, iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa intii uu socday kulanka waxa uu uga mahadceliyay safiirrada taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ay la garab taagan yihiin, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay in si daahfuran loo wada shaqeeyo, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta maaliyadda iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha, xili ay Dowladdu dadaal xoogan galinayso sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo wax tar leh.

Safiirrada beesha caalamka ayaa dhankooda ku bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta kadib qorshihii deyn cafinta iyada oo ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhaqaale oo waara.