Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka maalgelinta hawlgalka AUSSOM

New York:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

    

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

New York:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Golaha Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu kulan doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweynaha iyo Xogahaya ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadda gobolka, amniga iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey qorsheyaasha hirgelay ee dowladdu ay ku xaqiijinayso amniga, doorashooyinka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo New York uga qeyb gashay Kulan Caalami ah

New york:- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgashay kulan caalami ah oo ku saabsan wadajirka caalamiga ah ee Arrimaha Qoyska, kulankaasi oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirro badan oo arrimaha Haweenka iyo Qoyska qaabilsan.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Emine Erdoğan ayaa si gaar ah u quseeyey xaaladaha Haweenka dalalka Islaamka ayadoo intii uu socday la isku dhaafsaday doodo islamarkaana lagu soo bandhigay aragtiyo la xiriira iskaashiga Haweenka Aduunka iyo sidii si wadajir ah loogu hormarin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Isnaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa ka warbixisay xaaladda ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhiiri gelinta iyo hormarinta Haweenka waxaana ay sidoo kale faah faahin ka bixisay qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo lagu hormarinayo Haweenka.

Yoonis Duraan Cali

Ra’iisul wasaaraha XFS oo furay tartanka ciyaaraha Degmooyinka gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah caasimadda ee Balcad iyo Warsheekh, oo sanadkan la ballaariyey, si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta nabadda.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Istaadiyow Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay; Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xildhibaan Dahabo Suusow, Wasiirro, xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Madaxda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh, iyo Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed.

Tartanka waxaa si rasmi ah loogu furay ciyaar u dhaxaysa Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan, oo ah difaacdayaasha koobka, iyo Xulka Degmada Dharkeynley, oo horey ugu guuleystay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu isboortigu ku leeyahay dhismaha nabadda, isagoo ku baaqay in tartankan loo arko mid kobcinaya isfahamka, wadajirka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

      

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana uu diiradda saaray duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka soo gudubtey, dadaalada dowladda ee xaqiijinta amniga, dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey la qaatay Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan kula qaatey saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka oo ay ka mid yihiin Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia ku qaabilay Marwo Ramla Cali oo ah xiddig caalami ah ee tartamada feerka caalamiga ah.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 95-aad ee maalinta Qaranimada Sacuudiga u diray Xaakimka labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sacuud.

9- Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekha Aadan Maxamed Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii lagu weeraray Saldhiga degmada Warta Nabadda in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

10- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa falkii lagu weeraray saldhigga Booliiska Degmada Warta Nabadda ku tilmaamy mid xambaarsanaa farriin lagu carqalaydanayo amniga caasimada dalka, loogana hortagayo xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee dhinaca doorashooyinka, laguna xagal daacinayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

11- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod buuxa ku ansixiyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo soo afjaro dhammaadka bisha Oktoobar 2025.

12- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga, iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga Bulshada.

13- Ra’iisul Wasaare Xamza cabdi Barre, ayaa qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Hay’adda CARE International, Mr Apollo Gabzira, iyaga oo ka wada hadlay dardar-gelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.

14- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey 151 dhalinyaro Soomaali ah oo dowladda ya ka soo celisay dalka Libya oo ay muddo ku dhibaateysanaayeen.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

17- Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi qaabilay xiddigta feerka caalamiga ah Marwo Ramla Cali.

18- Gudoonka Baarlamanka oo furay kulan ku saabsan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka.

19- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay warbixinta xaaladda xabsiyada dalka.

20- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, oo ay siyaasiyiin mucaarad ah ku weerareen Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda.

21- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraayey weerarka xubno mucaaradka ka tirsan ay ku qaadeen Saldhigga Booliska Warta Nabadda xilli ay ku sugnaayeen Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

22- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan wadajir ah la qaatay ehalada aabihii ay jirdilka ay u geysteen xubno ka tirsan Ciidanka Amniga, Aabaha ayaa uga mahad celiyay booliska sida ay uga jawaabeen falkii khaldanaa ee lagula kacay.

23- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed oo Ciidamada Amaanka qaybtood oo hadda xiran jirdil u geysteen. Taliyaha ayaa ka raaligeliyay Aabaha iyo Hooyada Soomaaliyeed dhacdada xad gudubka ah ee loo geystay.

24- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha iyo Ciidanka Booliska farey inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, kana fogaadaan dhibaateynta shacabka.

25- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa cambaareeyay falkii abaabulnaa ee lagu weeraray Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

26- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddomiyay shir looga hadlayey amniga caasimadda oo ay yeesheen hay’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

27- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kula kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), Mudane Hichem Khadhraoui.

28- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgaley saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi uu goob joog ka haa Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

29- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeeynta Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shirka guddiga sare ee Mashruuca Horumarinta Waddooyinka Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Wasiirradda Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

30- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Eng Maxamuud Cali Guuleed oo ka mid ahaa farsamayaqaanadii ugu horeeyay ee Radio Muqdisho.

31- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Baxrayn Mudane Dr. Abdullatif bin Rashid.

32- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa sheegay in baraha bulshada ay ka socoto dhaqan aan wanaagsanayn, oo ay soo badanayaan dadka xumaanta iyo iskudirka wada, wuxuuna odeyaasha dhaqanka ku booriyay in ay kaalintooda ka qaataan, bulshadana ay wacyi geliyaan.

33- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, iyo U-Qeybsanaha arrimaha Diinta Turkey, Cumar Faaruq Arslan.

34- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Serbia Marko Đurić, iyagoo kala saxiixday iskaashi diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

35- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Md. Lionel Laurens,

36- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Mudane Maxamed Aadan Macallim ayaa saxiixay dhammaan heshiisyada iyo shuruucda wax ka beddelka lagu ansixiyey Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), oo ka dhacay magaalada Dubai.

37- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.

38- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan.

39- Wasiir-Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku soo dhoweeyaan Xildhibaan Samakaab Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.

40- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo ka dhacay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose, waxay ku dileen 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab. Argagixisada la laayey ayaa waxaa ku jiray 3 horjoogayaal oo uu ka mid yahay Horjooge Cabdi Xiiray.

41- Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Galeyr oo qeyb ka ah Ciidanka Booliska oo ay tabbabarkooda taageertay Dowladda Mareykanka.

42- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa furay tababar ku saabsan baarista iyo hubinta dukumentiyada, kaas oo ay ka faa’iideysanayaan 30 sarkaal oo ka kala socda waaxyaha kala duwan ee Hay’adda,

43- Wasiiru Dowlaha Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Maxamed ayaa ka qeyb galay kulan dadweyne oo hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku qabteen magaalada Muqdisho oo looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka-qaybgalka geeddi-socodka dhameystirka dastuurka.

44- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir-hawleed ballaaran oo muddo toddobaad ah socday, kaasi oo ay yeesheen kooxo farsamo oo ka kala socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

45- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si diirran u soo dhaweysay Wasiir Ku-Xgeenka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo hawlo shaqo u jooga dalka Maraykanka.

46- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haatanna ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare isaga oo ka dhegeystay warbixin la xiriirta kaalinta isbahaysiga.

47- Taliyaha Ciidanka Booliska S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil dalacaad loo sameeyey u soo xiray tababar aqoon kororsi oo la xiriira Shuruucda iyo Nidaamka Maamulka.

48- Taliyaha Ciidanka Booliika S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Jaamacadda Umadda Qeybteeda 21 Oktobar ka daah furey Imtixaan Leyli Sarkaalnimo u gelayaan ardey ka qalin jabiyey Jaamacadaha si ay uga mid noqdaan dhiigga cusub ee ku biiraya Ciidanka Booliska.

Hey’adda Tayo-dhowrka Qaranka oo abbaalmarisay dhowr shirkadood oo kuwa ganacsiga ah

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS ayaa Magaalada Muqdisho uga  qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey abaalmarinta shirkado ganacsi oo ku guuleystay kobcinta tayada ee adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Hey’adda Tayodhowrka Qaranka,waxaa kaloo ka qeybgalay qaar kamid ah maamulada shirkadaha ee xagga wax soo saarka,aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada XFS Mudne 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay leeyihiin tartamada ganacsiga ee loo qabto shirkadaha wax aoo saarka iyo kaalinta ay ka qaadan doonaan ilaalinta tayada ee adeegyada loo fidiyo bulshada.

“In Lagu tartamo shaqada heyad kasta ay u hayaan bulshada waa tallaabo dhiiirigalineysa in la helo adeegyo caafimaad qab ah oo wax u tari kara umadda”sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guue ee Hey’adda Tayodhowrka Qaranka Guuleed C/Rashiid.

Xafladdaasi oo uu sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Machadka Tayada Qaranka Abuukar Axmed Culusoow waxaa  shirkado dhowr ah oo la siiyay abaalmarinno iyo aqoonsiyo kale loo doortay in Soomaaliya ay ku matali doonaan tartamada loo qorsheeyay in uu u qabsoomo Ururka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga  bulshada Arika

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “shacabka Muqdisho banaabax fowda ah diyaar uma ahan”

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo ka qeybgalay Kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaaladda dalka,gaar ahaan caasimadda ay ka jiraan xaalad amni iyo kalsooni ay dadku ku qabaan laamaha amniga iyo dowladooda

Xildhibaanka ayaa xusay in xilligaan dadka Soomaaliyeed aysan wax dan ah ugu jirin ka qeybgalka banaanbaxyo fowdo ah oo ay wataan kooxo gaar ah oo aan u tureyn dadka iyo dalka,isla markaana keeni kara in ay waxyeello soo gaaraan dadka shacabka ah.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir  waxa uu qiray in bannaanbaxyo aan loo dhameyn oo ka socda hal dhinac ay ku soo dhexdhuuman karaan kooxaha khawaarijta,sidaa aawadeed,waxa uu ku taliyay in ummadda Soomaaliyeed ay laamaha amniga gacan ku siiyaan sugidda amniga caasimadda iyo gudashada howlohooda.

“Wax kasta oo qasaaro ah oo ka dhashay weerarkii mucaaradka ay ku qadeen Saldhiggii Ciidanka Booliska iyaga ayaa  qaadaya masuuliyaddaasi”ayuu yiri xildhibaankaasi.

Wafdi ka socday Soomaaliya oo Shirar Muhiim ah la qaatay World Bank iyo Dowladda Qatar

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somalia Xildhibaan Abdikariim Cabdow Xaydar iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Dalka Kanada uga qeybgalaya Shirka Golaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO ayaa kulammo gaar ah la qaatay Madaxda Hay’adda Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Ergada Dowladda Qatar.

Wafdigaasi ayaa waxaa kamid ahaa Mareeyaha Hay’adda Duulista Raydidka Axmed macalin Xasan,iyadoo  kulanka lala yeeshay Bangiga Adduunka diiradda lagu saaray sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada duulista rayidka iyo maamulka hawada Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu gorfeeyay taageerada farsamo ee lagu xoojinayo shuruucda iyo nidaamyada lagu maamulo duulista hawada dalka.

Dhanka kale, wafdiga Soomaaliyeed ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Ergada Dowladda Qatar, halkaas oo lagu gaaray heshiis iskaashi oo dhanka duulista hawada ah,iyadoo heshiiskaan lagu xoojiyay wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada maamulka hawada, tababarka iyo kobcinta adeegyada duulista rayidka.

“Shirarkani waxay muujinayaan sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay la jaanqaaddo heerarka caalamiga ah, isla markaana ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Hay’adaha Caalamiga ah iyo Dalalka kale ee walaalaha aan nahay,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan oo ka mid ah Wafdiga.

Shirarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada Duulista Rayidka, waxaana kulamada ka socda Montréal Dalka Kanada ay fursad u yihiin in dalka Soomaaliya uu xoojiyo kaalintiisa caalamiga ah ee Duulista Hawada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

New york:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono, taas oo diiwaangelinteedu ay si habsami leh u socoto, ayna ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.

Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay wax soosaarka beeraha iyo nolosha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.

Wasiirka Amniga XFS oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Caasimadda

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddomiyay shir looga hadlayey amniga caasimadda oo ay yeesheen Hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kulanka, ayaa looga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyey ee ka dhacay caasimadda, iyada oo laga jawaabayo dhibaatadii ka dhalatay dhacadadii saldhigga degmada Warta-nabadda, ayey xubnaha kulanka yeeshay waxa ay isku raaceen, iyada oo la fulinayo qaraarkii Golaha Wasiirrada ee xakamaynta hubka, in aan lagu dhex wadan karin caasimada, hubka culus, sida baasuukaha, dhashiikaha Beekaamka iyo qoryaha lamid ka ah.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in sharciga dalku uu oggol yahay qabsoomidda bannaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda ku soo gudbinayaan, balse aan la aqbali karin bannaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaas oo wax yeellaya amniga, isla markaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.

Wasiirka, ayaa faray mulkiilayaasha leh hotellada ku yaalla caasimadda, in ay ilaaliyaan sharciga, isla markaana aan lagu qaban karin goobahooda ganacsiga shirar lagu carqaladaynayo amniga iyo dowladnimada, isaga oo faray hey’adaha amniga in tallaabo cad ay ka qaadaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta.