Wasiirka gaashaandhiga XFS oo kulan la qaatay agaasimaha fulinta ee Xarunta Civic

New york:- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Dadka Rayidka ah ee Xilliyada Colaadaha (CIVIC), Mudane Hichem Khadhraoui, isaga oo kala hadlay xoojinta iskaashiga ku saabsan ilaalinta shacabka inta lagu jiro colaadaha.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in hawlgallada milateri loo fuliyo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee bini’aadantinimada, taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta socota ee amniga dalka.

Agaasimaha Fulinta ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay shaqada joogtada ah ee CIVIC ka waddo gudaha Soomaaliya ee isagu jira tababarka hay’adaha amniga, wacyigelinta bulshada, iyo dhismaha nidaamyo mudnaanta siinaya badbaadada shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo booqday Saldhiga degmada Warta Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Saldhiga Degmada Warta Nabadda oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiishii goobta kusoo dhoweysay oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Saldhiga Degmadda Warta Nabada, waxa ay warbixin ka siiyeen shaqaaqadii shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo saldhiga Degmada Warta Nabadda warbaahinta kula hadlay ayaa marka hore sheegay in dowladda ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee lagula dhaqmay aabihii waayeelka ahaa iyo hooyooyinkii lagu dhibaateeyay Suuqa Siinaay, isagoo saraakiisha Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga uga mahadceliyay kuna amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadkii arintaasi dambeeyay.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda, wuxuuna laamaha amaanka uga mahadceliyay sida ay u xakameeyeen.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay dhacday in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

   

Madaxweyne QoorQoor oo ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi

Madaxweyne QoorQoor oo ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi, oo dhererkeedu yahay 60 km.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya, kaas oo saddexdii biloodba mar la qabto, ayna soo agaasinto Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulanka ay marti-gelisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug.

 

Wasiir Al-caddaala oo ka hadlay muhiimadda dalxiiska

USA- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Aqalka Sharci-dejinta ee gobolka Minnesota, halkaas oo si sharaf leh loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Samakaab Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka gobolkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda kobcinta dalxiiska Soomaaliya iyo kaalinta dimuqraadiyaddu ku leedahay horumarinta dalka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa Xildhibaan Samakaab guddoonsiiyey Shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dalkii hooyo.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dalxiiseed oo u baahan in la soo bandhigo, isagoo xusay in qurba-joogtu ay door muuqda ku yeelan karaan dhiirrigelinta dhaqaalaha dalxiiska.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay tiir muhiim u ah dowlad-dhisidda, isla markaana mudan in laga faa’iideysto casharrada laga baran karo nidaamka sharci-dejinta Minnesota.

Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa Wasiirka ku soo wareejiyey xafiisyada Aqalka Sharci-dejinta Minnesota, isagoo uga warramay taariikhda dhismaha Golaha, habraacyada sharci-dejinta iyo sida dimuqraadiyaddu ugu adeegto bulshada gobolka.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qurba-joogta, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.

Xukuumadda oo ansixisay qaraar ku aaddan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammaadka bisha Oktoobar 2025.

Go’aankan ayaa qayb ka ah Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka (2025–2026), kaas oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda kormeerka iyo u kuurgelidda xuquuqul insaanka, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siinayo dhameystirka iyo howlgelinta Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in talaabadani ay muujineyso diyaar-garow dowladeed iyo mas’uuliyad qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, loogana gudbayo hababkii ku-meelgaarka ah ee caalamiga ah.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo qaabbilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iyo dardargelinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ku dhisan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Danjire Abdelrahman ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa diirran ee isagoo xusay in Dowladda Suudaan ay ku faraxsan tahay xiriirka qotada dheer ee ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka ku leeyahay xoojinta wadashaqeynta labada dal.

Mudane, Sheekh Aadan Madoobe ayaa caddeeyay in Soomaaliya iyo Suudaan uu ka dhexeeyo xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay mar walba abaal weyn u hayaan taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Suudaan.

NISA oo war kasoo saartay howlgallo ay ka fulisay dhawaan qaar ka mid ah gobollada dalka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay dhawaan gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha hoose, halkaas oo lagu laayay horjoogayaal iyo malleeshiyaad badan.

Howlgalka gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori.

Horjoogahan oo muddo lagu raad joogay ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro iyo shirqoollo badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.

Howlgalka gobolka Galgaduud ayaa ka dhacay degaanka Nooleys, halkaas oo lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ka dib markii la helay xog ku saabsan in xubno ka tirsan malleeshiyaadka cadowga halkaasi lagu abaabulayo.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, halka tiro kalena lagu dhaawacay, ka dib howlgal lagu beegsaday malleeshiyaad cadowgu ku urursanayay tuulada Tugaarrey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.

Howlgalladan bartilmaameedka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu naafaynayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo nooc kasta oo shirqool ay u abaabulaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo laamaha ammaanka faray in ay ka hortagaan cid kasta oo fowdo ka abuurta caasimadda

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga booliiska degmada Yaaqshiid, isagoo ku tilmaamay fal liddi ku ah xasilloonida iyo horumarka caasimadda. Wuxuu sheegay in weerarkaas uu xambaarsanaa farriin muujinaysa in Muqdisho aan loo oggolaan horumar, nabad iyo dowladnimo ka hirgasha.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si cad u sheegay in falkaasi uu ka dhan yahay dadaallada dowladda ee ku aaddan in shacabka loo sugo adeegyada dowliga ah, la dagaallanka Khawaarijta iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu faray hay’adaha amniga inay adkeeyaan ilaalinta ammaanka shacabka, isla markaana si degdeg ah uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay fowdo ka abuurta magaalada.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa lagu ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii xakamaynta hubka, ilaalinta xuquuqul insaanka horumarka dalka iyo qodobbo kale oo muhiim u ah dowladnimada.

Duqa muqdisho oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhaleeceeyay shaqaaqo abaabulan oo shalay galab ka dhacday saldhigga booliska degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ku saabsan amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ficilkaas ay soo abaabuleen xubno ka tirsan mucaaradka lagana aqbali doonin fal kasta oo lagu qalqal gelinayo nabadda iyo xasilloonida caasimadda.

Wuxuu tilmaamay in ficilladii ay mucaaradku sameeyeen iyo hadalladii ay dhowaan jeediyeen ee u muuqday kuwo qiil u samaynaya argagixisada, labaduba ay yihiin ficillo u adeegaya danaha cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Muungaab, oo ka hadlay arrimaha dhul-bixinta ayaa sheegay in sharciyan ay dowladda hoose mas’uul ka tahay, islamarkaana ay awood u leedahay in ay go’aan ka gaarto cidda dhulka la siinayo, iyadoo lagu salaynayo danta dowladnimada iyo bilicda caasimadda.

Duqa muqdisho ayaa sheegay in markii horeba ay dowalddu hoose bixisay dhulalkaasi, kuwaas oo noqday goobo burburay oo uu dayac ka muuqdo, qaarkoodna cooshado ka dhisan yihiin, taas oo khatar ku ah bulshada iyo amniga magaalada, sidaas darteedna ay dowladda hoose xaq u leedahay in ay dhulkaasi siiso qandaraaslayaal dhisaya si loo hagaajiyo muuqaalka iyo amniga Muqdisho.