Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

New York- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garaadka macmalka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse sidoo kale ay wadato khataro culus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmalka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay dhaxal sugaha Kuwait

New York: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed barbar socda meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey la qaatay dhaxal-sugaha dalka aan walaalaha nahay ee Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.

   

Shir ku saabsan horumarinta wadooyinka oo Dhuusamareeb lagu soo gabangabeeyey

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen wasiiradda hawlaha guud iyo dib u dhiska DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan ayaa laga soo saarey War-saxaafadeed ay isku waaqafeen ka qayb galayaashu, kaasi oo ku saabsanaaa qodobada lagu gaaray gunnaanadka, Mashruuca Kaabayaasha Jidadka dalka ayaa ah mid u gudbaya wejiga dhismaha waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka bulshada iyo ganacsiga dalka iyo dibaddaba. Iyadoo maalinta berri ah la saxiixi doono qandaraaska dhisme ee wadada isku xirta Dhusamareb-Qaridhi oo ah waddo 60km ah.

Waxaana meel wanaagsan maraya hawlaha waddada Gaalkyo iyo Xarfo oo Puntland ah, oo iyaduna gaaraysa 67km oo goor dhow la saxiixi doono.

Waxaa sidoo kale meel gebogebo ah maraya howlaha qandaraas bixinta darasadeynta jidka isku xira Baladxaawo , Luuq iyo Doolow, halka hawlaha qandaraas bixinta ee Jidka Gaalkayo iyo Hobyo oo ah (100 km) ay si habsami ah u socdaan laguna tala jiro in muddo kooban lagu soo gebagebeeyo.

Guddigu waxa uu ku heshiiyey in la tixgeliyo dowlad goboleedka cusub ee Woqooyi-bari Soomaaliya marka la dooranayo waddooyinka cusub.

    

Guddoomiyaha aqalka sare oo qaabilay Feeryahanad Ramla Cali

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Qaran Marwo Ramla Cali.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyey Ramla dadaalkeeda miro-dhalka ah ee ay Qaranka Soomaaliyeed ugu soo hoyday magac, sumcad iyo doorkeeda waddaninimo ee dal jacaylku ku dheehan yahay, isagoo ku bogaadiyay in ay sii laba jibbaarto kaalinta firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Sanatarrada aqalka sare ayaa Ramlo ku maamuusay billad sharaf ay ku mutaysatay kaalinteeda matalaadda Qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha feerka caalamiga ah.

   

Dowladda oo cambaaraysay falalka lagu carqalaeynayo amniga caasimadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaas oo dhaawacaya xasiloonida, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dalka.

Shir lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka-qaybgalka geeddi-socodka dhameystirka dastuurka.

Kulankan oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ururrada Haweenka iyo Mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa xusay in ay haweenka Soomaaliyeed yihiin laf-dhabarta bulshada, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in codkooda iyo aragtidooda lagu daro dib-u-eegista iyo dhamaystirka Dastuurka.

Wasiir Xoosh oo odayaasha dhaqanka kala hadlay falalka anshax xumo ee kusoo badanaya baraha bulshada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa sheegay in baraha bulshada ay ka socoto dhaqan aan wanaagsanayn, oo ay soo badanayaan dadka xumaanta iyo iskudirka wada, wuxuuna odeyaasha dhaqanka faray in ay kaalintooda ka qaataan, bulshadana ay wacyi geliyaan.

“ Waxaa soo badanaya shakhsiyaad iyo kooxo abaabulan oo kuwii sharciga qabto ay ahayd oo baraha bulshada u adeegsada si qaldan sida, Iskudirka iyo kala qeybinta shacabka, ceyda haldoorka umadda, faafinta warar xanaf leh, been abuur iyo kicin dadweyne”.

“Dhaqanka Soomaaliyeed waa geed-fadhi muhiim ah, oo ah hoggaanka umadda Soomaaliyeed, kaalintoodu waa mid weyn, waa in xikmadooda uga hortagaan khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada, wanaagana ay ku boorriyaan”.

Wasiirka oo xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in arrimahan marin habaabinta ah ee lagu qaldayo shacabka ay horseedi karaan isku-dhaca beelaha, xasillooni darro iyo qalalaaso amni, waxaa kale oo ay maskax ahaan u dhaawici karaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa ugu dambeyntii shacabku ku boorriyay in Khawaarij aanay kusoo gabban dhexdooda, kana digtoonaadaan faafinta xumaanta.

Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)

Raadiyo Muqdisho waxaa la aas aasay sanadkii 1951-kii, waxaana lagu aas aasay shaqaale iskugu jiray Soomaali iyo Talyaani, maadaama xilligaasi lagu guda jiray xornimo gaarsiinta, islamarkaana la abuuray hey’adaha dowladda kuwooda ugu muhiimsan, sida Radiyo Muqdisho, maadaama Soomaalida loo diyaarianay inay maamulka dalka la wareegaan marka la gaaro sanadka 1960-kii.

Haddaba Allaha u naxariistee Engineer Xaaji Max’uud Cali Guulleed oo dhawaan ku  geeriyooday laanta 1aad Gen.Daa’uud ee degmada Wardhiigley, ayaa  ka mid ahaa shaqaalihii sanadkii 1951kii lagu aas-aasey  Radio Mogadishu, Xaaji Max’uud wuxuu ka mid ahaa Farsamayaqaanadii ugu horreeyay Raadiyaha lagu bilaabay ilaa iyo haddana wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha waaxda Idaacadda, inkastoo dhowrkii sano ee ugu dambeeyay uu xanuunsanayay.

Marxuum Maxamuud Cali Guulleed wuxuu ka mid ahaa farsamayaqaanadii ugu horreeyay ee ka howlgalay Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya), isaga oo shaqadiisa ka bilaabay sanadkii 1950-meeyadii, waxa uu dalka dibaddiisa ku soo qaatay tababbarro kala duwan, gaar ahaan waddamada Jarmalka iyo Talyaaniga, taas oo aqoontiisa u sahashay in uu noqdo madaxii ugu horreeyay ee farsamada Radio Muqdisho, xil uu muddo dheer si hagar la’aan ah u hayay.

Intii lagu guda jiray burburkii dalka, Marxuumku ma uusan ka tegin xarunta Radio Muqdisho, wuxuuna sii watay shaqadiisa iyo taageerada uu u fidinayay bahda Warbaahinta, markii dib loo hawlgeliyey Raadiyaha Qaranka sanadkii 2009-kii, waxa uu ka mid ahaa Odayaashii dhiig cusub iyo talo soo kordhiyey, isagoo mar kale garab istaagay shaqaalaha cusub.

Farsamayaqaanadii ku soo gaaray shaqada Xilliga Dowladdii hore oo ay ka mid ahaayeen Eng. Cabdullaahi Yuusuf, Cusmaan Xaaji Goobdoon (Cusmaan Yare) iyo Maxamed Cabdullaahi Cabdi Sabaax, islamarkaana ka mid ahaa shaqaalihii uu soo tababaray ayaa ka sheekeeyay waxayaabaha lagu xasuusan karo ayay ku sheegeen inuu ahaa Marxuumku ‘Nin Af gaaban, asluub badan, cibaado badan, dad la dhaqankana aad ugu wanaagsanaa, islamarkaana howlkar ahaa’.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay kaalinta taariikhiga ah ee Marxuumku ku lahaa dhismaha iyo horumarinta Warbaahinta Qaranka, waxayna tacsi u direen Qoyskiisa, Carruurtiisa, iyo dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan bahda warbaahinta geerida ku timid Marxuum Eng. Maxamuud Cali Guulleed, oo isniintii ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Allah ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana haka waraabiyo, Ehelkiisa iyo dhammaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo,” ayaa lagu yiri tacsi rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Horjoogayaal ka tirsanaa khawaarijta oo lagu dilay Hiiraan

Saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ahaa Cabdi Xiiray, oo ka dambeeyay dhagar badan oo cadowgu ka geystay deegaannada Hirshabeelle.

Waxaa xawli ku socda howlgallada ay Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ku baacsanayaan khawaarijta, iyadoo laga saaray degaanno badan oo ay ku dhuumaalaysanayeen, lagana dilay xubno muhiim u ahaa cadowga.

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay boqorka Sacuudi Carabiya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 95-aad ee maalinta Qaranimada Sacuudiga u diray Xaakimka labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray Boqortooyada iyo shacabkeeda, isaga oo u rajeeyay horumar, barwaaqo iyo xasillooni waarta.