Wasiirka arrimaha dibadda oo New York kula kulmay dhiggiisa dalka Baxrayn

New York: Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn mudane Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.

Shir u dhexeeya wasaaradda duulista hawada iyo Bankiga adduunka oo Nairobi lagu soo gabangabeeyey

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir-hawleed ballaaran oo muddo toddobaad ah socday, kaasi oo ay yeesheen kooxo farsamo oo ka kala socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Shirkan oo furmay 15-kii bishan ayaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa, loona adkayn lahaa garoomada diyaaradaha dalka iyo kaabayaasha kale ee aasaasiga u ah maamulka duulista rayidka Soomaaliyeed.

Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qorshayaal muhiim ah oo wax badan ka beddeli doona adeegyada duulista dalka, waxaana ka mid ah:

•In la hirgeliyo qalab casri ah oo suurtagelinaya in garoomada dalka ay shaqeeyaan habeen iyo maalin.

•In wax laga qabto garoomada yaryar, si ay diyaaradaha waaweyn uga degi karaan.

•In la xoojiyo dhammaan kaabayaasha la xiriira duulista rayidka, si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rajaynaysa in dadaalladan socda ay gacan ka geysan doonaan horumar muuqda oo laga gaaro waaxda duulista hawada, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalka.

Dhanka kale, Bankiga Adduunka ayaa caddeeyay inuu ka go’an yahay sii wadidda taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, duulista iyo gaadiidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka

New York: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.

 

  

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo guddoomiyey kulan ku saabsan xaaladda xabsiyada dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigay warbixinta xaaladda xabsiyada dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan madaxda hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Cadaaladda, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliye ku-xigeenka Booliska, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Guddiga Kormeerka iyo Qiimeynta Xaaladaha Xabsiyada ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan caqabadaha jira iyo xalalka lagama maarmaanka u ah hagaajinta xaaladda xabsiyada.

Gebagebadii kulanka, madaxda hay’adaha garsoorka iyo cadaaladda ayaa soo jeediyay talooyin iyo tallaabooyin degdeg ah, iyadoo lagu ballamay in si dhaqso leh wax looga qabto arrimaha xabsiyada dalka. Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday iyadoo la isku raacay in la hirgeliyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo xaaladda xabsiyada, si loo xaqiijiyo cadaalad waarta loona ilaaliyo xuquuqda maxaabiista.

      

Shirka guddiga sare ee hagista mashaariicda horumarinta wadooyinka oo Dhuusamareeb ka furmay

Dhuusamareeb: Wasiirka hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Cilmi Maxamed Nuur iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka guddiga sare ee hagista mashruuca horumarinta Waddooyinka Soomaaliya (Project Steering Committee – PSC).
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga hagista ee Road Infrastructure Programme Somalia (RIPSOM) oo ka kooban Wasiirrada hawlaha Guud ee dowladda FS iyo Wasiiradda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo sidoo kale khubarada iyo shaqaalaha mashruuca.
Shirka oo si joogto ah loo qabto afartii biloodba mar ayaa lagu falanqeynayaa Waxqabadka iyo guulaha la gaaray intii u dhaxeysay shirkan iyo kii hore Caqabadaha taagan iyo xal u helkooda , Qorshayaasha cusub ee mashruucu ku tallaabsan doono bilaha soo socda. Wuxuuna shir muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabayaasha waddooyinka dalka, iyadoo lagu dardar-gelinayo hirgelinta mashaariicda waaweyn ee isku xira bulshada, dhaqaalaha iyo maamulada dalka.
     

Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Aljeris: Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Aljeeriya Marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulankan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, iskaashiga dhaqaale, amni iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Sida oo kale, labada dhinac waxay kawada hadleen sida ay uga go’an tahay iskaashi wax-ku-ool ah, iyo sida Dowladda Aljeeriya ay si buuxda uga qeyb qaadan karto dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaalanka ururrada argagixisada.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in dhawaan loo tababari doono diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay

New York: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan ergada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo dwladda ka tirsan ayaa ka qeyb-galay meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey oo maanta ka furmay New York.
Madaxweynaha ayaa golaha ka jeedin doona khudbad rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta nidaamka dowladeed ee dalka, sida dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.
   

Wasiir Roobow oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey wefdi ka socda Dowladda Turkiga, oo uu horkacayo Safiirka Turkiga ee u jooga Soomaaliya, Alper Aktas, iyo Uqeybsanaha arrimaha Diinta Turkey, Cumar Faaruq Arslan.
Ujeedada booqashada wefdigan ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa la xiriirta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda adeegyada maamul ee wasaaradda.
Wasiirka mudane Mukhtaar Roobow, ayaa ka mahadceliyey booqashada masuuliyiinta ka socotay Turkiga iyo sida ay garab taagan yihiin safiirka Turkiga, Alper Aktas ayaa dhankiisa sheegay in wadashaqeynta uu la leeyahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay xoojin doonto, isla markaana ka caawin doonto dhanka tababarada iyo kor u qaadista aqoonta iyo khibrada shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Turkiga, Alper Aktas, ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
  

Gudoonka Baarlamanka oo furay kulan ku saabsan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galay kulan banbax ah oo guddiga lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka uga furmay magaaladda Muqdisho, sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye  ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha aqalka sare mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, guddoonka labada guddi, habdhowrka iyo sidoo kale xoghayaasha guud ee labada aqal.

Kulanka oo socon doona mudo laba maalmood ah, waxa uu qayb ka yahay dardargelinta dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka dalka, si Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu gudbiyo cutubyada harsan, islamarkaana uu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga.

Dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo si habsami leh u socota

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in ay si habsami leh u socdaan toddobaadkii labaad howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo guddiga loo xilsaaray hawshan uu hirgelinayo nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha.

Tallaabadan ayaa muhiim u ah xaqiijinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta dhammeystiran iyo joogitaanka saxda ah ee ciidanka xarumahooda.

Qorshahan dib-u-habeynta CXD, oo ka socda dhammaan talisyada ciidamada ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh, kuna dhisan nidaam casri ah oo la jaan-qaadi kara xaaladaha amniga ee dalka ka jira.

Guddigan farsamo ee howlahan u xilsaaran ayaa ka kooban xubno ka kala socda Wasaaradda Gaashaandhigga, Xafiiska Amniga Qaranka, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Maaliyadda.