Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care International, Mr Apollo Gabzira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani’aadannimo iyo wada shaqaynta joogtada ah.

Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan mashaariicda ay Hey’adda Care International ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.

Dowladda oo dalka kusoo celisay muwaadiniin laga soo daayay xabsiyada Libya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin ah, kuwaas oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.

Diyaaradda sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof oo dhallinyaro u badan, waxaana si weyn garoonka Aadan Cadde ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS, mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Ergeyga Gaarka ah Madaxweynaha JFS ugu qaabbilsan soo celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta, Hay’adda Qaxootiga iyo Baracayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Ergayga Gaarka ah Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM oo dowladda ka gacan siisay soo celinta muwaadiniintaan.

22 ka mid ah dadka maanta lagu soo celiyey dalka ayaa laga dejiyey magaalada Hargeysa, iyadoo 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho.

Dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadashay ayaa muujisay, sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo dowladda uga mahadceliyey in ay ka soo saartay xabsiyadii Libya ee dhibaatooyinka nololeed ay ku heysteen.

Marwada Madaxwayanaha dalka oo kulan la yeelatay Marwada Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Marwada Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa kulan mirodhal ah Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula yeelatay Marwada Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Marwo Filiz Aktas.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula soo qaaday qodobbo ahmiyad leh oo ay ka mid yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta arrimaha haweenka, dhallaanka, dhallinyarada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo kobcinta xirfadaha iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada Soomaaliya iyo Qatar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dowladood, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

•⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca
•⁠ ⁠Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
•⁠ ⁠Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka
•⁠ ⁠Warbaahinta
•⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday New York dhiggiisa Serbia

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka, dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeysa.

Labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa waxaa ka shexeeya heshiis difaac, iyadoo ay xukuumadda Belgrade ciidamada Soomaaliya siiso tababarro.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka astaynta dowladnimada Falastiin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin.

Guddoomiye Muungaab oo qaabilay Feeryahanadda Ramla Cali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaabilay feeryahanadda Soomaaliyeed ee haysata horyaalka caalamiga ah Ramla Cali Axmed.

Guddoomiye Muungaab ayaa Ramla guddoonsiiyay Billad sharaf, si uu ugu muujiyo qadarin iyo bogaadin ay ku mutaysatay guulaha ay ka soo hoysay ciyaaraha feerka caalamka.

Ramla Cali oo maalmahan ku sugnayd magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ka heshay BiBilasharaf Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay magaca Soomaaliyeed si weyn ugu meteshay fagaaraha caalamka, kuna soo bandhigtay sumcadda iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xusay in ay ka go’an tahay taageerida iyo horumarinta ciyaaraha, garab istaagga ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dalka ee dhammaan heerarka Olombikada.

  

SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu caawinayo barakacayaasha Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta daah-furaty mashruuc ballaaran oo lagu qeybinayo 700 tan oo timir ah, taas oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Daah-furka mashruuca waxaa ka qeyb galay safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawluud, isagoo xusay in mashruucan uu ka jawaabayo baahiyaha xagga cuntada ah ee ay wajahayaan dadka soo barakacay ee Muqdisho ku nool.

Madaxa mu’asaasasada Muxaasin oo mashruuca fulinaysa mudane Cabdullaahi Cabdiqadir Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda mashruucan iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka  hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan nus milyan oo qof, taas oo muujinaysa baaxadda iyo saameynta weyn ee uu leeyahay.

  

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamuud Cali Guuleed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii Allah ha u naxariisto Marxuum Maxamuud Cali Guuleed oo ka mid ahaa farsamayaqaanadii ugu horeeyey ee ka hawlgala Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Eng Maxamuud Cali Guuleed waxa uu Radio Muqdisho ku soo biiray 1950maadkii isaga oo dalka dibaddiisa ku soo qaatay tababarro kala duwan sida Jarmalka iyo Talyaaniga. Waxaa uuna mar noqday madaxii farsamada ugu horeeyey ee Radio Muqdisho , xilkaasi oo uu muddo dheer soo hayey.

Bur burkii kadib waxa uu sii joogay Radio Muqdisho isaga oo aan dalka meelna uga bixin. Markii dib loo hawlgeliyey Raadiyaha October 2009kii, waxa uu ka mid ahaa odayaashii dhiigga cusub ku so dhoweeyay Raadiyaha Qaranka.

Waxan uga tacsiyadeyneynaa qoyskiisa, carruurtiisa iyo guud ahaan bahda Warfaafinta, inaga oo Allah uga baryeyna in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

Minnesota (Wargeyska Dalka); – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si diirran u soo dhaweysay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo howlo shaqo u jooga dalka Maraykanka.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa lagu muujiyay taageerada jaaliyadda ee ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, iyadoo sidoo kale lagu xusay guulaha ay Soomaalida ku nool Maraykanka ka gaareen dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo iskaashiga bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa uga mahadceliyey jaaliyadda soo dhaweynta diirran, wuxuuna warbixin dhammaystiran ka siiyay xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigeliyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan kaalintooda qaran-jacaylka iyo horumarinta dalka, isagoo xusay doorka muuqda ee qurbo-joogtu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.