Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Somaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Md. Lionel Laurens, kaas oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta gaadiidka Dalka.

Saraakiil ka tirsan HSJ oo loo qabtay tababar la xiriira barista iyo hubinta Dukumentiyada

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duxulow ayaa furay tababar ku saabsan baarista iyo hubinta dukumentiyada, kaas oo ay ka faa’iideysanayaan 30 sarkaal oo ka kala socda waaxyaha kala duwan ee Hay’adda, oo ay ku jiraan Xuduudaha iyo Socdaalka, Jinsiyadda iyo Ajaanibta iyo Dalkugalka.

Tababarkan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira baaritaanka iyo xaqiijinta dukumentiyada, si loo hubiyo saxnaanta iyo sharciyadda dukumentiyada ay soo gudbiyaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee adeegyada ka helaya Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay dadaallada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee lagu tayeynayo adeegyada bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo saraakiil xirfad sare u leh baarista dukumentiyada iyo barashada astaamaha lagu garto dukumentiyada saxda ah iyo kuwa been-abuurka ah.

Waxa uu intaas ku daray in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda ee lagu xoojinayo adeegyada socdaalka dalka iyo ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah.
        

Ciidamada Dowladda oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Galguduud

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud, 20-ka Sebteembar 2025.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Xogta hordhaca ah waxay tilmaameysa in ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

R𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐥𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

Jaamacadda Ummadda oo kaashaneysa Machadka Aljazeera oo daahfurtay laab loogu talagalay xirfadaha warbaahineed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furay Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera, oo laga hirgeliyey Qaybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Laabkan cusub ayaa lagu furay munaasabad ballaaran, waxaana isla goobta lagu bilaabay koorsooyin tababbar horumarineed oo ay bixiyeen khubaro ka socda Machadka Al Jazeera Media Institute.

Tababbarradan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa fursad gaar ah u ah ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa jaamacadaha kale ee dalka, si ay u helaan aqoon iyo xirfado casri ah oo la jaan-qaadaya isbeddellada warbaahinta caalamka.

Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda dalka.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah in maanta ay daah-furto laab caalami ah oo ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda, taas oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa deeqdan qiimaha badan ee wax badan ka tari doonta horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa hormuudka Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda, oo dadaal iyo hagid joogto ah ku horseeday hirgelinta mashruucan muhiimka ah,” ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.

Rektorka ayaa xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed, balse dadaallada socda ee Jaamacadda Ummadda iyo taageerada laamaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda saxaafadda.

“Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu ku daray.

Laabka cusub ee Al Jazeera ee laga hirgeliyey Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Mudane Yuusuf Garaad Cumar, iyo kooxda Machadka Al Jazeera oo si toos ah uga qayb qaadanaya tababbarrada socda.

 

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada ee XFS Mudane 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗺 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶), ayaa intii uu socday Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), la yeeshay kulamo istiraatiiji ah dhiggiisa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ee Kenya iyo wufuud heer Qaran ah oo ka socotay Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee boostada iyo tiknoolajiyada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay horumarinta nidaamyada isu-socodka alaabaha iyo waraaqaha boostada (mail items), maadaama Soomaaliya dhawaan dib u bilowday adeegyada boostada caalamiga ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda iskaashi waara oo lala yeesho waddamada gobolka iyo caalamkaba, si loo xaqiijiyo in adeegyada boostada dalka ay noqdaan kuwo casri ah, isla markaana si buuxda ula jaan qaada heerarka caalamiga ah.

Dhiggooda Kenya, Zimbabwe iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku bogaadiyey dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada boostada, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, gaar ahaan tababarrada, taageerada farsamo iyo fududeynta isu-socodka caalamiga ah ee alaabaha boostada.

Kulammadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda Soomaaliya ee ku wajahan dib-u-soo celinta kaalinta boostada Soomaaliya iyo in dalka si buuxda uga mid noqdo nidaamka caalamiga ah ee is-dhaafsiga boostada, taas oo kaalin mug leh ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isku xirnaanta bulshada Soomaaliyeed.

 

   

Saraakiil Booliis oo tababar muhiim ah loo xiray

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Dalacaad loo sameeyey usoo xiray Tababar aqoon kororsi oo la xiriira Shuruucda iyo Nidaamka maamulka.

Xarunta Akadeemiyadda Ciidanka Booliiska ayaa laga dhaqangeliyey isbadal lagu sameeyey dhinaca Waxbarista Ciidanka oo hadda ay Saraakiishani bar bilow u noqdeen, in Saraakiisha dalacda lagu siiyo Tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo si looga dhabeeyo wax ka badalka lagu sameeyo Hab dhaqanka iyo Aqoonta Ciidanka Boliiska .
           

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha haweenka ah ee ka tirsan booliiska, iyo sidoo kale dhibaatooyinka soo wajaha haweenka bulshada ee u baahan adeegyada booliiska.

Shirkan oo soconaya maalmo ayaa lagu lafa-guri doonaa dhammaan caqabadaha jira, iyadoo la dhageysanayo talooyinka iyo aragtiyada ka imanaya dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalaya. Xogta iyo natiijooyinka kasoo baxa shirkan ayaa lagu saleyn doonaa qorshaha shanta sano ee soo socota ee booliiska Galmudug, si loo helo xal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinka haweenka ku xeeran marka ay la macaamilayaan adeegyada booliiska.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in kulankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo cadaaladda, sinnaanta iyo helitaanka adeegyo amni oo loo wada siman yahay, iyadoo haweenka lagu dhiirrigelinayo inay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha nabadda iyo sugidda amniga bulshada.
               

Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan la qaatay wasiirka warshadaha Turkiga

Istanbul(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qabanqaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo tiknoolajiyada casriga ah.

Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka qayb gashay mashruuca caalamiga ah ee isku dhafka dhaqanka iyo Gaadiidka

Kunming(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay mashruuca muhiim ka ah  ee isku dhafka Gaadiidka iyo dhaqanka, kaas oo ka socda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ah mid heer caalami ah oo 12 Dal oo aduunka ah ay ka qayb galayaan, ayaa ujeedadiisu tahay in la isku xiro horumarka tiknoolajiyada ee Gaadiidka iyo muhiimadda dhaqan ee bulshooyinka kala duwan.

Wafdiga Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirkan ayaa xoogga saaraya sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen dalal kale, isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradaha caalamiga ah ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

Siciid Cabdullaahi Maxamuud oo ah Agasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda iyo Abdirizak Adam Gedi lataliyaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa sheegay in ka qeyb galka Soomaaliya ee shirkan uu yahay mid muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa Gaadiidka iyo duulista hawada.