Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo.

Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda, Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay si sharaf leh ugu matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya, isagoo xusay in guusha ay gaaraan ay astaan u noqon doonto sumcadda iyo magaca qaranka.

“Kooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go’an inaan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Ameeriko, oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Danjiraha ayaa xusuusiyay waayo-aragnimadiisii hore ee Nairobi, xilli xulka qaranka Soomaaliya uu halkaas ciyaaro ku lahaa, isagoo tilmaamay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay u buux dhaafiyeen garoomada, Wuxuu xusay in xataa wargeysyada Kenya ay markaas qoreen in taageerayaashu garoonka ka dhigeen “sida Muqdisho oo kale.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis

Minneapolis(Wargeyska Dalka):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa  kulan rasmi ah la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka magaalada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyo ka wada hadalka arrimaha horumarinta dhaqanka, dalxiiska, bulshada, iyo dhaqaalaha.

Intii uu kulanku socday, Duqa Minneapolis ayaa Wasiirka uga warbixiyey xaaladda guud ee magaalada, adeegyada bulshada, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga ciyaaraan horumarinta magaalooyinka iyo dhisidda bulsho isku xiran. Waxa uu sidoo kale ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee dowladda hoose ee Minneapolis ku taageerto bulshada qurbajoogta, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka, fursadaha shaqo, iyo horumarinta dalxiiska.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey Duqa Minneapolis sida sharafta leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada. Wasiirku wuxuu tilmaamay in kulankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, islamarkaana lagu horumarinayo fursadaha dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada ee magaalada Minneapolis iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sida bulshada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karto horumarinta dhaqanka, dalxiiska, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la isku raacay in la sameeyo iskaashi joogto ah oo dhanka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada ah.

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Shiinaha

Beijing:-Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dallka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay guul taariikhi ah, islamarkaana xoojineysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” ku sheegay in “Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn,” isagoo tilmaamay in dalki “ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in “Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin,” isagoo xusay in dalka “mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in “Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah , mana taageerto koox ka dhan ah mid kale,” isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay “si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.”

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 19-ka September, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025).

2- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgeliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay magaalada Dooxa ayaa mar kale cambaareeyay weerarkii Israel ay ka fulisay gudaha dalka Qatar.

4- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan-doceed kula qaatay Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

5- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka Qatar Tamim bin Xamad Al Thani, waxaana Madaxwaynaha uu Amiirka la wadaagey sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda Qatar.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo lagu xoojinaayo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey Telefishanka Al-Arabiya adkeysiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

8- Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, iyadoo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati ka yihiin dadka Soomaaliyeed.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025) ayaa sheegay guulaha ay xukuumada gaartay inay saldhig u ahaayeen shuruucyo la meel mariyay oo midnimo iyo wadajir xambaarsana.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku tagay xarunta dhexe ee hey’addaasi.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada ay bixiso dowladda ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan dadweyne ka qeyb galay ayaa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabey su’aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Cuteybi, iyaga oo ka wadahadley iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley.

16- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaash Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

18- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagg xuso dunida 17-ka Sebtembar.

19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furay kulanka wadatashiga ee Xeer-Nidaamiyayaasha Daawada iyo Agabka Caafimaadka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda ee Daawada Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Mr. Wang Yu.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş,iyagoo ka wadahadlay dhinacyada difaaca ,tababarada iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

22- Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku saleysan.

23- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo diiradda lagu saaray hubinta badeecadaha dalka soo galaya iyo badeecadaha dalka laga dhoofinayo.

24- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho.

25- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka ugu qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda, ayaa kulamo doceedyo la qaatay wasiirada dhiggiisa ee shirkaasi ka soo qeyb galey.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabiyey weerar gaadmo ahaa oo Khaawarijtu ku soo qaadeen degmada Ceel Dheer Gobolka Galgaduud, isla markaana maleeshiyaad badan gacanta looga dhigay.

28- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo ku eedeysan maalgelinta argagaxisada iyo lacag dhaqida ayaa lagu xukumay 15 sanno iyo $20,000 oo ganaax lacageed ah.

29- Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniino adag ka soo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban.

30- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Ceel Dheer, kulan dhiirigelin iyo duco ha la qaatey ciidamada halkaasi ku sugan ee dhowaan jabka xooggan u geystay Khawaarijta.

===========DHAMMAAD==========

Soomaaliya oo door muhiim ah ka qaadatay doorashadda hoggaanka ururka Boosatadda aduunka

Dubai:-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗘𝗗 𝗔𝗗𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗖𝗔𝗟𝗟𝗜𝗠 (𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qayb galay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka (UPU), kuwaas oo ka socda magaalada Dubai, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha 28-aad ee ururka caalamiga ah.

Doorashooyinku waxay udhexeeyeen jagooyinka ugu sarreeya ee hoggaamineed ee ururka boostada aduunka, kuwaas oo kala ah: Agaasimaha Guud, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud
Xubnaha Guddiga Fulinta Iyo Xubnaha Guddiga Hawlaha Boostada.

Kadib natiijada doorashada, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hambalyo u diray Mudane Masahiko Metoki, oo dib loogu doortay Agaasimaha Guud, iyo Mudane Marjan Osvald, oo markale loo doortay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud.

Ka-qaybgalka doorashooyinkan caalamiga ah waxa uu Soomaaliya uga dhigan yahay tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah, taas oo xaqiijinaysa in codka iyo aragtida dalka ay qayb ka noqdaan go’aannada waaweyn ee lagu hago mustaqbalka adeegyada boostada caalamiga ah. Sidoo kale, waxa uu dalka u furaa fursado cusub oo istiraatiiji ah, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada boostada gudaha, iyadoo la dhisayo xiriir iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo caalami ah.

   

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Gobolka Minnesota

Minnesota, USA – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa safar shaqo ku gaaray Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Wafdiga waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Mareykanka.

Wasiir Al Cadaala ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Miami ee gobolka Florida, halkaas oo uu wafdigiisu kaga qaybgalayo Shirweynaha Sanadlaha ah ee dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiiska, waana shir caalami ah oo ay isugu yimaadaan madax iyo khubaro ka kala socda dalal badan.

Wasiirku waxa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo karaamada ay u muujiyeen, Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu la qaadan doono kulamo Jaaliyadda, isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka Dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada iyo sidoo kale kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta looga baahan yahay taageerada dalka hooyo.

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayey ayaa ka qeybgalay kulan wacyigelin ah oo lagu qabtay Degmada Kaxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo la hadlay maamulka Degmadaasi,odayaal iyo waxgarad kale oo ka tirsan ururada bulshada ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulka gobolka iyo dadaalada uu ka wado caasimadda ee dhinaca sameynta mashaariic horumarineed oo lagu wanaajiyo kaabayaasha lagama maarmaanka u ah bulshada.

Guddoomiye Muungaab ayaa si gaar ah u ballanqaaday in Degmada Kaxda ay heli doonto maalgalin ku aadan wax ka qabashada kaabayaasha ay kamid yihiin hagaajinta waddooyinka iyo dismaha xarumo daryeel.

Guddoomiyaha Degmada Kax-Sheekh C/Risaaq Maxamed Shekha oo isna ka hadlay kulankaasi wacyigalinta ah ayaa ka mahadceliyay waxqabadka gobolka ,gaar ahaan qorshaha horumarineed ee ay doonayaan in ay ka sameeyaan qaar kamid ah degmooyinka ku yaalla caasimadda dalka oo ay ku jirto Kax-Sheekh.

Bandhigga Shirweynaha 1-aad ee Ururka Haweenka Beeralayda oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha XFS Sahra Yuusuf Cige iyo qaar kamid ah,maamulka Gobolka Banaadir,Bangigga Horumaarinta iyo marti sharaf kale ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo lagu soo gunaanaday  shirwynaha 1-aad ee ururka Haweenka beeraleyda.

Xafladdaan ayaa waxaa kaloo ka qeybgaslay Ururro ka socday Iskaashatooyinka beeraleyda ee qaar kamid ah maamul Goboleedyada dalka,waxaana shirweynahaasi mudadii uu socday looga hadlay dardargalinta howlaha ururkaasi iyo sida gacan looga siin karo dhanka maalgalinta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Sahra Yuusuf Cige ayaa soo xirtay shirweynahaasi,iyadoo shahaadooyin guddoonsiisay xubno haween ah oo ka socday Galmudug,Puntland iyo Hirshabeelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda beeraha Maxamuud Maxaed Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii xiritaanka shirweynahaasi ,waxaana laga dhawaajitay in bisha soo socota la sameyn doono maalgalin loogu talagalay dhiirigalinta ururada haweenka beeraleyda ah.