Daahir Shire”Waxaan horumar weyn ka sameynay sahminta shidaalka, dhawaanna waxaad maqli doontaan war farxad leh”

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS Daahir Shire oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa qiray in ay jiraan siyaasad cad oo Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay barnaamijka shidaal qodista dalka iyo sida loo qeybsan karo dheef-wadaagga,iyadoo la raacayo shuruuc wada ogol ah oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka  ayaa xusay in lagu guuleystay sahminta dhul xagga badda ah oo masaafo ahaan gaaraya illaa 4460,isla markaana la soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee howlgalka kooxaha sahminta shidaalka Soomaaliya.

Daahir Shire oo sii wata hadaladiisa ayaa caddeeyay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta iyo xilliga la gudagalayo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta  waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto shidaal qodista,isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo khuseeya wax soo saarka shidaalka iyo macdan qodista,sidaa daraadeed waxa uu ku baaqay in dadka warxuma tashiilka ah ay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee wax dumin  kara.

Madaxa Hey’adda SODMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay Gobolka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay  Agaasimaha Gobolka Bariga Afrika ee Hay’adda Islamic Relief, Mudane Yuusuf Rooble.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga masiibooyinka, bixinta gargaarka ,ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo qodobbo kale.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in tababarro aqoon kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha SODMA iyo in sidoo kale la sameeyo guddi farsamo oo dardargeliya iskaashiga labada hay’ad.

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo ka qayb galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca Beijing

Beijing:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ay isugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan, ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida. Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo, oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.

    

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga

Ankara:-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa carrabka ku adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u danaynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid miro dhal ah, isagoo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta horumarka, amniga iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.

  

Hay’adda Isgaarsiinta oo Qabatay Wada-tashi ku saabsan Qaadashada Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran (ONA)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise goboleed lagu yareynayo kharashaadka isgaarsiinta xuduudaha la isku maro isla markaana lagu horumarinayo isdhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika.

Wada-tashigu wuxuu isu keenay shirkadaha isgaarsiinta si ay dib u eegis ugu sameeyaan qorshaha Soomaaliya ee ku biirista ONA iyo inay soo gudbiyaan talo iyo jawaab celin ku saabsan diyaarinta farsamo iyo sharci ee looga baahan yahay.

Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa xusay muhiimadda hindisahan, isagoo yiri: “Ku biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.”

Intii uu socday kulanka, Hay’addu waxa ay soo bandhigtay Khariidadda Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta ONA, taas oo qeexaysa marxalado lagu fulinayo. Qorshe-hawleedku wuxuu bixinayaa waddo cad oo lagu waafajinayo shuruucda qaranka iyo tacriifooyinka heerarka gobollada, diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha, iyo hubinta is dhexgalka loo dhan yahay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir gudoomiyey kulanka Hogaanada Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sareeeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada , Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan oo Todobaadkan ay ka qeyb-galeen Taliyaasha Saldhigyada Gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay kordhinta feejignaanta Ciidanka ee ka hortagga falalka lidka ku ah Amniga, Daadejinta farriimaha iyo awaamiirta Taliska guud, la dagaalanka maandooriyaha khatarta ku haya Bulshada iyo soo celinta bilicda xarumaha booliiska sida hagaajinta dhinaca Nadaafadda iyo derdergelinta wax ka badalka lagu sameeyey qaabka Shacabka loogu adeego.

      

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano (2022-2025)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xalay fiidkii oo Arbaco ahayd (17 September) soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano ee August 2022 illaa iyo August 2025 ee Xukuumadda Dan Qaran, iyadoo meel-marisay diblomaasiyadda ku suntan “Soomaali, heshiis la ah dunida”.

Wasaaradda ayaa waxqabadkeeda ku soo bandhigtay madal furan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda oo loogu magacdaray “ Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-qaran 2022-2025” oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho .

Madashan ayaa waxaa Wasaaradda ku hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, halka ay ay dhinac-joogeen Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, qaar ka mid ah agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiil kale.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Isaaq Mursal, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka , Mudane Saalax Axmed Jamaac , uga warbixiyay waxqabadka seddexda sano ee Wasaaradda kadib markii ay indha-indhayn ugu yimaadeen aqal-yaraha Wasaaraddu ku bandhigaysay guulaheeda diblomaasiyadeed.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasiirka xilligan ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xilka loo magacaabay 27 April 2025 , si la mid ah Wasiiradii hore ee Wasaaradda sida Danjire Axmed Macallin Fiqi muddo xileedkiisu u dhexeeyay 7 April, 2024 illaa iyo 27 April, 2025, iyo Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo xil-hayntiisu ahayd August 2022 illaa iyo December 2023. Sidoo kale, waxaa Wasaaraddu soo bandhigtay waxqabadka Wasiiru dowlaha xilligan ee Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo intii u dhexeysay 18 December, 2023 illaa iyo 7 April, 2024 ahaa Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga.

Wasaaradda ayaa ku guulaysatay muddadaasi seddexda sano ah in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo xileedka 2025-2026, in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado xayiraadda hubka , soona saarray go’aan tirsigiisu yahay 2714 (2023) oo arrinkani la xiriira, in Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Urur goboleedka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) 4 Maarso, 2024, waxaa si adag loo difaacay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka bad iyo beri ee Soomaaliya.

Guulaha diblomaasiyadeed ee Wasaaraddu gaartay waxaa ka mid ah in xiriir cusub oo diblomaasiyadeed lala yagleelay illaa iyo 13 dal, iyadoo dib loo dayactiray Safaaradaha dalku ku leeyahay wadamada Tanzania, France iyo Zambia, sidoo kale waxaa dib loo furay dhismooyin cusub oo ah Safaaradaha Soomaaliya ee Algeria, iyo South Africa, iyadoo warqadaha danjirannimo laga guddoomay illaa iyo 43 danjire iyo wakiillo ururro , lagana qeybgalay 52 shir heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo la magacaabay illaa iyo 24 safiir, iyo labo qunsul guud, waxaana la qaabilay 88 safiirro shisheeye iyo wakiillo ururro, iyadoo la ballaariyay howsha safiir “ma degane” oo la gaarsiiyay inay dalka ku matalaan illaa iyo 83 wadan, waxaana 53 heshiis iyo is-afgaradyo lala saxiixday 24 dal iyo labo urur oo kala ah mid heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo lagu guulaystay in dalka si nabad ah loogu soo celiyo 3200 muwaadin oo ku dhibbanaa dalka dibaddiisa.

    

Kulan dadweyne: maqaamka caasimadda iyo dib u eegista dastuurka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Amb Ilyaas Sheekh Cali ayaa maanta furay kulan dadweyne oo looga hadlaayo Maqaamka Caasimadda iyo Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran dib u
eegista dastuurka ayaa waxa ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolka Banadir, kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dardar-gelin lahaa geeddi-socodka dastuurka, loona dhisi lahaa dowladnimo adag oo ku saleysan midnimo iyo cadaalad.

      

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo degmada Ceeldheer ka wada dhiirrigelinta Ciidanka

Dhuusamareeb-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka wada dhiirrigelinta geesiyaashii jabiyey khawaarijtii dhawaan soo weerartay degmadaas.

Taliyaha ayaa booqday fadhiyada kala duwan ee ciidanka xoogga, isagoo xog waraysi iyo dhiirri gelin kula qaatay furimaha hore ee dagaalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay sida geesinimada leh ugu hortagay cadowga.

“Waxaa laydinka rabaa wacdarihii aad dhigteen iyo kuwo ka badan inaad muujisaan, cadowga weli cadowgu wuu nala joogaa, waxaana laydinka rabaa intii iyo in ka badan inaad samaysaan”.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda dagaalka, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan dallacsiin iyo abaalmarinno.

Guddoomiyaha SoDMA oo madaxda sare ee dalka uga warbixiyay waxqabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda, maaraynta musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay, xilli ay halkaasi kormeer ku tageen madaxdu.

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay hay’addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Hey’addu hayso.