Ra’iisul Wasaare Xamsa: ”Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasabadda bandhigga ka qeybgalay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgaliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ayaa taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda horumarinta arrimaha bulshada, difaaca iyo adkaynta midnimada Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey wax-qabadka xukuumadda Dan-qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025).

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ah ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta amniga dalka, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada si loo xaqiijiyo nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo ay ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dedaalka joogtada ah iyo ka go’ naanshaha ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay codkooda ku doortaan mataleyaashooda, isaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladdooda, si guulaha la gaaray loo sii ballaariyo.

          

Wasiirka waxbarashada oo shir caalami ah uga qaybgalaya Tunisia

Tunis : Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka guud ee Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay magaalada Tunis ee Cassandra dalka Tuunis.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro iyo xoghayayaasha Guddiyada waxbarashada dhaqanka iyo tiknaloojiyada, oo ka socday dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray:

– Iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka Carabta ee dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, iyo cilmiga.

– Xoojinta awoodda ALECSO si loo fuliyo mashaariic muhiim ah oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, iyo daraasaadka cilmiyeed.

– Kordhinta taageerada dhaqanka iyo hubinta in siyaasadaha dhaqanka ay ka qeyb qaataan horumar waara iyo is-dhexgal bulsho.

Ka qeybgalka Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga Dalalka Carabta ee dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista, iyo kobcinta dhaqanka, si loo horumariyo jiilka cusub ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Carabta.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Danjire Wang Yu ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ee ka dhaxeeyo labada dal, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah labada Jamhuuriyadood.

Soomaaliya oo Shiinaha kaga qayb gashay shirweynaha Caalamiga ah ee Injineeriyadda

Tianjin, Shiinaha-(Wargeyska Dalka)-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tianjin Shirweynaha 5aad ee Injineeriyadda “International Engineering and Construction Supply Chain Expo” iyo Shirka 9aad ee International Market Report Conference for Foreign Contracted Projects cum ‘Belt and Road’ Project Matching and Exchange Conference.

Labadan shir ee heerka caalami ah ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee dowladda Shiinaha, iyagoo isugu keenay madax sare, danjireyaal iyo wakiillo ganacsi oo ka kala yimid dacallada dunida.

Soomaaliya waxaa shirkan uga matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Ibraahim Axmed Cusman, oo khudbad muuqaal ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha.

Mudane Ibrahim ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, doorka ay Soomaaliya ka ciyaarayso horumarka gobolka iyo dedaallada Belt and Road Initiative.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada ganacsiga, warshadaha iyo taageerada ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Carwada iyo shirka la socda waxay fursad u noqdeen in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee la isku baro hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashadayaasha caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya si firfircoon ay uga qeyb qaadatay doodaha iyo kulamada isbarasho ee halkaasi ka dhacay.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo midowga Yurub oo ka wada hadlay xal u helidda dadka ku barakacay dalka

Nairobi-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa u Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub, Marwo Mayra.

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Nairobi, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha xal u helidda dadka ku barakacay dalka iyo meel-marinta sharciyada, sida sharciga qaxootiga iyo magangelya doonka.

Hay’adda ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo abuuri lahaa waxqabad muuqda oo xal loogu raadinayo bulshada barakacday, iyadoo la kaashanaysa daneeyeyaasha u heelan wax ka qabashada arrimahan.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐮𝐬𝐭𝐚𝐲 m𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 c𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 b𝐚𝐝𝐪𝐚𝐛𝐤𝐚 b𝐮𝐤𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagu xuso 17-ka Sebtembar.
Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Qalabka, Daawada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasime Waaxeedyo, Madax Qeybeedyo, Agaasimayaasha Isbitaallada Dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda caafimaadka.
Intii lagu guda jiray munaasabadda ayaa laga hadley muhiimadda badqabka bukaanka iyo doorka uu ku leeyahay kor u qaadista adeegyada caafimaad ee dalka.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ay mudnaan gaar ah siin doonto sugidda amniga iyo badbaadada bukaan kasta oo adeeg caafimaad ka helaya xarumaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa sheegey in maalintan muhiimka ah ku tilmaamey maalin is xusiisin waajibaad qaran taasoo ah in la ogaado muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo badqabka muwaadinka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an horumarinta adeegyada caafimaad iyo xaqiijinta badqabka bukaanka taasoo ah mid waajib ah islamarkaana ka mid ay ahdaafta Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya iyo Masar waxaa ka dhexeeya xiriir taariikhi ah oo dheer

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Soomaaliya iyo Masar waxaa ka dhexeeya xiriir taariikhi ah oo dheer, maanta sidoo kale waxaan nahay laba saaxiib oo istiraatiiji ah, xiriirkan ayaa dib ugu laabanaya xilligii ka horreeyey madax-bannaanida Soomaaliya ee kontameeyadii qarnigii hore, markii uu Maxamed Cabdullaahi Nasser xukunka hayay iyo markii Kanaalka Suweys la weeraray, Soomaaliya weli ma helin madax-bannaanideeda, balse shacabka Soomaaliyeed waxay taagnaayeen dhinaca Masar.”

Wuxuu intaas ku daray: “Xaqiiqdu waxay tahay in xiriirkeennu uu dib ugu laabanayo kumanaan sano, tan iyo markii boqoradda Hatshepsut ay booqatay Soomaaliya in ka badan shan kun oo sano ka hor, maanta Masar waxay markii ugu horreysay ka qaybqaadaneysaa hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya.”

Madaxweynuhu ayaa yiri: “Inkastoo hawlgallada noocan oo kale ah ay la socdaan dib u dhacyo “Bureaucracy” ah, ha ahaato Midowga Afrika, Qaramada Midoobay ama hay’ado kale, haddana Masar waxay dhammaysay qiimeynteeda, waxayna dirtay saraakiil si ay u daraaseeyaan dhulka oo u go’aamiyaan goobaha ay ka howlgali doonaan, waxaan sugeynaa imaanshaha ciidamadii ugu horreeyey ee Masar si ay ugu hoos shaqeeyaan Midowga Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intaas ku daray: “Masar sanado badan waxay si toos ah u siisay taageero ciidamada ammaanka iyo difaaca Soomaaliya, iyada oo loo marayo tababar iyo qalab bixinta qaar, sidaas darteed xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid aad u xooggan.”

Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray 12 waddo

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo Intarloog ah (Interlock), kuwaas oo laga hirgeliyay Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.
Mashruuca dhismaha waddooyinkan waxaa si wadajir ah u fuliyey bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in xasilloonida iyo nabadgelyada ka jirta caasimadda ay saldhig u noqdeen horumarka socda. Wuxuu caddeeyay in canshuurta shacabka lagu celin doono, loona adeegsan doono dhismaha waddooyinka muhiimka ah iyo adeegyada kale ee bulshada aas-aasiga u ah.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu shaaciyay in dhismaha Wadada Warshadaha uu qorshe ku jiro islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in maalmaha soo socda si muuqata wax looga qaban doono.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada.
Waxaana munaasabadda xarig-ka-jarka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo madaxda degmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh : Soomaaliya waxay taageereysaa is-afgarad dhex mara Masar iyo Itoobiya

Muqdisho – (Wargeyska Dalka) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyey Telefishinka “Al-Arabiya”, ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo is-afgarad dhex mara Masar, Itoobiya iyo Suudaan, kaas oo ku saabsan Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dooneyso in ay nabad kula noolaato deriskeeda iyo adduunka intiisa kale.

Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Xafladdii furitaanka biyo-xireenka, waxaan caddeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay in ay taageerto labada dhinac, Masar, Itoobiya iyo sidoo kale Suudaan, si ay isu fahmaan, arrintani waxay socotay in ka badan toban sano, welina xal kama dambeys ah looma helin, balse waxaan aaminsanahay in xal togan uu imaan doono”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in kulankiisii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu muujiyay diyaarinta Addis Ababa ee wada hadal, isagoo yiri: “wuxuu ii xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo welwel ka qabta biyo-xireenka iyo biyihiisa”.