Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’adda SODMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta.

Waxaa la isku afgartay in SODMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaan ugu noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Sidoo kale waxay labada mas’uul isla qaateen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adda SoDMA.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Gudoomiyaha SODMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahayd gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

Taliyaha ciidanka dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay geesiyaasha xoogga dalka

Ceeldheer-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid) ayaa degmada Ceeldheer ugu qabtay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la siiyay ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamulka degmada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Daljirayaasha Xoogga Dalka iyo saraakiishooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.

Tani waxay dhiirrigelin gaar ah u tahay geesiyaasha Xoogga Dalka ee difaaca qaranka.

Kulan ku saabsan dhamaystirka dastuurka iyo dhismaha garsoor madax bannaan oo muqdisho lagu qabtay

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 h𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮 𝐱𝐢𝐥 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 uu 𝐂𝐢𝐧𝐰𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚 “𝐊𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐀𝐘𝐒𝐓𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐄𝐘𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗 𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍”.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xassan Macallin ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda garsoor madaxbannaan uu u leeyahay Jiritaanka dowladnimada iyo hellitaanka Caddaalad dhamaystiran.

Wasiir Xasan ayaa xusay in Sadaxda hay’addood ee dowladdu ay ku taagan tahay laba la dhamaystiray, halka Garsoorka uu weli qabyo u yahay Dastuurka, wuxuuna xusay in ay yihiin laba isku xiran.

kulanka ayaa lagu soo bandhigay Dood-Wadaag laxariirta kaalinta dhamaystirka Dastuurka u leeyahay dhismaha Garsoor madax bannaan, waxaana doodda qayb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Siciid Cali Maxamad, Xeer ilaaliye Musdaf Macallin Cali iyo Xeeldheere Sharci Xusseen Cabdi Cilmi.

Hindiya oo shixnad dawo ah ugu deeqday Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa dowladda India kala wareegay 10 tan oo daawooyin kala duwan ah, kuwaas oo qayb ka ah taageerada joogtada ah ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ay ugu deeqaan caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu wareejinayay deeqdan caafimaad oo ka dhacday Dekedda Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Agaasimaha waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Mohamed Abdullahi, Maareeye ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji Maxamed Warsame iyo xubno kale.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda India deeqdan muhiimka ah ee daawooyinka ah, isagoo xusay in ay gacan ka geysan doonto taageeridda xarumaha caafimaadka iyo wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee shacabka.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta xarumaha caafimaad, iyo hubinta helitaanka daawooyin tayo leh oo ku filan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda India uu yahay mid muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaad, looguna adeegayo bulshada Soomaaliyeed si hufan.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay danjiraha Shiinaha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro dhal ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa lagu lafa guray mashaariicda dowladda Shiinaha la waddo SoDMA sida, horumarka laga sameeyay dayactirka bakhaarka dhexe ee SoDMA, si kor loogu qaado diyaar garowga & iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, Horumarka laga sameeyay qorshaha dhismaha Xarunta Hawlgallada Degdegga ah ee magaalada Laascaanood, oo noqon doonta xarun muhiim u ah isku-duwidda maareynta musiibooyinka

Sidoo kale labada dhinac ayaa kawada hadlay Adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo door muuqda ka qaadanaya dhisidda adkaysiga iyo xoojinta awoodaha dowladda.

Hay’adda NIRA oo ku baaqday in la qaato Kaarka aqoonsiga

Madaxda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Baaqa ayaa yimid iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Aqoonsiga Adduunka, taas oo fursad u ah kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiimadda kaarka aqoonsiga.

NIRA waxay shacabka Soomaaliyeed ku boorrisay inay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’iideystaan is-diiwaangelinta lacag la’aanta ah ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo socon doonta muddo kooban.

Hay’addu waxay xustay in kaarka aqoonsiga qaranku yahay mid muhiim u ah helitaanka adeegyada dowladda, iyo horumarinta nidaamka maamulka dalka.

Sidoo kale, NIRA waxay ku adkaysay bulshada in is-diiwaangelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadin kasta, isla markaana lagu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha aqalka sare oo qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista dastuurka, iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha, oo si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha, ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee horyaalla Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.

Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Guddoomiyaha soo dhaweyntiisa diirran, ayaa bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxay sidoo kale xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ku tagay xarunta dhexe ee hey’adda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Maamulka hay’adda kuwaasi oo sharaxay adeegyada socdaalka, bixinta baasaboorrada, adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee lagu maamulo xogta muwaadiniinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in hay’addani leedahay ahmiyad gaar ah, maadaama ay tahay iridda laga soo galo loogana baxo dalkeenna, isla markaana ka tarjumaysa sumcadda iyo haybadda Qaranka.

“Shaqo weyn iyo masuuliyad culus ayaad dalka u haysaan, dhaqaalaha, amniga, fududeynta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, dhammaantood waa howlaha aad masuulka ka tihiin. Waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad bulshada ugu adeegtaan si hufan oo daahfuran.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

    

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada horumarinta arrimaha siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha, oo si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha, ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee horyaalla Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo si gaar ah loogu tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.

Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Guddoomiyaha soo dhaweyntiisa diirran, ayaa bogaadisay dadaallada Golaha Aqalka Sare ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka ah ee dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxay sidoo kale xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee lagu garab istaagayo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray garoonka Aaden Cadde

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maamulka garoonka ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.

Waxaa uu sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.