Maxkamadda gobolka Banaadir oo xarig 15 ah ku ridday haweeneey ku eedeysan maalgelinta argagixisada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kusoo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha khawaarijta, maalingalinta argagaxisada iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah waxay ku xukuntay 15 sanno oo xarig ah iyo $20,000 oo ganaax lacageed ah.

Nadiifo ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay in la baabiโ€™iyo Akoonkeeda laguna wareejiyo dowladda wixii lacago ah ee ku jira.

Ciidanka XDS oo miino baaris ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Lambar Konton iyo Muuri

Marka-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa inta u dhaxeysa deegaanada Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha hoose ka soo saaray miino ay Khawaarijtu u diyaariyeen inay ku xasuuqaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa xaqiijiyay in iyada oo aan wax dhibaato ah ay gaarin ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartaas ay Khawaarijta dhiig-miiratada ah ugu talagaleen inay ku gumaadaan shacabkeenna, kadib howlgal miino-baaris ah oo ay fuliyeen.

Waddada ay miinadaas ku fashiliyeen geesiyaasha qarankeenna ee Xoogga Dalka ayaa waxaa inta badan isticmaala gaadiidka isaga kala goosha gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka, kaas oo lagu taageeri doono wacyigelin, jawaab degdeg ah iyo soo kabasho.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kulan istiraatiiji ah oo lagu soo bandhigay qorshe fulineedka horumarinta awoodda iyo abaabulka khayraadka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga hayโ€™adaha iyo ujeeddada ugu weyn ee adeeg hufan oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dalka ee la xiriirta ka jawaabidda musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, lana hubiyo in khayraadka iyo adeegyada muhiimka ah si hufan loogu adeegsado, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo waxyeello kasta oo ka dhalan karta musiibooyinka mustaqbalka.

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu falanqeynayey fursadaha maaliyadeed ee wax looga qaban karo khataraha iyo musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimillada iyo sida loo heli karo maalgelin iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, si wax looga qabto saameynta sii kordheysa ee arrintan.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo fursado maaliyadeed oo waara, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo loona xakameeyo halista musiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya sababo la xiriira isbeddelka cimillada.

Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey suโ€™aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa soo bandhigay guulaha waaweyn ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ee dhinacyada amniga, siyaasadda dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah, doorashooyinka, xiriirka dowlad-goboleedyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dadweynaha ugu jawaabayay si toos ah suโ€™aalaha ay qabaan ayaa sheegay in muddada u hartay ay xaqiijin doonaan guulo ballaaran oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper AktaลŸ. Kulanka ayaa looga wadahadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca, tabarrada ciidamada iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato dhismaha hayโ€™adaha difaaca iyo horumarinta xirfadaha Ciidamada Qalabka Sida.

ย ย ย 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka wadamada Islaamka iyo Carabta

Dooxa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israaโ€™iil ay ku qaaday dalkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadiโ€™da sharciga caalamiga ah iyo goโ€™aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israaโ€™iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

 

ย ย ย ย ย 

MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY AMIIRKA QADAR

Doxa: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar.

Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoadadheer ee ka dhexeeya labada dal.

ย ย ย ย 

Kulan lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka lagu ansixinayay Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay goโ€™aanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si wax looga qabto halista qaraxyada ay adeegsanayaan kooxaha argagixisada. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in hirgelinta istiraatiijiyaddan ay ku salaysnaan doonto midnimo iyo masuuliyad wadaag ah oo u dhexeysa hayโ€™adaha qaranka ee qaabilsan amniga, iyadoo si dhow loola shaqeynayo saaxiibbada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bogaadiyay Laanta La-socodka Hubka, Rasaasta iyo Walxaha Qarxa ee Xafiiska Amniga Qaranka, dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan diyaarinta iyo isku-duwidda qorshahan, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.

 

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda kubadda cagta Dekedaha, kuwaas oo ka ambabaxaya dalka si ay uga qeybgalaan tartanka CAF โ€“ Confรฉdรฉration Africaine de Football oo ka dhacaya dalka Keynnya.

Kulanka sagootinta ayaa lagu muujiyay taageero buuxda oo maamulka dekeddu u hayo kooxda, iyadoo Maareeyuhu ku boorriyay ciyaartoyda in ay si sharaf leh u matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya.

โ€œKooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga goโ€™an in aan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Nuur.

Danjiraha oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda, ayaa sidoo kale dib u xusuustay waayo-aragnimadiisii isagoo ahaa Safiirkii Soomaaliya ee Kenya, gaar ahaan xilli xulka qaranka Soomaaliya uu booqday magaalada Nairobi.

Wuxuu xusay in si weyn loo abaabulay taageerada jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay xulka iyo koox Kenyan ah ay ku dhammaatay barbaro 1-1 ah.
Falcelinta shacabka iyo warbaahinta Kenya ayaa ahayd mid lama filaan ah.

โ€œWargeysyada Kenya waxay maalintii xigtay qorayeen faallooyin muujinaya yaabka ay ku qabaan sida taageerayaashu u buuxiyeen garoonka. Waxaa laga dhahay: โ€˜Halkaan ma Nairobi baa mise waa Muqdisho?โ€™,โ€ ayuu yiri Maareeyaha.

Danjiraha Cali Ameriko ayaa muujiyay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay had iyo jeer u garab taagan tahay xulka qaranka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duubnida iyo taageerada wadaniyeed ee lagu garab istaago ciyaartoyda mataleysa Soomaaliya.