Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.

Shirkan oo uu daahfuray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo khubaro lagu casuumay.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaraya adkeynta tayada badeecadaha ka baxaya Soomaaliya si loo ilaaliyo sumcadda ganacsiga dalka, iyo hubinta tayada badeecadaha dalka la keeno si sare loogu qaado ilaalinta badqabka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liddi ku ah sharafta qaranka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono qof kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo kuwa ku xadgudba diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa yiri:
“Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudubka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maanta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa.”

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u mahadceliyay Taliska Guud ee Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu eedeeyay aflagaado madaxda qaranka iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa horey uga digtay dadka ku xadgudba anshaxa iyo sharciga, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falalkaas.

Guushu waa adigoo wax yar Adkeysta (FAALLO)

Ciidanka Xoogga Dalka oo wali wada dabagalka firxadkii Khawaarijta ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana laga soo qabtay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii la jabiyay.

Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay seddax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah, iyadoo howlgalku ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu isna Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa odayaasha dhaqanka iyo Qaar ka mid ah Saraakiil ee gaaray degmadaasi kala wareegay Xoola nool iyo Sahay loogu tala galay Ciidanka Xogga dalka, Maamulka Degmada Ceeldheer oo wakiil ka ah dadka deegaanka ayaana 200 oo Neef oo Ari ah iyo Afar Neef oo Geel ah ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka ee Khawaarijta ka difaacay, kuna laayey degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa bulshada deegaanka oo isugu jiray Ganacsato, qurbo-joog, Odayaal dhaqameed iyo saraakiil, ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejiyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wareejinta Sahayda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga dalka Somaliyeed, Taliyaha Qaybta 21,aad, Taliyaha Qaybta 1,aad ee Gorgor, Taliyaha Booliiska Hirshabelle, Taliyaha Guutada 24,aad ee Khaalid Binu waliid, Taliyaasha Ururada, Abaanduulayaasha Ciidanka, iyo Waxgaradka Deegaanka, waxaana xusid mudan waxaas iyo wax ka badan ayay istaahilaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo la wareegay xoolaha, ayaa maamulka degmada, Saraakiisha, Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka uga mahadceliyay garab-istaagga iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku garab taagan yihiin geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.
Xoolahan oo iskugu jira Ari iyo Geel, ayaa loogu talagalay taageerada ciidanka, kuwaas oo dhowaan degmada Ceeldheer casharro culus ku dhigay maleeshiyaadkii khawaarijta ee deegaanka lagu soo qalday.

Haddaba Warka aadka u fiican ayaa ah in abaalmarin lacageed la guddoonsiiyo Askarigii baajiyay inay qaraxyadu soo gaaraan fariisimaha ciidanka, wuxuuna Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey Askarigii RBG ama Sabanka ku dhuftay ee gubay Gaarigii koowaad ee siday Qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo sidoo kalena, Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu Askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay Askarigii fashiliyay Gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu Askarigaasi la helay, waa tii horey loo yiri ” Guushu waa adigoo wax yar cagaha Dhulka ku haya”, taasi ayaana suurtogalisay inay ciidanku guushaasi gaaraan.Waxyaabaha laga calaamadeeyay dagaalkii Khawaarijtu sida weyn ugu jabtay ayaa waxaa ka mid ah:- in ay kooxda Shabaabku qirtaan inay jab weyn ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay magaalada Ceeldheer, taasi waxay ku tuseysaa in Khwaarijta jab xooggaan la soo gaarsiiyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta lagu jebiyey ee degmada Ceeldheer ay ku timid kaalinta iyo garab istaagga shacabka deegaanka.

Janaraal Sahal oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa tilmaamay in shacabka deegaanka ay door muuqda ka qaateen taageeridda ciidamada Qaranka, taasoo horseeday in jab xooggan loo geysto Khawaarijta. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga shacabka iyo ciidamada uu yahay furaha guusha dagaalka ka dhanka ah kooxada khawaarijta.

“Guushii Ciidanka Xoogga Dalku ay ka gaareen Khawaarijta lagu jebiyay Degmada Ceeldheer waxa ay ku timid dadka deegaanka.”Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullahi Cumar.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa xusay in howlgalka Ceeldheer uu caddeyn u yahay sida wadajirka shacabka iyo ciidanku ay u burburin karaan khatar kasta oo amniga iyo xasiloonida dalka wax u dhimaysa.

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiib, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo” sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaa Yuusuf “Cadaala”.

Fariinta koowaad, waxa ay muujinaysaa awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiib iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.

Fariinta labaad ee ku jirta waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranka.

Fariinta sadexaad, waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.

Fariinta afaraad, waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarrada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda”.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.

Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.

Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.

Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Doha(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka heer Wasiir ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka deg-degga ah ee ay iskugu imaanayaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, kagana hadlayaan weerarka Israa’iil ku qaaday dalka Qatar.

Shirka ayaa lagu faaqiday weerarkii Israa’iil ku qaaday Qatar 9-kii Septembar, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada wadamada Carabta iyo Islaamka si looga hortago xad-gudubyada ay Israa’iil ka waddo Gobolka bariga dhexe, iyadoo go’aannada ku xusan war-murtiyeedka shirka la go’aamiyay in loo gudbiyo shir-madaxeedka beri oo Isniin ah furmaya si loo meel-meeriyo.

Waxaa la filayaa in Shir-madaxeedka degdegga ah uu soo saaro mowqif mideysan oo ka tarjumaya welwelka hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku aaddan saameynta weerarka ku yeelan karo amniga iyo xasilloonida.

 

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, isaga oo ku biiraya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo ka qaybgali doona Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxwayanha ayaa inta uu Shirku socdo waxaa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.
   

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka sareeyo Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Khaalid iyo wafdi Saraakiil uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Ceeldheer, halkaas oo Ciidanka Qaranka ku xasuuqeen Khawaarij.

Taliyaha ayaa degmada u soo gaaray si uu u dhiirageliyo ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanka, kuwaas oo maalmo ka hor cashar lama ilaabaab ah u dhigay maleeshiyaadka Khawaarijta oo weerar naflacaari ah ku soo qaaday degmada Ceeldheer ee Bariga gobolka Galguduud.

Socdaalka, Taliyaha Ciidamada Dhulka ee degmadaas ayaa waxaa ku wehelinaya Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay Shaqada iyo Difaaca Qaranka ay hayaan geesiyaasha xoogga dalka iyo Xooggaga dadka deegaanka, kuwaas oo u babac dhigay weerarada gaadmada ah ee Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane, Cabdalla Cuteybi, iyada oo kulanka looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Jaamacadda Carabta Mudane Cabdalla Cuteybi, ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka, isaga oo xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, (Wargeyska Dalka) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa, Justin Davis, iyo Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Matthew Younger. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqada Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.