Shirka Wadatashiga Garsoorka ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo laga daah furay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Shirka Wadatashiga Garsoorka ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda uu xeerkan u leeyahay dalka, isagoo carabka ku adkeeyay in uu qeyb ka yahay dib-u-casriyaynta Garsoorka Soomaaliyeed, oo muddo dheer lagu soo shaqeynayay.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, Siciid Cali Gureey, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu wadatashigan u leeyahay dalka, iyo sida uu gacan uga geysanayo horumarinta nidaamka cadaaladda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirka, isagoo tilmaamay in xeerkan uusan keliya khuseyn garsoorka, balse uu faa’iido ballaaran u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga ah.

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlagallo Qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii lagu jebiyay degmadaas.

Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay sedax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah.

Taliyaha qeybta koowaad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareerre) oo hoggaaminayay howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer, laguna baadi goobayo haraadiga Khawaarijta, ayaa sheegay inay sii wedi doonaan howlgallada ka dhanka ah nabadiidka si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado dhagartooda.

 

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

-Ramla Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka, isla markaana hanatay guulo isdaba joog ah, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in guusha Ramla Cali ay tahay mid Soomaaliya u soo hoysay sharaf weyn.

Wasiir Khadiija ayaa tiri: “Ramla Cali waxay adduunka ku matashay calankeenna Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay inaan maanta dalkeeda hooyo kusoo dhaweyno.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan oo soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa yiri “Feeryahanad Ramlo Cali waxay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.”

Dhankeeda, Ramla Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan intii soo dhoweynta u sameysay, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in guushaas ay la wadaagto ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkan, oo furmi doona maanta oo Axadda, ayaa gogol-xaarka u ah shir-madaxeedka degdegga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka, kaas oo diiradda lagu saari doono duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha dalka Qatar.

Wasiirrada ka qeybgalaya kulanka ayaa ka doodi doona saameynta siyaasadeed iyo amni ee xiisadda gobolka, waxayna diyaarin doonaan war-murtiyeed mideysan oo loo gudbin doono shir-madaxeedka si loo meel mariyo.

Shir-madaxeedka degdegga ah, oo lagu wado inuu qabsoomo Isniinta, ayaa isu keeni doona madaxda dalalka Carabta iyo Islaamka, si ay ugu muujiyaan midnimo, isbahaysi iyo garab istaag shacabka iyo dowladda Qatar, loona wajaho caqabadaha ka dhashay weerarradaasi.

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) waxaa uu ogeysiinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir in dib loo furay Xarumaha Diwaangelinta Dadweynaha ee Degmooyinka hoos ku xusan.

1. Degmada Warta-Nabadda
2. Degmada Howl-Wadaag
3. Degmada Hodan
4. Degmada Wadajir
5. Degmada Dharkeynley
6. Degmada Waabari
7. Degmada Kaxda

GMDQ&S waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan Muwaadiniinta aan horey isku diiwaangelinin iyo taageerayaasha xubnaha Ururrada Siyaasadeed ee dhawaan shahaadada qaatay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan, kuna dhiirigeliyaan bulshada iyo taageeradooda inay ka faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee dib-u-furista diiwaangelinta.

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Laascaanood:- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan lagaga tashanayey horumarinta isku-duwidda iyo iskaashiga gargaarka bani’aadantinimo, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed (Hindi), wakiillo ka socday hay’adaha samafalka (NGOs), ururrada bulshada rayidka, iyo boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda Laascaanood.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gargaarka ee Waqooyi Bari ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta howlaha gargaarka bani’aadantinimo. Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu waydiiyay su’aalo la xiriira sidii gargaarka si hufan oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa bulshada nugul ee ku nool deegaannada maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiyuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadaallada SoDMA ee wax ka qabashada arrimaha bani’aadantinimo ee ka jira deegaannada Waqooyi Bari, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la mideeyo qorshayaasha iyo dadaallada hay’adaha kala duwan. Sidoo kale, wuxuu si toos ah uga jawaabay su’aalihii shacabka, kuwaas oo codsaday in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
                      

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu soo Afmeeray Ruushka

St. Petersburg:- Waxaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda (international United Cultures Forum), kaas oo socday intii u dhexeysay 10-13 bishan.

Madashan Caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgaley in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah.

Waxaa Dawladda Soomaaliya uga qaybgalay wafdi uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac .

Wasiirka intii madashu socotay wuxuu kulmo gooni gooni ah la yeeshay Wasiiradii dhiggiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka ka soo qeybgashey.

Madasha waxaa si rasmi ah u soo xiray madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir  Putin.

         

Taliyaha CXD oo abaalmariyay Geesiyaashii Fashiliyay Weerarkii Ceeldheer

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay u balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askarigii fashiliyay gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii labo xabo oo RPG ah uu askarigaasi la helay.

    

Magacyada maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay Ceeldheer

Ceeldheer- Waxaan helnay xogta iyo magacyada horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaad lagu qiyaasay 700 oo Khawaarij ah, kuwaas oo shalay weerarkii degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku noqday wax la dilay, wax nolosha lagu qabtay iyo wax lagu dhaawacay dagaalka.

Dagaalkaas oo socday ku dhowaad toddoba saacadood, waxay ciidamada dowladda oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka xoogga saareen in Khawaarijtii weerarka soo qaaday uusan ka laaban hal qof oo nool.

Gudaha magaalada, daafaha iyo duurka fogba meydadka cadowga ee urkooda dadka laga aasay waxay kor u dhaafayaan 75 dhagarqabe, oo horjoogayaal aan magacyadooda hayno ay ku jiraan, iyadoo dhaawacyada Khawaarijta ay ka badan yihiin 85 kale.

Horjoogayaasha la xusi karo ee dagaalka lagu dilay waxaa ka mid ah: Horjooge Cabdiqani Amiir Saariyow, Saciid Ibraahim Cali Tifoow, Saabir iyo Daadulaah, kuwaas oo ahaa horjoogayaashii ugu sareeyey Khawaarijta ku dhuumaaleysata bariga gobolka Galgaduud.

Halka dhaawacyada horjoogayaal ay ka mid yihiin Macallin Ciise, Dr. Bishaar iyo Carab Qamaar oo dabiib caafimaad loo waayey, naftuna ay ku dabayartahay, ay Khawaarijtu geeyeen Galhareeri iyo deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in Khawaarijta nolosha looga qabto maxaabiis dagaal oo hadda ku jira gacanta ciidamada dowladda, iyadoo cadowga laga furtay hub iyo rasaas aad u badan.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa tan iyo 4-tii bishaan la socday qorshaha weerarka ay Khawaarijtu abaabuleysay. In xogta cadowga si toos ah loo la socday ayaa suurtagelisay guusha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaalka.

Guusha ciidamada geesiyaasha ah waxay soo bilaabatay markii ay fashiliyeen qaraxyadii cadowgu ku soo rareen labo gaari, kuwaas oo ay doonayeen in weerarka ay ku bilaabaan, balse ciidamadu qarxiyeen iyagoo aan wax khasaare ah geysan.

Isku xirnaanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horseedday in la jebiyo cadowga.

Difaacyada ciidamada dowladda oo ku yaallay goobo kala duwan ayaa sahlay in la wiiqo qorshihii cadowga oo la laayo maleeshiyaadkii Khawaarijta.

Ciidamada ayaa waqti fiican helay gurmad ciri iyo dhul ah, taas oo suurtagelisay in bilow ilaa dhammaadkii dagaalka ay ku gacan sareeyaan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha hubka u qaatay inay cadowga iska difaacaan ee degmada Ceeldheer.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarunta cusub ee taliska sahanka iyo sirdoonka Cxds

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay xaruntan astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, isagoo xusay in tignoolajiyada lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.