Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas iyo Dania Cossa oo ah Madaxa Howlgelinta.

Kulan gaar ah oo Xafiiska Taliyaha ka dhacay ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, taageerada dhanka Tababarrada,qalabaynta iyo la-talinta farsamo ee EUCAP u fidiso Booliiska Soomaaliyeed.

Kulankani waxa uu ka mid yahay dadaalada uu hormuudka u yahay Taliye Asad ee lagu dhisayo awoodaha Ciidanka Booliiska oo mudadii uu Xafiiska joogay siweyn looga dareemayo isbeddel.

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu furmi doono maalinta sabtiga ah oo ku beegan 20-ka Bisha September-2025.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan ‘Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku saleysan.’

In ka badan 70 ka mid ah Saraakiisha Idman ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aqoon isweydaarsigaan.

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer(Wargeyska Dalka):-Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay halkaas lagu laayay.

Ciidanka xoogga ayaa shalay jab xooggan ku gaarsiiyey degmada Ceeldheer kooxda Khawaarijta ah oo isku dayday in ay ku soo qaado weerar arbushaad ah,kaas oo jawaab kulul ka bixiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi khawaarijta ayaa dagaalkan looga dilay in ka bdan 60 xubnood waxaana sidoo kale looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale Khawaarijta ka qabtay tiro maxaabiis ah,hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug oo hambalyeeyey guulaha Ciidanka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Qaranka iyo halyeeyada deegaanka guushii taariikhiga ahayd ee ay maanta kasoo hooyeen dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta ee ka dhacay Degmada Ceeldheer.

Wasiirka gaashaandhigga XfS oo xaqiijiyey in 60 khawaarij ah lagu dilay Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in dagaalka Ceeldheer Khawaarinta looga dilay in ka badan 60 xubnood sidoo kalena goobta lagu dilay labadii horjooge ee hoggaaminayey khawaarijta.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkan khawaarijta looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Addis Ababa, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, iyagoo kulanka diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo Xireenka Ethiopia (GERD) oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgelinta hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika, isagoo isla markaana kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya,William Ruto.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga qaaradda Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.
6- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta hawlwadeenada imtixaanka qaranka ee 2024–2025-ka iyo xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo biowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.

8- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka degaanka ayaa jab xooggan u geystay maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab oo isku dayey inay soo weeraraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.

11- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.

12- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya Cazuuz Nasri.
13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray dhismaha Waddada Daarusalaam, wejiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

14- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir fogaan-arag ah (virtual meeting) la yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sare ee Qaramada Midowbay u qaabbilsan La-dagaalanka Argagixisada (UNCTED) Marwo. Natalia Gherman.

15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxamaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la yeeshay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka (UN Women) ee Soomaaliya.

16- Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustafe Mukhtaar ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb-gashay shir looga hadlayay tacliinta sare ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

17- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday guryo shacabka ay deggan yihiin.

18- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha Sannadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

19- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa magaalada Aljeris kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, iyo Kalluumaysiga ee Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa.

20- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) aya kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ,Francesca Di Mauro iyo Ku-Xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

21- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan, Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada St. Petersburg ee dalka Russia kaga qeybgaley Madasha Caalamiga ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda.

23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

24- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo ay shacabka degmada Buur Hakaba si isku-tashi ah u dhisteen.

25- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.

26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay furitaanka Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair) oo lagu qabtay dalka Aljeeriya.

27- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga ee Koonfur-Galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo adkaynta sharciga ciidanka.

28- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku yimid dalka.

29- Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta kaas oo lagu beegsadey kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu diley deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

===========DHAMMAAD==========

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha ciidanka qaranka ay ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen kooxo maleeshiyaad ah oo doonaayey in ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan dadka shacabka ah eek u nool Degmada Ceel-dheer.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ceeldheer waxa ay saakay Khawaarijta u dhigeen cashar lama iloowaan ah oo sababay in kooxdaasi ay ka cararaan halkaasi,isla markaana ay qaadan waayaan meydadkooda iyo dhaawacyadii kale.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo isna ka hadlay dagaalkii maanta ayaa sidoo kale yiri”Meel kasta waxaa daadsan maydadka Khawaarijta oo saaka isku maqiiqay Ceeldheer, waxaa mahadsan geesiyaasha Xoogga iyo kuwaa deegaanka, alle ayaa leh mahad oo dhan”.

Madaxdaasi ka tirsan xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in ciidanka iyo dadka deegaanka ee gobolada dalka ay ka qeybgalaan duulaanka la doonayo in lagu ciribtiro maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee diidan in la gaaro xasilooni iyo kala dambeyn.

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Gaalguduud.

Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.

Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si joogto ah ugu taagan difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.

Ciidanka ay saaka gacanta ku dhigay mid ka mid ah horjooge la socday koox maleeshiyaad,waxaana loo fidiyay gargaar daaweyn ah.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley Meertada 11-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu qabtay Magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan wufuud ka socda in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka faa’ideysiga iyo adeegsiga dhaqanka iyo diblomaasiyadda, si loo xoojiyo iskaashiga iyo nabadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhaqanka uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo xoojineysa isku xirka bulshooyinka kala duwan ee caalamka,gaar ahaan xilligan oo dunidu ay soo food saartay caqabado kala duwan ayna hubaal tahay in dhaqanka uu noqdo afka mideyna kara fikradahaka kala duwan ee caalamka ka jira.

Madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeybgaley ayaa iyaguna xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dunida laga badbaadiyo colaado iyo iska hor-imaadyo hor leh, iyadoo la xoojinayo muhimadda dhaqamada kala duwan ee caalamka ka jira, lana abuuro fursado loo wada siman yahay oo dunida nabad u horseeda, isla markaana la iska kaashado in colaadaha iyo dagaallada haatan socda lagu beddelo nabad, wada noolaansho iyo wax wadaqabsi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqanka ee Soomaaliya iyo dalalkaasi.