Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley Meertada 11-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka oo lagu qabtay Magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan wufuud ka socda in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka faa’ideysiga iyo adeegsiga dhaqanka iyo diblomaasiyadda, si loo xoojiyo iskaashiga iyo nabadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhaqanka uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo xoojineysa isku xirka bulshooyinka kala duwan ee caalamka,gaar ahaan xilligan oo dunidu ay soo food saartay caqabado kala duwan ayna hubaal tahay in dhaqanka uu noqdo afka mideyna kara fikradahaka kala duwan ee caalamka ka jira.

Madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeybgaley ayaa iyaguna xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dunida laga badbaadiyo colaado iyo iska hor-imaadyo hor leh, iyadoo la xoojinayo muhimadda dhaqamada kala duwan ee caalamka ka jira, lana abuuro fursado loo wada siman yahay oo dunida nabad u horseeda, isla markaana la iska kaashado in colaadaha iyo dagaallada haatan socda lagu beddelo nabad, wada noolaansho iyo wax wadaqabsi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqanka ee Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Isra’el

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan MadaxdaTurkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar.

Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in laga hortago adeegsiga aan loo meel dayin ee ka dhanka ah madax-bannaanida Qatar.”

Ergayga Turkiha ayaa  dib u xaqiijinaya midnimada ururka Iskaashiga Islaamka,isagoo yiri”Waxaan u taagannahay si wadajir ah in aan  taageerno xaqa iyo waajibaadka Dowladda Qatar si ay uga jawaabto xadgudub kasta ama gardarro kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Dalka Turkiye ayaa xilligaan haya talada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxayna madaxda dalkaasi ay soo saareen bayaan lagu dalbanaayo in Israel lagula xisaabtamo weerarada ka dhanka ah Qadat iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar cirka ah Talaadadii la beegsatay ergada wada xaajoodka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Doha,waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ku jiraan wiil uu dhalay hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Gaza, Khalil al-Hayya, saddex kaaliye iyo sarkaal ammaanka Qatar u qaabilsan Badr al-Dosari.

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo saarka Beeraha.

Munaasabaddaan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradda beeraha iyo jaamacadda Jambuuruya ,iyadoo mudadii ay socotay xafladdaasi lagu soo bandhigay fikrado ganacsi oo wax ka taraya horumarka loo qaadi karo xagga beeraha.

Ujeedka munaasabaddaan aya aheyb mid loogu talagalay dhiirigalinta dhallinyarada,gaar ahaan 50 xubnood oo  soo dhameystay tababar aqoon kororsi ah oo socday muddo bil iyo bar ah .

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamuud Maxaed Maxamuud oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa xusay in bandhiggaan uu qeyb ka yahay tartanka hal abuurka furan,kaas oo la doonayo in lagu soo saaro dhallinyarada ku fiican xagga wax soo saarka beeraha.

Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda beeraha iyo jaamacadda Jamhuuriya waxaa kaloo ka hadlay Qaasim Cabdi Jimcaale iyo Aamino Cismaan oo xubno ka ah Jaamacaddaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa looga wadahadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa bogaadiyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashigan uu u leeyahay xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo Gobolka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo dowladda Ingiriiska kala wareegay gaadiid iyo qalab casri ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo la guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qalabkan iyo gaadiidka ayaa waxa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya gudoonsiiyay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Danjire Charles King.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ay la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

      

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo xarigga ka jaray Xarunta taliska Ciidanka Haramcad

waxa maanta Magaalada Muqdisho  lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, kaddib markii dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay xarunta.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macallin, iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada.

Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.

       

XFS 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐮 𝐜𝐚𝐦𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 ay 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐝alka 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.

Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada hilibka.

Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka qayb galay aas-aaska gole mideynaya baarlamaannada Qaaradaha Afrika iyo Aasia

Beirut-Lebnon- Shir lagu aas aasayay Gole Baarlamaan cusub oo mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa lagu qabtay Magaaladda Beirut ee caasimadda Dalka Lebnon, waxaana Soomaaliya shirkaasi ku matalayay Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo sidoo kale Senator Samiira Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Xubnaha Soomaaliya ku matalayay Aas-aaska Gollahan cusub ayaa ka qeyb qaatay kulamo iyo doodo lagu gorfeynayay xoojinta iyo iskaashiga Baarlamaanadda, kobcinta wada hadalada siyaasadeed iyo sidoo kale horumarinta iskaashi horumarineed oo dhexmara labada Qaaradood.

Aas-aaska Golaha Baarlamaanka cusub ee mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga labada qaaradood.

Dowladda oo sheegtay in ay naafadu ka mid noqon doonaan siyaasadda dalka

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa daah-furay Kulan dadwayne oo looga wada – tashanayay xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada) iyo doorkooda dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Ilyaas oo kulanka furay ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-qaran ay diyaar utahay dhaqangellinta sidii dadka Naafada ah uga mid noqon lahaayeen Siyaasadda dalka, isagoo dhanka kale xusay in shirkaani ka duwan yahay kulamadii hore ee dadwayne ayna siinayaan ahmiyad gaar ah.

kulanka oo ay si wadajirka ah u soo agaasimeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa qayb ka ahaa madax ka socotay sadaxda hay’addood ee dastuurka uxilsaaran, Guddoomiyaha hay’adda naafada Qaranka, Wasiiru-Dowlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Avv. Muumino Sheekh Cumar oo ah Xubin ka tirsan Guddiga Xuquuqul insaanka iyo Muwaadiiniin katirsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee (Naafada) oo kullanka kusoo bandhigay su’aalahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee ay ugu qayb-qaadan karaan dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka una xaqiijin karaan xuquuqdooda.

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimayaal kale

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u magacaabay Ibraahim Cabdullaahi Axmed (Sheellare) in uu noqdo Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, Xiriirka iyo Tiknoolajiyada ( Information and Communication Technology – ICT Department ).

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale u magacaabay Md. Abubakar Axmed Maxamed inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Sugnaanta Cunnada iyo Ilaalinta Bulshada (Director of Food Security and Social Protection).

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle guddoomiyaha SoDMA ayaa Agaasimayaashan kula dardaarmay in ay xilkiisa u gutaan si hufan oo daacadnimo iyo xilkasnimo leh, wuxuu Alle uu uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay magacaabayay Agaasimayaal ka qaybqaata fududeynta howlaha baaxadda leh ee ay ummadda u hayso hay’adda SoDMA.