Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay guddoomiyaha aqalka sare ee dalkaas

Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa kulan muhiim la qaatay maanta Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya Mudane Cazuuz Nasri.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriir-ka qotada dheer ee labada dowladood ee Somaalia iyo al-jeeriya, Waxaana laysla af-gartay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo oo isku dhaf ah kuwaas oo iska kaashanaya khibradaha iyo tababarada labada Baarlamaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Al-jeeriya ayaa mudooyinkii dambe kor u qaadayey sidii labada dal ay isaga kaashan-lahaayeen waxbarashada, amniga , ganacsiga iyo waliba xirirka diblomaasiyadeed taas oo hada meel fiican maraysa.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aby Axmed oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Addis Ababa (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Itoobiya mudane Abiy Axmed.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol.

Ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabbilay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada shaqeynta ku dhisan walaaltinimada iyo dan-wadaagga, waxaana uu si gaar ah shacabka iyo Dowladda Qatar ula wadaagay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ee ku aaddan xadgudubkii iyo duqeymihii dhawaan ka dhacay dalka Qatar, isaga oo muujiyay tacsi, taageero iyo garab istaag buuxa oo ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda u hayaan walaalahooda reer Qatar.

Safiirka Dowladda Qatar ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka uu ku leeyahay dejinta sharciyada iyo shuruucda muhiimka u ah dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, waxaana uu xusay in Dowladda Qatar ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliso xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo dhoweeyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, asigoo tilmaamay sida Dowladda Soomaaliya ugu faraxsan tahay in la sii ballaariyo xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababbar u furay garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyayaal

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta furay tababbar muddo laba maalmood socon doona, laguna baranayo gorgortanka qirashada ee dacwadda ciqaabta, kaasi oo ay bixinayeen macalimiin ka socota Machadka Pepperdine Sudreau Global Justice Institute ee Dalka Mareykanka.

Ujeeddada tababbarka ayaa ah xoojinta aqoonta iyo fahamka  xeer-ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaasha ee nidaamka gorgortanka qirashada, kaas oo door muhiim ah ka qaadan kara hufnaanta iyo adeeg bixinta degdega ah ee Garsoorka.

Tababbarka waxaa ka qeybgalaya garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal, Ururka Qareennada iyo khubaro sharci oo Soomaaliyeed oo ka kala socda hay’adaha caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed lagu xoojiyo aqoonta casriga ah, isla markaana loo helo habab fududeeya helitaanka caddaaladda si hufan oo daahfuran.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada hay’adood, gaar ahaan dhanka gurmadka banii’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee dalkeena.

Labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda banii’aadannimo ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaaraha daba-dheeraaday, colaadaha ka jira gobollo badan iyo barakaca gudaha, kuwaas oo si weyn u saameeyey dadka nugul.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii saaxiibada caalamka ay uga qeyb qaadan lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca gurmadka degdegga ah iyo dhisidda awoodda dowladda ee ka jawaabidda masiibooyinka, isagoo sidoo kale ku booriyay Dowladda Ingiriiska in ay sii kordhiso kaalinteeda, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka banii’aadannimo.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray wejiga labaad ee dhismaha waddada Daarusalaam

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha waddada Daarusalaam, wejiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Daarusalaam iyo qayb ka mid ah bulshada deegaanka ayuu Guddoomiyaha Gobolka xarigga uga jaray dhismaha waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo 4km.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxuloow, oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir munaasbada ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka dadaalka horumarineed ee ka socda degmada, isagoo xusay in waddadani ay muhiim u tahay isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay mashaariicda noocan ah in ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Munaasabadda xarig jarka ayaa astaan u noqotay dadaallada maamulka gobolka uu ku doonayo in uu ku xoojiyo horumarinta iyo isku xirka xaafadaha cusub ee magaalada Muqdisho.

SoDMA oo magacawday Agaasimaha Santuuqa Maareeynta Khataraha Musiibooyinka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u Magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka ( Director for National Disaster Risk Management Fund).

Gudmoomiyaha ayaa asagoo tixraacaya SHARCI Lr.17 kaas oo qodobkiisa 8-aad farqadiisa 2-aad 3-aad Iyo 4-aad uu dhigayo in Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ay abuurto Sanduuq dhaqaale oo ay ka qeyb galayaan ganacsatada iyo dadweynaha Soomaaliyeed kaas oo loogu talo galay in looga jawaabo Xaaladaha Deg-Deg ee Musiibooyinka Dalka lasoo gudboonaada ( Emergency Response ).

Mudane Diiriye ayaa lagula dardaarmay in uu hoowshiisa u guto si xilkasnimo leh, Allana uga baryay in uu u Fududeeyo Masuuliyadda loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Addis Ababa-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay mowqifka Soomaaliya oo ah in xasilloonida iyo barwaaqada gobolka lagu wada gaari karo oo keliya caddaalad, si wadaag ah iyo ixtiraamka danaha dhammaan dalalka daneynaya ka faa’ideysiga biyo-xireenka GERD.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ma aha in aan diidno baahiyaha midkeen, balse waa in aan helnaa hab lagu dheellitirayo baahiyaha inta kale iyadoo loo mareyo caddaalad iyo is-ixtiraam. Dalalka uu maro wabiga, waxa ay guul ku gaari karaan oo keliya haddii aan u dhaqaaqno sidii bulsho mideysan oo aan dalna laga reebin horumarka, midna aan la saarin culays gooni ah.”

Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Soomaaliya in ay si hufan ula shaqeyso dhammaan dalalka deriska iyo saaxiibada gobolka, si loo xoojiyo in si is-faham ku saleysan lagu gaaro isticmaalka kheyraadka wadaagga ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta midnimada gobolka iyo xoojinta iskaashi ku dhisan kalsooni, wada-jir iyo wax wada qabsi, isagoo Madaxweynuhu ku amaanay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka miradhalinta mashruucan.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in guusha dhabta ah ee maanta la xusayo aysan ku koobneyn oo kelliya hirgelinta mashruuca biyo xireenka GERD, asigoo hoosta ka xariiqay in  guusha mashruucan ay horseedi karto horumar intan ka sii balaaran oo ay ay kawada faa’ideystaan dadka ku nool gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo QM kala hadlay ka hortagga fikirka xagjirka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir fogaan-arag ah (virtual meeting) la yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sare ee Qaramada Midowbay u qaabbilsan La-dagaalanka Argagixisada (UNCTED) Marwo. Natalia Gherman.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira fikirka xagjirnimada, argagixisada iyo sidii looga wada shaqayn lahaa ka hortagga ficillada argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay muhiimad weyn siinayso arrimaha ka hortagga fikradaha xagjirka maadaama uu saameyn weyn ku leeyahay Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda ay diyaar u tahay inay arrimahaan kala shaqeyso hey’adaha caalamiga ah sida UNCTED.

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la yeeshay Madaxa UN Women ee Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa UN Women ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo UN Women ee hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (2025–2029).

Labada dhinac waxay isku raaceen in barnaamijyada UN Women la waafajiyo qorshaha qaranka, lana xoojiyo wada-shaqeynta kormeerka iyo qiimeynta (M&E), isla markaana Wasaaradda Qorsheynta iyo UN Women ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ururinta iyo la-falgalka xogaha ku saabsan haweenka, si loo hubiyo oo loo cabbiro horumarka dumarka Soomaaliyeed.