Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ethiopia uga qaybgalay shir looga hadlay maalgelinta AUSSOM

Guba: Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgalinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ay muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray kahortagga halista kooxaha khawaarijta ah.

 

  

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Vienna-Switzerland-(Wargeyska Dalka)-Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA), Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda Atoomikada IAEA, Rafael Mariano Grossi oo ka guddoomay.

Munaasabad lagu qabtay xarunta hay’adda ee Vienna ayaa lagu xusay xiriirka xooggan ee Soomaaliya ay la leedahay hay’ada Qaramada u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka, Amb. Khadra Axmed Ducaale, ayaa hay’adda uga warbixisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xiriir dhow la yeelato hay’adda Atoomikada Adduunka, gaar ahaan qeybaha Nukliyeerka ee loo adeegsado tamarta, beeraha iyo caafimaadka.

Hay’adda IAEA waxay ka caawisaa dalalka xubnaha ka ah hannaanka ay u adeegsadaan tiknoolojiyada casri ah oo lagu ilaaliyo deegaanka, laguna qiimeeyo saamaynta isbeddelka cimillada.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA) Mr. Rafael Mariano Grossi ayaa soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay uga jirto hay’adda, isagoo u xaqiijiyay in IAEA ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii ay uga faa’ideysan laheyd tiknolojiyada Nukliyeerka, si loo helo horumar waara.

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025.

Guddoomiyaha ayaa tallaabadan ku macneeyay in taageerayaasha ururrada cusub iyo siyaasiyiintooda ay fursad u helaan in ay is diiwaan geliyaan.

“Waxaan dib u furnay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025, si taageerayaasha ururrada cusub ay fursad ugu helaan inay is diiwaan-geliyaan.”

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu ku faraxsan yahay in dadkii dalkan usoo shaqeeyay, isla markaana keenay meeshay ay hadda Soomaaliya marayso ay ku qancaan in maanta ay qayb ka qaataan doorashada, wuxuuna intaa ku daray in howshii ay soo qabteen ay suurto gelisay in halkan lasoo gaaro.

Dadka maanta is diiwaan geliyay ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali.

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo soconaya muddo saddex maalmood ah.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada baaritaanka iyo kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada, waxaana si wadajir ah uga qaybgalaya wakiillo ka kala socda SoDMA iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo horumarin lahaa awoodda shaqaalaha si ay u aqoonsadaan kiisaska la xiriira leexsiga gargaarka ayna uga jawaabaan si wax ku ool ah, isla markaana loo abuuri lahaa habraacyo mideysan oo kor u qaada daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Cabdisalaam Cabdullahi Faarax, Agaasimaha Waaxda Gargaarka ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Galmudug, ayaa sheegay in leexsiga gargaarku uu yahay caqabad weyn oo si toos ah u hor istaagta dadaallada bani’aadannimada.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkani bixinayo qalab iyo farsamooyin lagama maarmaan u ah la dagaallanka arrintan.

Dhankiisa, Mudane Saciid Maxamed Cadceed, Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed, ayaa tilmaamay in iskaashigan uu yahay tallaabo horumarineed oo wax weyn ka taraysa awoodaha la socodka iyo baaritaanka ee hay’adaha gargaarka.

Ugu dambeyn, Prof. Maxamed Axmed Maxamed Cadalle, Kaaliyaha Guddoomiyaha SoDMA ee Barnaamijka Xalka Waara ee barakacayaasha, ahna Khabiir dhanka Isgaarsiinta ee leexsiga gargaarka, ayaa sheegay in barnaamijkani yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyadda SoDMA ee lagu hubinayo in gargaarka bani’aadannimada uu si toos ah ugu gaaro dadka xaqa u leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka 2-aad ee cimilada Afrika

Addis Ababa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ay ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah.

Wasiirka cadaaladda Uganda uga qayb galay shirka ururka la talinta sharciga Afrika iyo Aasiya ee (AALCO)

Kampala: Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirweynaha sanadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo matalaya Soomaaliya waxaa shirka ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare. Shirku waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Inta uu socdo shirka, waxaa lagu falanqeynayaa arrimo dhowr ah oo la xiriira sharciga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin: shaqada Guddiga Sharciga Caalamiga ah, sharciga badaha, deegaanka iyo horumar waara, sharciga caalamiga ah ee dhijitaalka (cyberspace), arrimaha sharci ee hawada sare, xaaladda qaxootiga iyo daryeelkooda, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Shirkan ayaa ah madal muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga sharci iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo Aasiya, iyadoo Soomaaliya ay kaalin muuqata ku leedahay doodaha iyo go’aannada muhiimka ah ee la xiriira arrimaha sharciga caalamiga ah.

   

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Aljeeriya

Aljeer (Wargeyska Dalka) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga iyo Kalluumaysiga ee dalka Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si gaar ah looga hadlay fursadaha maalgelin ee ka jira Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo sidii labada dowladood ay uga faa’iideysan lahaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro iyo kuxigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo sidoo kale shuruucda muhiimka ah ee hortaala Golaha Shacabka.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa diirran, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna sidoo kale caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka si loo sii xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dalka kusoo dhoweeyay safiirka cusub ee midowga Yurub ayaa warbixin ka siiyay shaqada Golaha gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka qodobada ka harsan iyo sidoo kale shuruucda kale ee dhameystirka dowlad dhiska muhiimka u ah.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan dowladooda iyo Baarlamaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Dastuur dhameystiran iyo shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Wadadan oo xiriirisa Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ilaa Isgoyska 14-ka Oktoobar, oo sidoo kale loo yaqaanno Soobe, ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig-jarka, Guddoomiyaha ayaa xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka ku beddelaya adeeg muuqda.

“Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena.” ayuu yiri guddoomiye Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la hirgeliyay, si bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda, ay u helaan adeegyo kaaba horumarka.