Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Addis Ababa – Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya shirka looga hadlayo isbeddelka cimilada iyo saamaynta taban ee uu ku yeeshay qaaradda Afrika, kaas oo ay ka qeyb-gelayaan madax kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah meertada labaad ee Shirka Cimilada Afrika ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii looga gaashaaman lahaa khataraha ka dhashay isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale la doonayo in la dejiyo qorshe mideeya madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xalal wadajir ah loo heli lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono ajendayaasha mudnaanta leh ee ay dowladda federaalka Soomaaliya u dejisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay dalka. Sidoo kale, wuxuu kulamo-doceedyo la yeelan doonaa madaxda kale ee ka qeyb-galaya shirka

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qaybgali doono Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Afrika.

Madaxwaynaha ayaa Shirka ka jeedin doona khudbad taabanaysa dhinacyo ay ka mid yihiin ajandayaasha hortabinta leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dajisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimilada uu dalka ku leeyahay, isaga oo sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona madaxda dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka qeyb galay Xuska Guushii uu Shiinaha ka gaaray Japan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Shiinaha isagoo xusay in guushaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo horseeday xorriyadda iyo horumarka Shiinaha ee maanta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Shiinaha ay mudada dheer la garab taagneyd Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid qoto dheer oo wakhti badan soo jiray islamarkaana ku dhisan iskaashi, ixtiraam iyo dan-wadaag.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Shiinuhu uu mar walba ahaa saaxiib taariikhi ah oo dhab ah oo garab taagan shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag iyo kuwa wanaagsanba, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirkaas, iyadoo oo waliba laga fiirinayo danaha labada shacab iyo labada dowladood.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirka labada dal, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda horumarineed ee Shiinaha, si ay u gaarto horumar waara.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, wakiilo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjirayaasha iyo wakiiladda qaar ka mid ah dalalka caalamka u jooga dalkeena iyo marti sharaf kale.
                  

Saraakiil ka socotay ciidamada Masar oo laga sagootiyay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku joogay Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in booqashadan ay muujineyso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wuxuu u mahadceliyay saraakiisha iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee ku hawlanaa soo dhoweynta iyo fududeynta howlaha wafdiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo iskaashiga ay muujiyeen.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga ka shaqeynta dib-u-habeynta CXD

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, Guddigan ayaa waxaa ku midaysan Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan sagootinta, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka Xoogga.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guddiga farsamo ee la magacaabay laga rabo inay kala saaraan askarta hawlgabka ah iyo kuwa shaqeeya, hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda iyo inay hirgeliyaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha, ujeedada arrintani waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.

Wasiir Fiqi, wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay fulinta Xeer Madaxweyne Lr.238, kaas oo qeexaya hab-raaca dib-u-habeynta ciidanka, si loo helo ciidan tayo leh oo guta waajibaadka difaaca qaranka.
    

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada “ VIA MOSCOW”

Muqdisho,( Wargeyska Dalka):-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada dib loo dhisay ee VIA Moskow, taas oo isku xirta buundooyinka degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Wadadan oo ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee caasimadda, islamarkaana kor u qaadaysa isku socodka bulshada iyo horumarka magaalada, ayuu Dr. Muungaab sheegay in dhismaheeda uu muddo lix bilood hakad ugu jiray sababo la xiriira maqnaanshaha dhaqaalaha, kadib markii shirkaddii qandaraaska la siisay aysan helin qarashkii fulinta mashruuca. Wuxuu xusay in hadda Dowladda Hoose ee Muqdisho ay si buuxda u maalgelisay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ku boorriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda wadada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciddii ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyo bulshada caasimadda ay tahay inay iska kaashadaan Ilaalinta Nadaafadda, bixinta canshuuraha, iyo u dulqaadashada saxmadda wakhtiga dhismaha wadooyinka, maadaama laga shaqaynayo in la helo wadooyin tayo leh oo waara.

Munaasabadda xarig-ka-jaridda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyayaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotodadheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkasnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay sanadkii 2024 gashay kaalinta labaad ee dekedaha ugu horumarka badan Bariga Afrika.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha dekedda, ayuu Maareeyuhu xusay in marxaladda xigta ay u baahan tahay xoojinta waxqabadka iyo dhaqan-gelinta dhammaan waaxyaha muhiimka ah. Wuxuu ku boorriyay shaqaalaha inay muujiyaan howlkarnimo iyo mudnaan siinta hawlaha loo igmaday, si kor loogu qaado hufnaanta shaqada loona xaqiijiyo sii jiritaanka guulaha la gaaray.

Guushan ayaa ka dhalatay tartan adag oo lala galay dekedaha Mombasa,Kenya, Dar es Salaam Tanzania, iyo D. Jabuuti, Jabuuti,Dekedda Muqdisho ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Aljeer (Wargeyska Dalka) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Kormeerka Suuqa Qaranka ee dalka Aljeeriya, Mudane Ḍayib Zaytuuni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Gudaha Afrika oo ka socota magaalada Aljeers, 4–10-ka Sebteembar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furista fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, arrin ay dan weyn ugu jirto labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay hababka lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista is-weydaarsiga ganacsi, iyadoo la adeegsanayo madalaha uu bixiyo Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Buurhakaba (Wargeyska Dalka) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba.

Garoonkan ayaa lagu dhisay isku-tashi ay iska kaashadeen maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka, waxaana uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee kor u qaadaya adeegyada iyo isku socodka bulshada gobolka.