Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga ka shaqeynta dib-u-habeynta CXD

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddi loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, Guddigan ayaa waxaa ku midaysan Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan sagootinta, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka Xoogga.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guddiga farsamo ee la magacaabay laga rabo inay kala saaraan askarta hawlgabka ah iyo kuwa shaqeeya, hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda iyo inay hirgeliyaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha, ujeedada arrintani waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.

Wasiir Fiqi, wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay fulinta Xeer Madaxweyne Lr.238, kaas oo qeexaya hab-raaca dib-u-habeynta ciidanka, si loo helo ciidan tayo leh oo guta waajibaadka difaaca qaranka.
    

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada “ VIA MOSCOW”

Muqdisho,( Wargeyska Dalka):-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada dib loo dhisay ee VIA Moskow, taas oo isku xirta buundooyinka degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Wadadan oo ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee caasimadda, islamarkaana kor u qaadaysa isku socodka bulshada iyo horumarka magaalada, ayuu Dr. Muungaab sheegay in dhismaheeda uu muddo lix bilood hakad ugu jiray sababo la xiriira maqnaanshaha dhaqaalaha, kadib markii shirkaddii qandaraaska la siisay aysan helin qarashkii fulinta mashruuca. Wuxuu xusay in hadda Dowladda Hoose ee Muqdisho ay si buuxda u maalgelisay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ku boorriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda wadada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciddii ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyo bulshada caasimadda ay tahay inay iska kaashadaan Ilaalinta Nadaafadda, bixinta canshuuraha, iyo u dulqaadashada saxmadda wakhtiga dhismaha wadooyinka, maadaama laga shaqaynayo in la helo wadooyin tayo leh oo waara.

Munaasabadda xarig-ka-jaridda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyayaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotodadheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkasnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay sanadkii 2024 gashay kaalinta labaad ee dekedaha ugu horumarka badan Bariga Afrika.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha dekedda, ayuu Maareeyuhu xusay in marxaladda xigta ay u baahan tahay xoojinta waxqabadka iyo dhaqan-gelinta dhammaan waaxyaha muhiimka ah. Wuxuu ku boorriyay shaqaalaha inay muujiyaan howlkarnimo iyo mudnaan siinta hawlaha loo igmaday, si kor loogu qaado hufnaanta shaqada loona xaqiijiyo sii jiritaanka guulaha la gaaray.

Guushan ayaa ka dhalatay tartan adag oo lala galay dekedaha Mombasa,Kenya, Dar es Salaam Tanzania, iyo D. Jabuuti, Jabuuti,Dekedda Muqdisho ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Aljeer (Wargeyska Dalka) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Kormeerka Suuqa Qaranka ee dalka Aljeeriya, Mudane Ḍayib Zaytuuni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Gudaha Afrika oo ka socota magaalada Aljeers, 4–10-ka Sebteembar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furista fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, arrin ay dan weyn ugu jirto labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay hababka lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista is-weydaarsiga ganacsi, iyadoo la adeegsanayo madalaha uu bixiyo Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Buurhakaba (Wargeyska Dalka) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba.

Garoonkan ayaa lagu dhisay isku-tashi ay iska kaashadeen maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka, waxaana uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee kor u qaadaya adeegyada iyo isku socodka bulshada gobolka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah ee Bariga Africa ee Dowladda Mareykanka (JSOTF -EA) ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,

Taliyaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada Ciribtirka Khawaarijta.

 

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socotay ururada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha UN Women ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somali NGO Consortium.

Shirka wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa isku-dubaridka ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs), Ururada Bulshada Rayidka ah (CSOs), iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA). Ujeeddada iskaashigan ayaa ah in la hubiyo in howlaha gargaarku noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo si wax-ku-ool ah uga jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa haweenka.
Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dejiyo qorshaha isku-xirka joogtada ah ee ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs) iyo mas’uuliyiinta GiHA.

Talaabadan ayaa abuuraysa fursado cusub oo lagu wada shaqeeyo, lana wadaago macluumaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Munaasabadda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026

Muqdisho, Sebteembar 6, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta howl-wadeenada imtixaanka qaranka 2024–2025, xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo bilowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.

Munaasabaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo xiray tababar ay ka faa’iideysteen 300 macallin oo laga soo xulay gobollada dalka, kuwaas oo lagu xoojiyey xirfadaha waxbarid iyo hababka casriga ah ee wax lagu baro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta waxbarashada, dhiirrigelinta macallimiinta, maaraynta Imtixaankii Qaran ee sannadkan iyo hubinta in carruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh oo mideysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Guddiga Tacliinta Sare inay xoogga saaraan hubinta tayada waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo horumarinta cilmi-baarista, waxa uuna xusay in horumarinta dalka ay aasaas y tahay tayada aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.
                         

Xoghaye Maxamed Caddow oo la Kulmay Madaxda Shirkadda Date Flow Group

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Caddow ayaa magaalada Dublin kula kulmay Madaxda Shirkada Data Flow Group.

Xoghaye Caddow, ayaa kala hadlay mas’uuliyinta shirkada sidii loo xoojin lahaa nidaamyada xaqiijinta documentiyada iyo shahaadooyin dadka ajaaanibta ah ee dalka Soomaaliya u yimaado shaqooyinka la xariira bixinta adeegyada Caafimaadka.

Data Flow Group, waa shirkad caalami ah oo ka shaqeysa hubinta iyo xaqiijinta xogta xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee xirfadlayaasha ah waxaana ay ka caawisaa hay’adaha caafimaadka, dowladaha iyo ururada xeerarka caafimaadka iyo in ay xaqiijiyaan shahaadooyinka, aqoonsiyada, iyo taariikhda xirfadeed ee shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka si loo hubiyo in adeegyada caafimaad ee la bixiyo ay yihiin kuwo ammaan ah oo tayo leh.