Ciidamada NISA oo Hawlgal Qorshaysan ku dilay Dhagarqabe ka Tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):’Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta, kana mid ahaa Xubnaha u qaabilsanaa Miinooyinka Dhulka lagu aaso, kaas oo Muddo Dheer lagu raad-joogay.

Howlgalka oo si Taxaddar leh ay u fuliyeen Ciidanka, ayaa lagu dilay Dhagar-Qabahaasi, iyadoo laga soo furtay Qori nooca AK-47 ah.

Wasiirka Amniga Guddaha ee XJFS oo Shir Guddoomiyey Shirki Amniga ee ka Dhacay Magaalada Laascaano

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha XJFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Maanta Guddoomiyay Shirki Amniga oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowlad-Gobolleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Amniga iyo Diyaargarowga Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo Ku-Xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo Amni buuxa inta ay Munaasabadda socoto.

  

Banaan Bax lagu diidan yahay Xadgudubka Israa’iil oo ka socda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaandir

Muqdisho((Wargeyska Dalka):-Waxa saaka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka socda Banaan Bax lagu taageerayo Madaxbanaanida ,midnimada iyo Wadajirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Banaan Baxaan ayaa looga soo horjeedaa Xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Dhulleed ee JFS.

Banaan Baxaan, ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshadda sida;  Odayaasha Dhaqan,Haweenka, Ganacsatada,Dhalinyarada iyo Maalmulka Degmada.

Waxa sidoo kale mudaharaadkan ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir,Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ayaa waxa si weyn uga socda Banaan Baxyo is daba joog ah kuwaas oo Shacabka Soomaaliyeed ku Difaacayaan Midnimada Dalkooda sidoo kalena Dunida fariin ugu dirayaan.

       

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabaya dhaqangelinta heshiis ku saabsan horumarinta shaqaalaha

Ankara: Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah u guddoomiyay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Aliyoow Ibro, waxaana goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiyada labada dal.

Kadib munaasabadda saxiixa, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya loona adkeeyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Dowladda Turkiga.

    

Sucuudiga oo mar kale caddeeyey sida uu u diidan yahay kala qaybinta Soomaaliya

Riyad: Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in Sacuudiga uu si adag uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imaanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda.

Goluhu sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan kala-qaybin kasta ama fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aannada geesinimada leh ee horay uga soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka Waddaniyeed iyo Wadajireed ee ay muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in Dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo Nolosha Dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso.

Nasiib darro Dawladda Imaaraadku noolama dhaqmin sidii Dowlad Madax Banaan oo mid ah, wali maynaan degdegin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal, qiimayn dheer ka dib waxaa qasab noqotay inaan qaadano go’aanadii Shalay soo baxay, go’aanadani waa kuwo ku salaysan Difaaca Danaha Qaranka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxwaynaha ayaa xusay in sii socoshada Heshiisyada Imaaraadka Dowladdu kula jirtay ay khatar ku yihiin Qaranimada Soomaaliya iyo Midnimada Dalka, isagoo intaa ku daray in Dowladda Soomaaliyeed ay xiriir wanaagsan la leedahay Caalamka, balse aysan aqbali doonin wax Midnimadeeda Dhuleed Dhaawacaya.

 

Wafdi Heer Sare oo ka Socda Dowladda Federaal Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Laascaano, Caasimadda Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Wafdi Heer Wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada Laascaano ee Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda ee la xiriira wadashaqeynta Maamul-Goboleedyada.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Xasan iyo sidoo kale Wasiirro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Masuuliyiinta waxaa ku jira xubno ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka  Jamhuriyadda Federalka  Soomaaliya, taasoo muujinaysa Muhiimadda Safarka  ee Dowladda Federaalka Soomaaaiya ee ku aaddan Maamul Wanaagga Qaranka iyo Dib-u-Heshiisiinta.

Booqashada Wafdiga ee Magaalada Laascaano ayaa la filayaa inay diiradda saaro xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari, ka hadalka Arrimaha Mudnaanta leh ee la xiriira Maamul, Amni, iyo Horumarineed, iyo adkeynta Midnimada Dalka iyo kala Dambeynta Dastuuriga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay sii waddaa inay mudnaanta siiso wadahadal toos ah iyo  wadashaqeyn Maamul-Goboleedyada, iyadoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo Nabadda, kor loogu qaadayo Adeegyada Bulshada, laguna dardargelinayo dhismaha Dowladnimo ee Dalka.

Madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka Soomaaliyeed kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Dalka.

Muqdisho(Wargeyska Dalka) ;-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow Shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Dalka iyo tallaabooyinka Dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca Wadajirka, Midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay Madaxtooyadu ku baahisay Boggeeda Rasmiga ah ee Facebook ayaa lagu sheegay in khudbadda soo socota ay diiradda saari doonto Xaaladda guud ee Dalka iyo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku difaaceyso Midnimada, Wadajirka Dhuleed, iyo Madax-Bannaanida Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Khudbaddan ayaa imanaysa xilli ay jirto dareen iyo feejignaan Bulsho oo sareysa, taas oo la xiriirta Horumarrada Siyaasadeed, Amni, iyo Diblomaasiyadeed ee socda, iyadoo Dowladda Federaalka ay mar kale adkaynayso Masuuliyadda Dastuuriga ah ee  ilaalinta Danaha Aasaasiga ah ee Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu mar kale xaqiijiyo go’aanka adag ee Dowladda ee ku aaddan ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Dalka Soomaaliya, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinka la qaaday si wax looga qabto caqabadaha halista ku ah Xasilloonida Dalka iyo Nidaamka Dastuuriga ah.

Khudbadda Qaran ee Madaxweynaha JFS ayaa si toos ah looga baahin doonaa Warbaahinta Dowladda, taasoo u oggolaanaysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan inay si toos ah uga dhageystaan Madaxweynaha arrimaha muhiimka ah ee masiirka qaranka la xiriira.

 

Dowladda Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Dalka Soomaaliya

Indonesia (Wargeyska Dalka);-Dowladda Indonesia ayaa waxa ay si cad u sheegtay taageerada ay u hayso Madax-Bannaanida, Midnimada Dhuleed iyo wadajirka Qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ka taagan Dunida Islaamka iyo tan Caalamka.

Mowqifkan ayaa lagu muujiyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Jidda ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carbiya, halkaas oo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, uu sheegay in Maamulka Waqooyi Galbeed Somaliland uu yahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, isla markaana Indonesia ay si buuxda u taageersan tahay Midnimada iyo Madaxbannaanida Dalka.

Indonesia ayaa si rasmi ah u diidday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, kana hor imanaysa Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxay ku baaqday in Arrinta Somaliland lagu xalliyo hannaan gudaha Soomaaliya ah, iyada oo aan faragelin Shisheeye jirin.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia, Mudane Sugyono, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada Madax-Bannaanida, Midnimada Dhuleed iyo Wadajirka Qaran ee Soomaaliya.

Ka hor shirka OIC, Indonesia waxay ku biirtay Bayaan Wadajir ah oo ay Hormuud u ahayd Masar, isla markaana ay taageereen 22 dal, OIC iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaas oo si cad u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkeeyay Ixtiraamka Midnimada iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya.

Shirka OIC waxaa ka qayb galay 39 Dal oo xubno ka ah Ururka, waxaana gunaanadkii lagu ansixiyay laba Qaraar oo  si cad u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana adkeeyay go’aanka OIC ee ilaalinta Midnimada Dhuleed iyo Amniga Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgal ku dilay 17 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Gobolka Shabeellada Dhexe

Shabeellada Dhexe (Wargeyska Dalka) ;-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa xalay fuliyay Howlgal Cirka  ah oo ka dhacay Deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday Goob ay Khawaarijtu ka Abaabuli jireen falal Argagixiso, gaar ahaan Qaraxyada lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana howlgalkaas lagu dilay 17 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada, sidoo kale waxaa Howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan Hubkii iyo Gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan Howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo Amniga, Xasilloonida, iyo Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.