Madaxwaynaha Ruushka oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaas mudane Maxamed Abuukar Zubayr, isagoo qayb ka ahaa danjirayaal badan oo maanta lagu maamuusay aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga taliyo.

Ruushka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo muddo dheer ah, waxaana Danjire Maxamed Abuukar uu kaalin ka qaadanayaa in la horumariyo danaha iskaashiga labada dal waqtigan.

Madaxweynaha Al jeeriya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ahna Wasiirka Waxbarashada

Madaxweynaha Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Madaxweyne Tebboune.

Ergeyga Madaxweynaha Wasiir Faarax Sheekh waxaa kulanka ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad iyo Safiirka Soomaaliya ee Al Jeeriya Amb. Yuusuf Jeego.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Mudane Boualem Boualem, Agaasimaha Golaha Wasiirada ee Madaxtooyada Mudane Amar Abba, La-taliyaha Madaxweynaha ee u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda iyo Mudane Mohamed Seghir Saadaoui, Wasiirka Waxbarashada Qaranka.

   

Wasiir Fiqi oo kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Waqooyi Bari

Laascaanood:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ku sugan difaacyada aagga Guumays.

Wasiirka ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.

“Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa, waxaana rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

             

Ciidanka xoogga oo howlgalo culus ka bilaabay degmada Masjid Cali Guduud

Shabellaha dhexe:- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal culus maanta ka bilaabay degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga ayaa howlgalkaas ku burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana howlgalka lagu dilay tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadkii halkaas joogay.

Ciidanka ayaa weli wada howlgalka, kaas oo isugu jira mid cirka iyo dhulka ah.

Howlgalkaan wuxuu qayb ka yahay guluf ballaaran oo Ciidanka Qaranku bilihii dambe ka wadeen goobo kala duwan oo ay ku sugnaayeen Khawaarijtu, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo xalay degmada Bu’aale uu ka dhacay weerar qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad-sugidda iyo saaxiibada caalamiga ah.

 

Wasiirka Gaadiidka XFS oo la kulmay madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud ee Waqooyi Bari

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa la kulmay Maamulka wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboledka Woqooyi Bari.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa u kuur-gelidda hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda, qiimeynta heerka horumarineed ee mashaariicda socota, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira ,si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ay sii xoojin doonto taageerada farsamo iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta adeegyada gaadiidka, si loo xaqiijiyo gaadiid hufan, ammaan ah, isla markaana u adeegaya bulshada.

Howlwadeenno ka tirsan Gaashaandhigga oo loo qabtay tababar aqoon kororsi ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta furay tababar aqoonkororsi ah oo loogu talagalay kor u qaadista hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maareynta maaliyadda ee waaxyaha wasaaraddaasi.

Tababarkan waxaa bixinaya khubaro ka socda mashruuca SJGAP, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta awoodda shaqaalaha, fahamka habraacyada hanti-dhowrka gudaha iyo hirgelinta nidaamyada casriga ee lagu ilaalinaayo hantida wasaaradda.

Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa xusay muhiimadda uu tababarkan u leeyahay horumarinta shaqada wasaaradda, isagoo ugu baaqay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana aqoonta ay ka helaan ku dabbaqaan waajibaadkooda shaqo, si loo xoojiyo nidaamka maamul iyo maaliyadeed ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Shaqada XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo booqday xarunta shaqaalaha ee Turkiye

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta dhexe Ururka Midowga Shaqaalaha ee Dowladda Dalka Turkiye.

Wafdiga wasiirka oo halkaasi loogu sameeyay soo dhoweyn waxaa uu booqday xafiisyada uhiimka ah ee ay ka socdaan howlaha wasaaradda shaqada ee Turkiye.

Booqashada Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa yimid xilli labada dale ee Soomaaliya iyo Turkiye ay kala saxiixdeen hirgelinta heshiis iskaashi oo 2016-kii dhexmaray Wasaaradaha Shaqada eeTurkiga iyo Soomaaliya.

Ciidanka NISA iyo Saaxiibada caalamka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lala beegsaday kooxaha khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta,kadib markii la helay xogo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa jira khasaare dhimasho ah oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale ,iyadoo sidoo kale burbur uu ku yimid gaadiid iyo hub kale.

La soco faahfaahin dheeraad ah goor dhow.

Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

Wasiirka Qasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay iska qaadeen heeryadii,isla markaana ay dhisteen maamul ku dhisan rabitaanka shacabka halkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in bulshada Laaascaanood ay ku tallaabsadeen horumar degdeg ah oo dhanka bilicda magaalada ah ,iyagoo muddo agaal bilood ah ku dhistay qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaale ee magaaladaasi.

“Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh oo si rasmi ah u soo xiraysa albaabka mashruucii beenta ahaa ee gooni u goosadka”ayuu yiri Wasiir Fiqi:

Gudoomiyaha Haya’adda SoDMA oo ku Baaqay in Tallaabo Deg Deg ah la Qaado, si loo Badbaadiyo Nolosha Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta  Magaalada Muqdisho ka Furay Shir u Dhexeeya Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adda Caalamiga ah si looga wada hadlo Xaaladda Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada Dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu Carabka ku adkeeyay in la qaato Go’aanno DegDeg ah oo ku saleysan Xog, Halkii la diyaarin lahaa Qorshayaal Guud oo kale, si loo Badbaadiyo Nolosha Dadka Nugul loona Xoojiyo Isku-Duwidda Dowladda iyo la-Hawlgalayaasha.

Shirka waxaa Diiradda lagu saaray Meelaha Ugu Nugul (IPC Phase 4), iyo Diyaarinta Qorshe Jawaab DegDeg ah oo leh kharash iyo Masuuliyad Cad, iyo Kaabista Dadaallada jira iyadoo laga Fogaanayo in Dhibaatadu sii Kororto.

Ugu Danbeyn Guddoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ku Booriyay Dhammaan Dhinacyada inay si Wadajir ah oo DegDeg ah u Dhaqaaqaan, Maadaama Go’aannada Shirka ay saameyn toos ah ku leeyihiin yareynta saameynta Abaaraha iyo Badbaadinta Nolosha Shacabka Soomaaliyeed.