Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey Laascaanood

Laascaanood:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda federaalka ,maamulka Woqooti Bari iyo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka, isago sidoo kale na mid mid u gacan-qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee u sugan halkaasi iyo kuwa Woqooyi bari.

 

     

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 16-ka Janaayo,2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo uu horkacayey Mr. Qimiao Fan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada ay ku buriyeen dhammaan heshiisyadii Soomaaliya ay kula jirtay dalka Isutagga Imaaraatka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

5- Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii loo geystay safaaradda dowladda Qatar ku lahayd Caasimada Jamhuuriyada Ukraine ee Kyiv, iyadoo taageero iyo garab istaag umuujisay dowladda Qatar iyo shacabkeeda.

6- Golaha Wasiirrada ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada, iskaashiga, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca ee laba geesoodka ah.

7- Xidhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod caqlibayad ah ku ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mjudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal taleefan ah la yeeshay Wang Yi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha,iyagoo kulanka diirrada ku saray iskaashiga labada dal.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in aanu jirin heshiis calami ah oo la geli karo, kaas oo aan aqbalaad rasmi ah ka haysan. Dowladda Federaalka Soomaaliya.

10- Wafdi heer wasiiro ah oo ka socday Dowladda Federaalka ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda Kuweyt, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya,iyagoo kawada hadlay ka hortagga tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ku siisay aqoonsi beenaad maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty ,iyagoo ka wadahadley go’aankii xadgudubka ahaa ee Israel ku aqoonsatey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyoow Ibrow iyo Wasiirka Shaqada iyo Amaanka Bulshada ee Turkiga, Dr. Vedat Işıkhan ayaa magaalada Ankar ee dalka Turkiga ku kala saxiixday hirgelinta heshiis is-afgarad oo ku sabsaan horumarinta shaqaalaha.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu xuddun u yahay midnimada Soomaaliya, isaga oo dadka degaankaasi ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin dowladnimada iyo ilaalinta nabadgelyada.

15- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan amniga magaalada Laas Caanood oo isu diyaarineysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

16- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song, iyadoo kulanka diiradda lagu saarey xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.

17- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay soo dhoweynayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhanka ah xadgudubka Israa’iil ku sameysay qaranimada iyo madaxabanaanida Soomaaliya.

18- Golaha Wasiirada ee Sacuudi Carabiya, oo uu shir guddoomiyay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa si cad u horistaagay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

19- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo kulan ku yeeshay magaalada Jeddah aya si cad u diiday duulaanka gardarada ah ee Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

20- Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Daaha ayaa cambaareeyay aqoonsiga xadgudubka ah ee Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

23- Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax ay kaga soo horjeedeen faragelinta qaawan ee Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya.

24- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka Israel ay kula kacday midnimada Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.

25- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa hawlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    

==========DHAMMAAD============

Safiiradda Soomaaliya iyo Sucuudiga u fadhiya koonfur Afrika oo kulan wada qaatay

Pretoria:-Waxaa Maanta Booqasho Sharafeed Ku yimid Xarunta Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Koonfur Afrika Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee dalka Koonfur Afrika Amb Faysal Bin Falah Al Xarbi

Safiitka Sucuudiga ayaa Xarunta Safaarada Soomaaliya Si Diiran Ugu Soo dhaweeyay Danjiraha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya U fadhiya Dalka Koonfur Afrika Amb Maxamed Sheekh Isaak

Kulanka ay yeesheen labada Danjire ayaa looga hadlay arimo muhim ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha dannaha wadajirka ah ee labada dal.

Dhan kale Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb Faysal Bin falah Al xarbi Ayaa Sheegay in Had iyo Jeer ay Garab Taaganyihiin midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayna Dowlada soomaaliyeed la leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.

      

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Laascaanood oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Wafdogaasi uu hoggaaminaayey R/wasaaraha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda federaalka ,maamulka Woqooti Bari iyo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

R/wasaare Xamsa ayaa salaan sharaf ka qaaday ciidanka maamulkaasi,isago mid mid u gacan-qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka eek u sugan halkaasi iyo kuwa Woqooyi bari.

  

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya, balse ay tahay mas’uuliyad qaran.

Wuxuu xusay in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamullada Degmooyinka ay laf-dhabar u yihiin guusha dadaal kasta oo horseedi kara badbaadinta dadka iyo dalka.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in doorka SODMA uu yahay dejinta jihada saxda ah iyo hubinta isku-xirnaanta saaxiibada caalamiga ah, si loo abuuro deegaan saamaxaya in gargaarka iyo adeegyada kale la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo xubno kale oo kamid ah hoggaanka dhaqanka Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulanka booqashada wasiirka waxaa kaloo qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan C/laahi Diyaano iyo Wasiir hore oo Puntland ah Mudane Xasan Shire Abgaal.

Dhinacyadaasi waxa ay kulankooda kaga hadleen xaaladda dalka,gaar ahaan hormarada socda iyo doorka ay hoggaanka dhaqanka ku leeyihiin isu soo dhoweynta dadka iyo guud ahaan samatabixinta dalka.

Madaxda Hey’adaha SODMA iyo OCHA oo ka hadlay xaaladda dalka ee dhinaca abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa si wada jir ah u shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda hay’adda SODMA iyo OCHA.

Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SODMA ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, dhamaystirka iyo daahfurka baahiyaha bani’aadanimo iyo qorshaha ka jawaabcelinta ee dalka ee sannadka 2026.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay hoos u dhaca ku yimaaday gargaarka caalamiga ee bani’aadanimo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay iska kaashadaan maaraynta xaaladaha abaaraha ee ka taagan dalka.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo shirguddoomiyey kulan looga hadlay sugidda Amniga Laascaanood

Laascaanood:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa caawa shir guddoomiyey shir looga hadlay amniga magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemasaarka madaxda maamulkaan.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Waqooyi bari Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga iyo hanaanka ay u dhaceyso munaasabadda caleema-saarka madaxda Waqooyi bari.

          

Boqolaal dhalinyaro ah oo isugu soo baxay ololaha is xilqaanka nadaafadda Caasimadda

Boqolaal ka mid ah shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Caasimadda, ayaa caawa isugu soo baxay bartamaha isgoyska Taleex, iyagoo muujinaya taageeradooda kacdoonka Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda Dalka.

Dhalinyarada isu soo baxday ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay in ay doorkooda ka qaataan hagaajinta, nadaafadda iyo qurxinta Caasimadda, iyagoo muujiyay wacyigelin iyo masuuliyad bulsho oo sareysa.

Ololaha isxilqaanka nadaafadda Caasimadda, oo ay hormuud u yihiin qaar ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada, ayaa noqday mid muujinaya diyaar garowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ilaalinta bilicda iyo horumarinta dalka.

     

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka oo shir caalami ah Sucuudiga uga qaybgalay

Riyaad: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirada macdanta ee Jaamacadda Carabta iyo Madasha Caalamiga ah ee Macdanta (Future Minerals Forum – FMF 2026) oo lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirka oo ay martigelisay dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa diiradda lagu saaray horumarinta macdanta, baahiyaha caalamiga ah ee khayraadka, iyo muhiimadda maalgashi hufan iyo ka-faa’iidaysi waara.

Mudane Cabdiwahaab(Caananuug) Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Batroolka XFS ayaa kulammo doceedyo la yeeshay wasiirro, khubaro, iyo daneeyayaal caalami ah, isagoo kala hadlay doorka macdantu ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo horumar waara.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay daneeyayaasha fursadaha macdanta ee Soomaaliya, khayraadkeeda dabiiciga ah, iyo mowqifkeeda juqraafiyeed ee istiraatiijiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay dadaalada la xiriir qorshaha shidaal qodista dalka, taasi oo soo dedejinaysa fursad maalgashadayaasha caalamiga iyo Soomaaliya ay isku dhaafsan karaan wax wada qabsi dhanka khayraadka dabiiciga ah.