Magaalada Laascaanood oo Maanta lagu qabanayo Munaasabada Caleemo Saarka Madaxda Waqooyi Bari

Laascaano (Wargeyska Dalka):-Waxa Maanta Magaalada Laascaano ee Xarunta Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari ka Qabsoomaya Munaasabada Caleemo Saarka Madaxda Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari oo Dhowaan la Doortay.

Munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Ra’iisulwasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya,Madaxda Dowlad Gobolleedyada Dalka,Xubnaha Gollaha Wasiiradda,Goleyaasha Labada Aqal Baarlamaan iyo Marti Sharaf kale oo ka kooban Qaybaha kala Duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale Munaasabadan ka qayb gelaya Wafdiyo kala Duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka,Dowladda Jabuuti ayaa waxa ka yimid Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,waxa iyaguna saaka yimid Magaalada Laascaanood Safiirada Soomaaliya u fadhiya Dalalka Turkiga,Suudaan iyo Sucuudiga.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta MGWB oo Xalay lagu qabtay Banaanbax Weyn oo lagu Taageerayo Midnimada iyo Wadajirka Dalka Soomaaliya

Laascaano (Wargeyska Dalka):-Magaalada Laascaano ee Xarunta Maamul Gobolleed Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa Xalay ka dhacay Banaanbax Weyn oo lagu taageeray Midnimada iyo Wadajirka Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la isugu tegay Fagaaraha Taallada “Shuhadada” oo ku taalla Bartamaha Magaalada, iyadoo halkaan farriin adag oo mideysan looga diray Dadka ku Howlan kala goynta Dalka.

Dhallinyarada Reer Muqdisho ee Laascaanood ku sugan oo ay Hoggaaminayaan Cabdiweli Cumar, Fanaanada Qaran ee Xaawo Degan, Agaasime Cantoobo iyo Dhallinyaro kale oo Deegaanka ah ayaa soo Agaasimay isku soo Baxaan Xalay Gilgilay Laascaano, kaas oo si Qota Dheer loogu Muujiyey Muhiimadda iyo Qiimaha Midnimada Dalkeenna.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Laascaanood ku Qaabilay Wafdi Ballaaran oo ka Socda Dalka Jabuuti

Laasacaanood(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hoyga uu ka Degan yahay Magaalada Laascaanood ku qaabilay, Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mas’uuliyiinta la wadaagay Abaalka Taariikhiga ah ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan Dowladda iyo Shacabka aynu Walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga Adag ee difaaca Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dalka iyo Taageerada aan Dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan Xoojinta Nabadda, Dowlad-Dhiska iyo Horumarka dalka.

Dhankooda, Mas’uuliyiinta Wafdiga Dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Guulaha Diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, Ilaalinta Gobanimada iyo Midnimada Dalka, iyaga oo mar kale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan Ilaalinta Qarannimada iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray Magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

     

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Bulshadda ee Dalka Turkiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan Laba Geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş. Kulanka waxaa Goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Labada Wasaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

Kulanka ayaa Diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinacyada Kaalmada Bulshada, Horumarinta Qoyska, iyo Adeegyada Bulshada. Sidoo kale, waxa laga wada Hadlay sidii kor loogu Qaadi lahaa Wada Shaqeynta Hay’adaha Bulshada ee Labada Dal.

Kulanka waxa ka soo baxay in la Dhiso koox Farsamo oo Wadajir ah si ay u Diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u Dhexeeya Labada Wasaaradood, kaasoo lagu Dardargelinayo Barnaamijyada lagu Xoojinayo Dhismaha Awoodda Hay’adaha Bulshada. Wasiir Prof. Salim ayaa uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga Taageerada Joogtada ah iyo Walaaltinimada ay u Muujiyaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

    

Dowladda Koonfurta Sudan oo si Weyn u Taageertay Ilaalinta Madaxbanaanida,Midnimada iyo Wadajirka Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u muujisay Taageero Buuxda oo ay u hayso Mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-Goboleedka IGAD ee la xiriira Madax-Bannaanida, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Koonfurta Suudaan, kuna Taariikheysan 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay Magaalada Caasimadda ee Juba, ayaa lagu Caddeeyay in Dowladda Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay Ixtiraamka Madaxbanaannida Dhulleed, Midnimada iyo Wadajirka Dalka Soomaaliya, iyadoo la Ilaalinayo Xuduudaheeda Caalamiga ah ee la Aqoonsan yahay.

Madaxweynaha JFS Muadane Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku Booriyey Odayaasha Dhaqanka Maamul Gobolleed Waqooyi Bari Xoojinta Midnimada,Nabadda iyo Dowlad-Dhiska Dalka

Laascaanood:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

    

 

Madaxweynaha JFS oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari

Laascaanood:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

                 

Wafdi ka socda Dalka Jabuuti oo soo gaaray laascaanood

Laascaanood:-Wafdi sare oo ka socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayagoo u yimid ka qeybgalka Munaasabadda Caleema-saarka Madaxda Dowlad Goboleedkan.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti Mudane Ridwaan Xirsi Bahdoon, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed-rashiid.

Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Firdhiye, waxaana hadda loo gelbiyey gudaha magaalada Laascaanood.

           

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey Laascaanood

Laascaanood:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda federaalka ,maamulka Woqooti Bari iyo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka, isago sidoo kale na mid mid u gacan-qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee u sugan halkaasi iyo kuwa Woqooyi bari.

 

     

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 16-ka Janaayo,2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo uu horkacayey Mr. Qimiao Fan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada ay ku buriyeen dhammaan heshiisyadii Soomaaliya ay kula jirtay dalka Isutagga Imaaraatka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaarey magaalada Laas Caanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

5- Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii loo geystay safaaradda dowladda Qatar ku lahayd Caasimada Jamhuuriyada Ukraine ee Kyiv, iyadoo taageero iyo garab istaag umuujisay dowladda Qatar iyo shacabkeeda.

6- Golaha Wasiirrada ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada, iskaashiga, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca ee laba geesoodka ah.

7- Xidhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod caqlibayad ah ku ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mjudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada hadal taleefan ah la yeeshay Wang Yi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha,iyagoo kulanka diirrada ku saray iskaashiga labada dal.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in aanu jirin heshiis calami ah oo la geli karo, kaas oo aan aqbalaad rasmi ah ka haysan. Dowladda Federaalka Soomaaliya.

10- Wafdi heer wasiiro ah oo ka socday Dowladda Federaalka ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, aya magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Dawladda Kuweyt, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya,iyagoo kawada hadlay ka hortagga tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ku siisay aqoonsi beenaad maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty ,iyagoo ka wadahadley go’aankii xadgudubka ahaa ee Israel ku aqoonsatey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

13- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyoow Ibrow iyo Wasiirka Shaqada iyo Amaanka Bulshada ee Turkiga, Dr. Vedat Işıkhan ayaa magaalada Ankar ee dalka Turkiga ku kala saxiixday hirgelinta heshiis is-afgarad oo ku sabsaan horumarinta shaqaalaha.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu xuddun u yahay midnimada Soomaaliya, isaga oo dadka degaankaasi ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin dowladnimada iyo ilaalinta nabadgelyada.

15- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan amniga magaalada Laas Caanood oo isu diyaarineysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

16- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song, iyadoo kulanka diiradda lagu saarey xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.

17- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Jeddah ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay soo dhoweynayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhanka ah xadgudubka Israa’iil ku sameysay qaranimada iyo madaxabanaanida Soomaaliya.

18- Golaha Wasiirada ee Sacuudi Carabiya, oo uu shir guddoomiyay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa si cad u horistaagay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

19- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo kulan ku yeeshay magaalada Jeddah aya si cad u diiday duulaanka gardarada ah ee Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

20- Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Daaha ayaa cambaareeyay aqoonsiga xadgudubka ah ee Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

23- Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax ay kaga soo horjeedeen faragelinta qaawan ee Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya.

24- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka Israel ay kula kacday midnimada Soomaaliya ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.

25- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa hawlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    

==========DHAMMAAD============