Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qeyb galay kulan khibrad-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNTMIS.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qaababka kala duwan ee doorashooyinka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta fahamka habraacyada dimuqraadiyadeed ee casriga ah.

Furitaanka kulanka waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu kulanku u leeyahay Baarlamaanka iyo sidoo kale doorka ay doorashooyinka ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in kulamada noocaan ah ay kaalin weyn ka geysanayaan xoojinta hannaanka doorasho ee dalka.

       

Banaanbax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax banaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmada, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gardarada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay maamulka Soomaaliland.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa wacad ku maray in ay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka kana hortegayaan duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fagaarayaasha caalamka kaga guuleysatay in ay beeniso aqoonsi beenaadkaas, waxay heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duulaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaano

Laascano(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan Miro-dhal ah la yeeshay Odayaasha ku sugan Magaalada Laascaano , oo ka mid ahaa Wufuudda kala duwan ee Booqasho ku yimid Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan Munaasabadda Caleemo-Saarka Hoggaanka cusub ee Maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala Deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga Mahadceliyey Hahda Dhaqanka, Kaalinta Muhiimka ah ee ay ka qaateen Nabadeynta Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Xallinta Colaadaha ka jiray Deegaanno kala duwan, isaga oo xusay Doorka Shariifka ah ee ay ku leeyihiin Adkaynta Wada-Noolaanshaha, Midnimada iyo Nabadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku Booriyay in Odayaasha Dhaqanka iyo wax-Garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay Masuuliyad Diini ah iyo mid Dastuuri ah oo ku saabsan iIaalinta Nabadda, Midnimada Qaranka iyo Xal u Helidda Khilaafaadka ka dhasha Colaadaha ku saleysan Qabaa’ilka, isaga oo Bogaadiyey Dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha Bulshada iyo xoojinta Wada-Noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula Dardaarmay Duubabka Dhaqanka in ay sii xoojiyaan Doorkooda Hoggaamineed, iyaga oo Gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta Maamulka Curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo Dowladnimo ku Dhisan Nabad, Caddaalad iyo Wadajir.

       

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fashiliyey Weerar Khawaarijtu ku qaadeen Deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey Weerar ay Maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda Gacanta ugu haya Deegaanka, ka dib markii Cadowga loo geystay Jab Xooggan iyo Khasaare badan.

Waxaa hadda socda Hawlgal Ballaaran oo isugu jira Sifayn iyo Sugid Amni, kaas oo lagu Ciribtirayo Haraadiga Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku Dhuumaalaysanaya Deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib Isu Abaabulayaan ama ay ku Carqaladaynayaan Nabadda Dadka Deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale Adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan Hawlgallada ka Dhanka ah Khawaarijta, si loo Sugo Amniga loona Difaaco shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda

Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.

Ugu dambeyn, Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Laasacaanood:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, Munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

        

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

                          

RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Laascaanood:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka qabsoomay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhammaan goleyaasha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan u adeegidda dadka ku nool deegaannadooda, akeynta amniga xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo farriin u diray ummadda Soomaaliyeed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeday difaaca dalkeenna, midnimadda shacabka iyo dowladda, isaga oo sheegay in Bahada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Haldoorkooda, looga baahanyahay u istaagidda Qaranimada.

“Waxa aan u baahannahay midnimo iyo wadajir dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaya in ay baraarugaan oo xaqiiqada aqbalaan, maanta dalkeenna waxa uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo u baahan dhiifoonaan, waxaa muhiim ah xilligan oo kale in hoggaanka dalka lagu garab istaago dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa midnimadana loo difaaci lahaa”.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

            

Madaxweynaha JFS oo Khudbad muhiim ah ka jeediyau xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah magaalada Laascaanood ugu aqoonsaday caasimadda minimada Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo hadda wixii ka dambeeyo uu la mid noqonayo maamulada dalka, islamarkaana yeelanayo xuquuqda maamulada kale ay leeyihiin.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay si weyn uga taageerayaan amniga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxda Qaranka oo Maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Caleemo Saarka Maamulka Gobolleed Waqooyi Bari

Laascaano(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XJFS, iyo Madax kale oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Dalka ayaa magaalada Laascaano ee Gobolka Sool, Caasimadda Maamul Gobolleedka Waqooyi Bari maanta uga qeybgalaya Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).

Munaasabadda oo hadda socota waxaa, Sidoo kale ka qeyb ah Safiiro iyo Wakiillo ka socda Dowladaha Jabuuti, Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, Kenya, Dowladda Deegaanka Soomaalida, iyo Marti Sharaf kale.