Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga goโ€™an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

ย ย ย 

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Raโ€™isul wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu xusay in la qaban doono shirweyne Qaran oo wadatashi ah.

 

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hayโ€™adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hayโ€™adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hayโ€™adda, gaar ahaan hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 20025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, xoojinta ka-qaybgalka mashaaariicda dheef wadaagga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Hayโ€™adda Maaliyadda caalamiga ah ee Bariga Afrika, doorka ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay kobac dhanka dakhliga ah.

Dhankeeda Marwo Mary Porter Peschka, ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaaddiisa, iyada oo xustay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

ย ย ย ย ย 

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam Ali, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar, oo Booqasho Sharafeed ku yimid Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta Madaxbannaanida, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen Iskaashiga laba-Geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Safiirka Suudaan ayaa mar kale adkeeyey Taageerada Buuxda ee Dalkiisa u hayo Soomaaliya, wuxuuna ugu Hambalyeeyey Soomaaliya Guusha doorashooyinka Deegaannada ee Qof iyo Cod ah oo markii ugu horreysay la qabtay 57 Sano kadib.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu iftiimiyey Muhiimadda Istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, Marin-Biyoodka Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya, iyo Doorka Soomaaliya ee ah Xubin hadda ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga Mahad celiyey Safiirka Booqashadiisii Laascaano, taas oo uu ku xoojinayey Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Qaranka.

ย 

 

 

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐—๐€๐‘๐ˆ๐†๐†๐€ ๐Š๐€ ๐‰๐€๐‘๐€๐˜ ๐ƒ๐”๐†๐’๐ˆ๐†๐€ ๐†๐€๐๐ƒ๐‡๐€๐‡๐€ ๐ƒ๐€๐‘๐Œ๐Ž๐Ž๐‹๐„๐˜

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta Maanta ah Xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo Munaasabadda Hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan Horumarinta Waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha Waxbarasho ee Gabdhaha ku nool Caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Waxbarashadu tahay Tiirka ugu Muhiimsan ee Horumar waara, Nabad iyo Mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay Furitaanka Dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona Mustaqbalka Carruurta, gaar ahaan Gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay Ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta Mashaariic Horumarineed oo la xiriira Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada, si loo dardar-geliyo Horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.

ย ย ย ย ย ย ย 

Laascaano waa Xuddunta Midnimada Dalka Soomaaliya

Soomaaliya waa Qaran ka mid ah Dalalka Afrika ugu Geesisan Taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu Qaaradda ku fidayay si fudud, Soomaalidu ma aqbalin in la Xukumo ama la Addoonsado. Iyagoo aan haysan Dowlad Mideysan iyo Hub Casri ah, haddana waxay si toos ah ula Dagaallameen Quwadihii ugu Xoogga badnaa Dunida Muddo ka badan labaatan sano. Halganadii Daraawiishta iyo Geesiyaal Soomaaliyeed waxay muujiyeen in Xorriyaddu ka Qiimo badan tahay Nolol la hoos joogo Gumaysi. Taariikhdu waxay caddeynaysaa in Soomaalidu yihiin Dad dhiirran, karti leh, kana marag kacay Gumaystihi Reer Yurub ee waqtigas ku so duulay Afrika.

Soomaaliya waa Dal Hodan ku ah Kheyraad Dabiici ah, Istiraatiijiyad Juqraafiyeed iyo Awood Bulsho oo aan weli si buuxda looga faaโ€™iidaysan. Sida uu ku muujinayo Wareysiga Danjire. Daahir Maxamuud Geelle, Soomaaliya Maanta waxay taagan tahay meel Taariikhi ah oo u baahan Aragti Fog, Maalgashi iyo Kaabayaal Dhaqaale si ay u noqoto Dal kaalin muuqata ka qaata Gobolka iyo Caalamkaba.

Soomaaliya waxay ku taallaa meel ay ku kulmaan laba Bulsho oo Waa Weyn: Bulshooyinka Afrikaanka Madow iyo kuwa Carabta. Isgoyskan Dhaqan, Diin iyo Ganacsi wuxuu Dalka siinayaa kaalmo Istiraatiiji ah oo ka duwan Dalal badan oo ku yaalla Gobolka. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay u dhexaysaa Laba Qaaradood, Afrika iyo Aasiya, taas oo ka Dhigaysa Buundo isku xirta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wareysiga Danjire Daahir waxaa lagu soo koobi karaa in Soomaaliya Dhacdo Isgoys istiraatiiji ah: halka isku xirta Laba Qaaradood, kulmisa Laba Bulsho (Afrikaan iyo Carab), Laba Bad (Badda Cas iyo Badweynta Hindiya) iyo Laba Marin-Biyood oo Caalami ah. Isku darka Arrimahan ayaa Soomaaliya ka dhigaya Dal leh Mustaqbal Weyn. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa Aragti Fog, Hoggaan Wax-ku-ool ah iyo Maalgashi u Dhigma Kheyraadka iyo fursadaha uu Dalku leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaano kaga qeyb galay Caleema Saarka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad Goboleedka Lixaad ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhawaan la Aqoonsaday.

Munaasabadaan ayaa ku soo beegantay Xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd madax-Banaanideeda Dhulleed iyo Qaranimadeed, ka dib markii ay Israaโ€™iil dhawaan si Rasmi ah u Aqoonsatay Maamulka Gooni-Goosadka ah ee Somaliland, taas oo ka caraeysiisay Beesha Caalamka iyo Wadamada kulaala Badda Cas, iyadoo Dalal badani sheegeen in goโ€™aanka Tel Aviv uu ku Xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya.

โ€œWaxaan Mahadcelin Ballaaran u jeedinayaa Kumanaanka Shacabka Reer Laasacaano ee isugu jira Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyarada, Culumaaโ€™udiinka iyo Masโ€™uuliyiinta Dowlad-Goboleedka, kuwaasi oo Safafka Dhaadheer u soo galay soo dhoweynteennaโ€, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud.

โ€œMagaalada Taariikhda Hodanka ah leh eeย  Laascaano, waxa ayย  Astaan u tahay adkeynta Midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan Xoojinta Wadajirka Dhuleed ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxaana muddada aan joognoย  kulmmo la qaadan doonaa Hoggaanka iyo Hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo Nabadda, dib u Heshiisiinta iyo Dowlad-Dhiskaโ€, ayuu sii raaciyay Dr.Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku tilmaamay bilow Taariikhi ah oo lagu Xoojinayo Midnimada Dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari uu yahay Maamul ku Dhismay Dib-u-Heshiisiin, Wadahadallo iyo Rabitaanka Bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda kagaย  yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

โ€œWaqooyi Bari waa Dowlad Xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan Xuquuqda ay leeyihiin Dowlad-Goboleedyada kale ee Dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan Rabitaanka Nabadda iyo Walaaltinimada ay diyaarka u yihiin Walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin Dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karinโ€, ayuu yiri Madaxweynaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay Munaasabaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamul Waqooy Bari ee Soomaaliya ayaa si weyn u Ammaanay qabkii loo asoo Agaasimaha Munassabadda, islamarkaana Mahadcelin u soo jeediyay dhammaan intii ka soo qeybgashay, waxaase uu sheegay Hadal Taariikhda galaya.

โ€œWaa nasiib-darro in Madaxweyne Qoor qoor fadhiyo, halka Deni uu maqan yahay; kan kalena (Madoobe) anigu Madaxweyne uma aqaan. In Qoorqoor joogo, Deni-na maqan yahay waa Taariikh iyo Calaamad Muujinaysa in laga gudbay Reer-Reer loona gudbay Soomaalinimo.โ€

โ€œWaxaan bogaadinayaa Dowladda iyo Shacabka Reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan Midnimada iyo Wadajirka Dalkeeenna, kama aydan Shaqayn kala fogaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen Nabad, Isku Duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo Dowlad-Dhiska Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre”

Mudane Xamsa, ayaa ku Amaanay Bulshada ku Nool Deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen Nabadda, Midnimada , Wadajirka iyo Madaxbanaanidaย  Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Marka sow lama dhihi karo magaalada Laascaano waa caasimadda midnimada dalka.

Dhinaca kale Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed kadib Munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday Magaalada Laascaanood.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in Hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una Suurtageliyey Qabsoomidda Xafladda Caleema-Saarka.

โ€œSafaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay Hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Raโ€™iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay Magaalada Laascaano,โ€ ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda. Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka Dowlad-Dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah. Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo Nabadda, Xasilloonida, iyo Horumarka guud ee Dalka.

Guddoomiye Muungaab โ€œSi loo adkeeyo Amniga Caasimadda, waxaan billaabnay Diiwaangelinta Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ahโ€

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Maanta ka hadlay Bannaan Bax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka BL-ka, kuwaas oo Cabasho ka muujiyay hannaan cusub oo diiwaangelin ah oo lagu billaabay Gaadiidka ka shaqeeya Magaalada, si loo Xoojiyo Amniga Guud.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangeliyo Gaari kasta oo ka Howlgalaya Magaalada Muqdisho, si loo helo xog dhammeystiran oo ku saabsan Gaariga, Milkiilaha, qofka Damiinta ah, iyo Shaqaalaha ka shaqeeya Gaariga, sida Darawalka iyo Kaaliyihiisa ( kirishboyga).

Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo Amniga, laguna hubinayo Bedqabka Muwaadiniinta.

Duqa Magaalada ayaa si cad u beeniyay Wararka Sheegaya in Lacago Dheeri ah laga qaadi doono Wadayaasha ama Milkiilayaasha Gaadiidka, isagoo xusay in aan la qaadi doonin wax Lacag ah oo ka baxsan Khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horeyba u jirtay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta, islamarkaana aan u hoggaansamin nidaamka loo dejiyay; lala tiigsan doono tallaabo Sharci ah oo Waafaqsan Shuruucda Dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) sheegay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Hayโ€™adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, oo muujiyay muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee amniga lagu xaqiijinayo

 

ย 

Laascaanood waa Caasimadda Midnimada Dalka

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud, Soomaalidu ma aqbalin in la xukumo ama la addoonsado. Iyagoo aan haysan dowlad mideysan iyo hub casri ah, haddana waxay si toos ah ula dagaallameen quwadihii ugu xoogga badnaa dunida muddo ka badan labaatan sano. Halganadii Daraawiishta iyo geesiyaal Soomaaliyeed waxay muujiyeen in xorriyaddu ka qiimo badan tahay nolol la hoos joogo gumaysi. Taariikhdu waxay caddeynaysaa in Soomaalidu yihiin dad dhiirran, karti leh, kana marag kacay gumaystihi reer yurub ee waqtigas ku so duulay Afrika.

Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, istiraatiijiyad juqraafiyeed iyo awood bulsho oo aan weli si buuxda looga faaโ€™iidaysan. Sida uu ku muujinayo wareysiga Danjire. Daahir Maxamuud Geelle, Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel taariikhi ah oo u baahan aragti fog, maalgashi iyo kaabayaal dhaqaale si ay u noqoto dal kaalin muuqata ka qaata gobolka iyo caalamkaba.

Soomaaliya waxay ku taallaa meel ay ku kulmaan laba bulsho oo waaweyn: Bulshooyinka Afrikaanka madow iyo kuwa Carabta. Isgoyskan dhaqan, diin iyo ganacsi wuxuu dalka siinayaa kaalmo istiraatiiji ah oo ka duwan dalal badan oo ku yaalla gobolka. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay u dhexaysaa laba qaaradood, Afrika iyo Aasiya, taas oo ka dhigaysa buundo isku xirta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wareysiga Danjire Daahir waxaa lagu soo koobi karaa in Soomaaliya dhacdo isgoys istiraatiiji ah: halka isku xirta laba qaaradood, kulmisa laba bulsho (Afrikaan iyo Carab), laba bad (Badda Cas iyo Badweynta Hindiya) iyo laba marin-biyood oo caalami ah. Isku darka arrimahan ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal leh mustaqbal weyn. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa aragti fog, hoggaan wax-ku-ool ah iyo maalgashi u dhigma kheyraadka iyo fursadaha uu dalku leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laascaanood kaga qeyb galay caleema saarka Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka lixaad ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhawaan la aqoonsaday.

Munaasabadaan ayaa ku soo beegantay xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd madax-banaanideeda Qaranimo iyo madax-banaanideeda dhuleed, ka dib markii ay Israaโ€™iil dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, taas oo ka caraeysiisay Beesha caalamka iyo wadamada kulaala Badda Cas, iyadoo dalal badani sheegeen in goโ€™aanka Tel Aviv uu ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya.

โ€œWaxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Kumanaanka shacabka reer Laasacaanood ee isugu jira Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, Culumaaโ€™udiinka iyo masโ€™uuliyiinta Dowlad-goboleedka, kuwaasi oo safafka dhaadheer u soo galay soo dhoweynteennaโ€, siaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud.

โ€œMagaalada taariikhda hodanka ah leh eeย  Laascaanood, waxa ayย  astaan u tahay adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana muddada aan joognoย  kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiskaโ€, ayuu sii raaciyay Dr.Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

โ€œWaqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karinโ€, ayuu yiri Madaxweynaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha maamul Waqooy Bari ee Soomaaliya ayaa si weyn u ammaanay qabkii loo asoo agaasimaha munassabadda, islamarkaana mahadcelin u soo jeediyay dhammaan intii ka soo qeybgashay, waxaase uu sheegay hadal taariikhda galaya.

โ€œWaa nasiib-darro in Madaxweyne Qoor qoor fadhiyo, halka Deni uu maqan yahay; kan kalena (Madoobe) anigu Madaxweyne uma aqaan. In Qoorqoor joogo, Deni-na maqan yahay waa taariikh iyo calaamad muujinaysa in laga gudbay reer-reer loona gudbay Soomaalinimo.โ€

โ€œWaxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Marka sow lama dhihi karo magaalada Laascaanood waa caasimadda midnimada dalka.

Dhinaca kale Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

โ€œSafaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Raโ€™iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,โ€ ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda. Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.ย Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

Guddoomiye Muungaab โ€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.โ€

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa ka hadlay bannaanbax ay saaka dhigeen wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, isagoo soo saaray amarro la xiriira nidaaminta gaadiidkaas.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in la billaabay diiwaangelin rasmi ah oo lagu sameynayo gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah,ย  si gaar ah diiwaangelinta milkiilaha gaariga, darawalka iyo kirish-boyga, si loo xoojiyo amniga caasimadda.

โ€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan diiwaangelin ku billaabnay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah,โ€ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadayaasha gaadiidka laga doonayo inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada amniga, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo laga qaadayo gaadiidka BL-ka ah marka laga reebo tan rasmiga ah ee ay qaaddo Dowladda Hoose.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in cid kasta oo diidda diiwaangelinta gaadiidka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Taliska Ciidanka Booliiska oo Askarta Hubeysan ka Mamnuucay in ay isticmaalaan Mootada Fekonta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay in Askari Hubeysan uu Isticmaalo Mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in Askari Hubeysan oo aan Shaqo ku jirin lagu arko Gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo Amniga Caasimadda, kaddib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay Muuqaallo muujinaya Rag falal Dhac ah u geysanaya Dad Shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Ciidanku ay soo xireen Eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal Dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaandir.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

โ€œGudaha Caasimadda lama oggola in Askari Hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba Awaamiirta Hayโ€™adaha Amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo Sharciga waafaqsan,โ€ ayaa lagu yiri Qoraalka Booliiska.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo Ciidamada Amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda Amniga Caasimadda.