Wasiirka Warfaafinta XJFS oo Shacabka iyo Warbaahinta u diray Hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka XJFS oo Kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, Khubaro iyo Masuuliyiin ka socday waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa Booqasho iyo kulan shaqo la yeeshay Shirkadda Horumarinta Cusub ee Muqdisho (New Mogadishu Development Company – NMDC).

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa waxa ay Dhageysteen Warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan Qaab-Dhismeedka Hawlgalka NMDC, Nidaamka fulinta Mashaariicda kaabayaasha Horumarinta, gaar ahaan kaabayaasha Korontada ee New Mogadishu, iyo doorka Istaraatiijiyadeed ee Shirkaddu ku leedahay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Sidoo kale, Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaybaha Istaraatiijiyadeed ee Garoonka Caalamiga ah ee New Mogadishu (New Mogadishu International Airport – NMIA), iyadoo la falanqeeyey Hindisayaasha Horumarineed ee la xiriira kaabayaasha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Qaranka.

Ugu dambayn, Kulanka ayaa lagu lafa-guray fursadaha Iskaashi iyo wadashaqeyn ee u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Shirkadda NMDC, iyadoo la adkeeyey Muhiimadda ay leedahay wada-Shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo Horumar Waara, Kobaca Kaabayaasha Istaraatiijiga ah, iyo taageeridda Himilooyinka Horumarineed ee Qaranka.

          

Wasiirka Arrimaha Gudaha, XJFS iyo Wafdi Heer Sare ah oo uu Hoggaaminaayo ayaa Socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta XJFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali – Xoosh iyo Wafdi Heer Sare ah oo uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan Dalkaasi waxay la kulmi doonaan Madaxda kala duwan ee Dalka Pakistan, iyagoo kala hadli doona Dhinacyada kala ah Iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta Dadweynaha, Arrimaha Doorashooyinka,Dimuqraadiyadda iyo Dhinacyada Gargaarka.

Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XJFS waxaa Caasimadda Islamabad ku soo Dhaweeyay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxa qayb ka ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Md Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macallin iyo Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif.

            

21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya

Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga.

Arintani waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.

WQ Abuukar Xaaji Goobdoon.

Soomaalida Koofur Afrika ku nool oo helaya Kaarka aqoonsiga Qaranka

Pretoria: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.

Munaasabadda oo ka dhacday gudaha xarunta ayaa xariga waxaa kab jaray Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq, iyadoo goob-joog ka ahaa safiirada iyo shaqaalaha safaarada.

Danjiraha ayaa ku boorriyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay si hufan ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ka dalban doona kaarka aqoonsiga qaranka xarunta safaaradda.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyey adeegan cusub ee ay dowladdu keentay, gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Koonfurta Afrika, iyagoo si gaar ah uga mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta adeeggan oo fududeynaya helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka fadhigooda, taasoo noqotay guul u soo hoyatay Qaranka.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal Teleefanka ah la yeeshay dhigiisa Koofur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika mudane Cyril Ramaphosa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka W/Warfaafinta oo kulan la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha ururka Dalxiiska Soomaaliya (Somalia Tourism Association -SOMTA.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley xoojinta dadaalada kobaca dalxiiska Soomaaliya oo kaalin muuqda ka qaadan kara sumcadda dalka, dhaqaalaha, shaqo abuurka isdhexgalka bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xubnaha Ururka SOMTA u sheegay in DFS ay muhiimad gaar ah siinayso adeegga dalxiiska, sidaa daraadeedna ay xukuumadda fulin doonto tallaabooyin muhiim u ah dalxiiska Soomaaliya oo la jaan qaadi kara gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay SOMTA iyo hay’adaha kale ee sida gaarka ah isugu xilsaarey kobaca dalxiiska Soomaaliya, oo waayahan dhow soo jiitay warbaahinta caalamka.

Ururka SOMTA ayaa shirkaasi ku soo bandhigay warbixin kooban oo ku saabsan shaqada ay hayaan, iyagoo ku bogaadiyay DFS garab istaagga iyo taageerada adeegga dalxiiska ee dalka.

       

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo Xafiiskooda ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso Dadka nugul, isaga oo dhiirigaliyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku oolka ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado Dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI.

Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda Dadka ay saameeyeen Barakaca.

Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay Xarunta Hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah Bulshada ka Faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee Xarunta Dhexe.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay Wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Hay’addu ka go’an tahay xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah iyo hirgelinta Barnaamijyo waxtar u leh Qaxootiga, Barakacayaasha iyo Dadka dib ugu soo laabanaya Dalka.

      

Wasiirka Amniga ee XJFS oo furay Barnaamij diiradda lagu saarayo Horumarinta Wejiga Labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay Shir Muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee -PSC) ah, kaas oo Diiradda lagu saaray Horumarinta Wejiga Labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase II).

Shirka oo uu Wasiirku si Wadajir ah ula Guddoominayay Bah Wadaagta Caalamiga ah, ayaa Ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo Ansixin Qorshaha Shaqo iyo Miisaaniyadda Sanadka 2026-ka si loo dardargeliyo loona Xoojiyo Hirgelinta Barnaamijka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad Goboleedyada, Kaaliyaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ka Tirsan Booliska, iyo Wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Intii uu socday Shirka, waxaa si faahfaahsan looga Dooday heerka Hirgelinta JPP II, isku-Duwidda Howlaha heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Casharrada laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta Adeegyada amni ee bulshada.

Shirka ayaa si rasmi ah u loogu ansixiyay Qorshe Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, una xoojiyaan xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga Mahadceliyay Deeq-Bixiyeyaasha iyo Bah-Wadaagta Taageeradooda joogtada ah, isagoo Carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu Door muhiim ah ka qaadanayo Dhismaha Boolis tayo leh, Hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula Shaqeeya Bulshada Soomaaliyeed.

            

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Dhusamareb, Wargeyska Dalka — Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in abaarta ka jirta dalka ay si xooggan u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib markii saddex sano oo xiriir ah uusan roobku ka di’in gobolkaasi.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Galmudug, Maxamed Cabdullaahi Cali Wardheere oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay indhahooda ku soo arkeen xaalado aad u adag oo ka jira qaybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanka Galmudug intii ay ku jireen kormeerka.

“Waxaan la kulannay xaalado khatar ah, deegannada waxaa si ba’an ugu dhuftay abaar. Galmudug saddexdii xilli-roobaad ee ugu dambeysay wax roob ah ma helin,” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Wuxuu intaas ku daray in abaartu ay sababtay in dadka deegaannadaasi ay waayaan xoolo badan iyo waxyaabihii baahiya aasaasiga ahaa sida biyo iyo baad la’aan, halka xoolaha intii hartay loo waysan yahay cunto iyo biyo. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kala bar Milyan qof ay wajahayaan xaalad abaar oo daran, taas oo si toos ah u saameysay noloshii iyo waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen.

Wasaaradda Gargaarka Galmudug ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo dadka wax heysta in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan bulshada reer miyiga ah ee ay abaartu saameynta culus ku yeelatay, gaar ahaan deegaannada Gobolka Mudug.

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in la garab istaago walaalahooda ay abaartu saameysay, gaar ahaan xilli Ramadaan oo soo dhow, in qof walba oo awood leh uu ka qeyb qaato caawinta degdegga ah,” ayuu yiri markale Agaasime Maxamed.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa ka digtay in haddii aan si dhaqso ah loo helin gargaar bini’aadannimo, ay xaaladdu sii xumaan karto, taas oo halis gelin karta nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka.