Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay in ka badan 130 Khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa soo gabagabeeyay howlgal amni oo socday in ka badan 24 saacadood, kaas oo lagu fashiliyey laguna soo afjaray weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare ballaaran, iyadoo la dilay in ka badan 130 dhagarqabe, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu si geesinimo leh uga hortageen weerarka.

Sidoo kale, waxaa gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo qaaday weerarka naf-la-caariga ahaa.

Haatan, amniga magaalada Kudhaa iyo dhammaan nawaaxigeeda waxa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, kuwaas oo weli ku jira feejignaan buuxda iyo sugid amni si looga hortago khatar kasta.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, wada-shaqeynta, iyo feejignaanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo mar kale adkaynaya in howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.

         

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka mahadceliyay meelmarinta Is-afgaradka Dekadaha ee Badweynta Hindiya

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.

Is-afgaradkan ayaa xoojinaya iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka,  waxaana uu gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Golaha Wasiirada XFS oo maanta ka hadlay qodobbo muhiim u ah dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ka hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda Dan Qaran dhinacyada siyaasadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.

Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay deegaannada kulaala Kudhaa

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab oo garab ka helaya ciidammada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhaqaaqay howgal lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo maalinimadii shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo qaatay saacado badan, isla markaana u dhacay si qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa nabad-diidka.

Degaanka xeebeedka Kudhaa ayaa haatan si buuxda gacanta ugu jirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale, ciidamadu waxay weli sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, iyagoo sii wada howlgallo amni sugid iyo sifeyn ah, si looga hortago khatar kasta oo kusoo laaban karta deegaanka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Qadar kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee dalkaasi

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal iyo horumarinta hababka wada shaqayneed ee khuseeya  dhinacyada mashaariicda lagama maarmaanka ah,gaar ahaan shismaha kaabayaasha dhaqaale ee bulshada .

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada Gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah xubno ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortaagan kobaca ganacsiga, horumarinta jawi ganacsi oo dhiirrigeliya maalgashiga, iyo dejinta istiraatiijiyado wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey xal u helidda iyo sida loo horumarin karo wax-soo-saarka gudaha, dhoofinta iyo kobcinta warshadaha maxalliga ah.

Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay waxa uu  carrabka ku adkeeyey in wasaaraddu ay mudnaan siinayso la-shaqeynta ganacsatada ,si loo dardargeliyo ganacsiga, warshadaynta, iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Qaar kamid ah ganacsatda oo hadlay ayaa muujiyey doorkooda muhiimka ah ee kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin,iyaguna soo bandhigay fursado iskaashi oo laga yeelan karo dhinacyada

dhoofinta iyo soo dejinta.

R/Wasaare Xamsa oo bogaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanka Kudhaa

R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhambaal isugu jiray hambalyo iyo boogaadin u diray  ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland, kadib markii ay kahortageen kooxo khawaarij ah oo isku dayey in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhambaalkaasi waxa uu u qornaa sidatan:-

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo isku xirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay kaalinta ay Dowladda Turkigu ka qaadan karto dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo mudnaanta la siiyay dhammeystirka waddooyinka halbowlaha ah ee dhiman, hirgelinta nidaamka bullaacadaha, horumarinta bilicda magaalada, tababaridda shaqaalaha maamulka, iyo kor-u-qaadista adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Safiirka Dowladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş, ayaa ballanqaaday in Turkigu door muuqda ka qaadan doono garab istaagga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaaliya, mar walbana garab taagan yahay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha jira, xilli uu dalka ku jiro marxalad soo kabasho iyo dib-u-dhis.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu fure u yahay horumar waara oo laga hirgeliyo Caasimadda, kaasi oo horseeda in la sii tayeeyo adeegyada ay horraanba helayeen shacabka ku nool Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan iyo agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Uganda oo mar kale la doortay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Yugaandha dib u doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaasi, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada hadalka, labada Madaxweyne waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dalalka gobolka.

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Heshiiska lagu Dhisay Urur Goboleedka IGAD

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 30-aad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyey Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee Heshiiskan Golaha la wadaagay Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka.

intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Heshiiskan, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena hal Xildhibaan ayaa ka aamusay.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedka weydiiyeen Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga ku shaqada leh inuu soo diyaariyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, dibna Golaha ugu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.