Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha ha u naxariistee marxuumad Faadumo Ibraahim Nuur oo aheyd xaaska Tifaftiraha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Alle ka baryay in uu marxuumadda u naxariisto oo uu ka waraabiyo Janatul Fardowa, islamarkaana uu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelka, qaraabada iyo qoyska ay ka baxday marxuumad Faadumo Ibraahim Nuur.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta XFS iyo wafdi kale oo ka qeybgalaya Bandhigga Dhaqanka iyo Dalxiiska ee ka socda Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay carwada Dalka Spaim ayaa sheegay in halkaasi ay ku soo bandhigeen waxyaabaha uu dalkeennu gaarka u leeyahay ee dhinaca cuntada,dhaqanta iyo dalxiiska.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in bandhigga dhaqanka Soomaalida uu soo jiitay dad badan iyo shirkado waaweyn oo kuwa dalxiiska ah,isagoo intaa raaciyay in qaar kamid ah kaqeybgalayaasha carwadaasi oo ka kala yimid dalal badan uu kala hadlay sidii loo maalgashan lahaa dalka Soomaaliya.

C/Laahi Xayir ayaa u mahadceliyay Hey’adda Dalxiiska Duulimaadyada Soomaaliya (sata) oo gacan ka geystay fududeynta kaqeybgalka bandhigga dalxiis ee Dalka Spain.

Kulanka carwada Dalka Spain waxaa ka qeybgalay dalal iyo shirkado kale oo kuwa wax soo saarka ah,iyagoo soo bandhigay qalab kala duwan oo kuwa dhaqanka ah .

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee lagu laalay heshiiskii kala dhaxeeyay Imaaraadka carabta uu ahaa tallaabo wanaagsan oo lagu badbaadinaayey dadka iyo dalka.

Wasirka ayaa xusay in la joojiyay heshiisyadii dhanka amniga iyo difaaca labada dale ee Soomaaliya iyo Imaaraadka,balse weli ay jiraan xiriirkii dibolomaasi iyo wadashaqeyntii xagga safaaradaha ee labada dal.

Daauud Aweys Jaamac oo sii wata hadaladiisa ayaa sheegay in taageerada Imaaraadka ay u fidiyeen Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ay geysteen ay aad u badan tahay waxyeelada ay badeen dadka iyo dalka.

“cid kasta oo daneyneysa ama tixgalineysa midnimada iyo madaxbannaanida xiriir ayeyy soomaaliya la yeelan karaan” sidaasi waxaa yiriWasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka

Qaahira:- Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Adam Macallin (Soomaali), oo shirkaa ku matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan si loo dhiso mustaqbal dijitaal loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.

   

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga dalka Qatar

Qatar:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaaliyeed.

Munaasabadda, oo ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaa soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isaga oo billado guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Qatar ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xirfadaha iyo aqoonta ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan awoodda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa wasiirka ku wehliyay taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage.

    

Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay guddiyada kala duwan ee dib u eegista dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar u, ayaa kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxaana mas’uuliyiinta labada guddi ay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga warbixiyeen howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee dalka.

              

Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxda Xiriirka Dowladaha ee Federaal Booliiska Mudane Colonel Niels Zimmermann ayaa booqasho shaqo ku yimid dalka Soomaaliya, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow wafdigan ayaa Booqasho ku joogay  magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Inta lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1-aad iyo 2-aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada iyo nidaamka guud ee maareynta xuduudaha, iyagoo si gaar ah u eegay doorka HSJ ee sugidda amniga qaranka.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa kalsooni iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana xoogga saartay is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa hay’adaha caalamiga ah.

Kulamada labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha hay’adda.

                    

      

Guddoomiyaha maxkamada sare oo ka qayb galay shirka guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee Afrika

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Wadamada Africa, kasoo ka furmay caasimada Dalka Aljeeriya ee Algeris.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee wadamada qaaradda Africa.

 

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha guddaha dalka Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mudane Mohsin Naqvi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Wasaaradood, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha gudaha iyo bedqabka shucuubta.

Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah ee ku aaddan meelaha ay dan wadaagta ka yihiin.

              

Shirka guddiga qaran ee isku duwidda maareynta abaaraha oo Muqdisho lagu soo xiray

Waxaa Magaaladda Muqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA),Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda ka-jawaabista abaarta, falanqaynta xaaladda bani’aadannimo, iyo adkaynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Shirka, oo la qabto saddexdii biloodba mar, wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka wadaagga xogta, qiimeynta xaaladda abaarta, iyo hagidda tallaabooyinka qaran ee wax looga qabanayo saameynta abaaraha.

Waxaa ka qeyb-galay shirka wakiillo ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada dalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyaga oo si wadajir ah u falanqeeyay sugnaanta cuntada, baahiyaha jira, iyo caqabadaha taagan.

Ugu dambeyn, guddigu waxay ku balameen in shir balaaran layskugu yimaado bisha February ee sanadkan.