Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Munaasabad lagu wareejinayey Agab caafimaad

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Taliyaha ayaa halkaas u tagay Dhiirrigelinta Geesiyaasha Ciidamada XDS iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Furimaha Dagaalka.

Intii uu ku sugnaa Deegaannada la xoreeyay, Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulammo la qaatay Saraakiisha Hoggaaminaysa Howlgalka, isagoo ka Xog-Waraystay Xaaladaha Guud ee Amniga, sidoo kalena Warbixino ka dhageystay.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa bogaadiyay Geesinimada, Adkaysiga iyo Naf-Hurnimada ay muujiyeen Ciidamada isgarabsanaya.

         

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhismaha Wadadda Cabdiqaasim

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida Maanta ah Dhagax-Dhigay Dhismaha Wadada Cabdiqaasim ee Degmada Hodan, taas oo ka mid ah Mashaariicda Mudnaanta u leh Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in Caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay Dhismaha Waddada Cabdiqaasim ay ahayd Guryo iyo Dhismayaal Waddada soo galay, kuwaas oo si Sharci Darro ah u xannibay Hirgelinta Mashruuca. Arrintaas Darteed, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa amray in la burburiyo dhammaan Guryaha iyo Dhismayaasha Waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc, si loo banneeyo Waddada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Munaasabadda Dhagax-Dhigga ka diray Farriin Cad oo ku aaddan Hagaajinta Nadaafadda iyo Nidaamka Magaalada, iyadoo uu dhiirri-geliyay Ololaha Nadaafadda ee ka socda Muqdisho, kuna Ammaanay ka-qeybgalka Bulshada iyo Wacyigelinta laga helayo Baraha Bulshada, gaar ahaan Dhallinyarada Hormuudka u ah Barta TikTok.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay samaynta Kooxo Kormeerayalaa Nadaafadeed oo Cusub, kuwaas oo si joogto ah u la socon doona Xaaladda Nadaafadda Degmooyinka, isla markaana hubin doona fulinta Habraacyada iyo isla Xisaabtanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dib-u-eegis lagu sameyn doono Kariteeriyada Shirkadaha Nadaafadda, si loo Qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-Hoggaansanaantooda Waajibaadka Shaqo, loona xaqiijiyo in Adeegga Nadaafaddu uu noqdo mid hufan oo joogto ah.

Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Xeer Cusub oo Nadaafadda Magaalada la xiriira uu Saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona Habraac iyo Waajibaad Cad, islamarkaana adkeyn doona Ilaalinta Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay in Dhagax-Dhigga Wadada Cabdiqaasim iyo tallaabooyinka Nadaafadda ay yihiin Qorshe Mideysan oo lagu dhisayo Muqdisho Nadiif ah, Nidaamsan, lehna Kaabayaal Casri ah oo u Qalma Mustaqbalka Magaalada.

              

 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika u jooga oo ka qayb galay Kulan ay isugu yimaadeen Safiirrada Dalalka Afrika ee Dalka Koonfur Afrika u jooga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen dhammaan Safiirrada Waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay Dalka Koonfur Afrika.

Shirkan intii uu socday, waxaa si rasmi ah looga wada hadlay Arrimo Muhiim ah oo khuseeya Dowladaha Caalamka iyo Xiriirka Dalalka.

Shirka waxaa si gaar ah looga hadlay arrinta la xiriirta Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay si Sharci-Darro ah u Aqoonsatay qaybo ka mid ah Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika , Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa jeediyay Qudbad Muhiim ah, isagoo si cad u sheegay in tallaabo kasta oo lagu faragelinayo Madax-Bannaanida, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka Soomaaliya ay tahay mid aan la Aqbali karin, kana hor imaanaysa Xeerarka Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Safiirku waxa uu xusay in Israa’1l ay isku dayayso inay u wareejiso dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe Dhul Soomaaliyeed, taas oo khatar ku ah Amniga Gobolka iyo Xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankooda, dhammaan Safiirradii kulanka Goob-joogga ahaa ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’1L, ayna Xasillooni-Darro ku tahay Xaaladda Gobolka, iyagoo Carrabka ku adkeeyay in ay Muqaddas tahay ilaalinta Madax-Bannaanida Dhuleed iyo Midda Cir ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale adkaynaysaa Mowqifkeeda Cad ee ku aaddan Ilaalinta Midnimadeeda Dhuleed, isla markaana waxa ay ugu baaqaysaa beesha Caalamka in ay Ixtiraamaan Madax-Bannaanida Soomaaliya iyo Go’aamada Sharci ee Caalamiga ah.

     

Madaxweynaha JFS oo caawa booqday qaar ka mid ah goobaha lagu caweeyo Caasimadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay, qaar ka mid ah bulshada ku nool caasimadda.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada uu la kulmay kala qayb qaatay ciyaaraha kala duwan ee ay ku madadaalaan, isaga oo ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, is dhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

       

Ciidanka NISA oo Gacanta ku Dhigay Shabakad Argagixiso

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo qorsheynayay in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, ayaa sidoo kale hawlgalkaas ku soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo ay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan falalkooda argagixiso.

Shabakaddan ka tirsan Khawaarijta ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda, si loo marsiiyo sharciga, waxayna Hay’adda NISA uga mahadcelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wada shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka.

Fadlan muwaadin, haddii aad hayso xog ama aad aragto wax khatar ku ah amniga, ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA lambarradan hoos ku qoran:

📞 199
📞 0770 747474
📞 0620 545454

 

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo la kulmay Saraakiisha ciidanka Xoogga ee ka qalin jabiyey kuliyadda Militariga Qatar

Qatar:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ee ka qalin-jabisay Kulliyadda Milateriga ee Axmed bin Maxamed.

Kulanka, Wasiirku wuxuu ugu hambalyeeyay saraakiisha guusha ay kasoo hooyeen waxbarashada, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo heerka xirfadeed ee ay gaareen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka soo heleen kulliyadda ay u adeegsadaan difaaca qaranka, horumarinta CXD, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa kulanka ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

 

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Guddoomiyaha Haya’adda Nadra

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa kulan kula yeeshay magaalada Islamabad Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Kaydinta Xogta Qaranka ee Pakistan (NADRA). Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Mareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde)

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka maareynta aqoonsiga qaran, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey doorkii ay NADRA ka qaadatay taageeridda dhismaha iyo hirgelinta NIRA, taas oo loo aqoonsaday guul muhiim ah oo horumarineed oo lagu xaqiijiyey nidaamka aqoonsiga qaran ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sii wadidda iskaashiga farsamo, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo xoojiyo nidaamyada aqoonsi qaran ammaan ah, oo lagu hormariyo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha.

        

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka kula yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, xaaladda gobolka, adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Dowld Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka dhacdey magaalada Laas Caanood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay magaalada Laas Caanood, qaar ka mid ah odayaasha, isimmada iyo cuqaasha dhaqanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo uu hoggaaminay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Laas Caanood ku qaabilay, Wasiiro ka socday Dowladda Djibouti oo qeyb ka ahaa wafdigii ka qeybgaley caleemo-saarka madaxda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka, Marwo Mary Porter Peschka,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029)

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood kaga qeyb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ka qabsoomtay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood ee kula kulmey odayaasha dhaqanka ee maamulada Jubaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari,isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadin u diray ciidamada geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland ee sida naf-hurnimada ah u jabiyay naftood-haligayaasha Khawaarijta ee isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada hoose.

10- Golaha Wasiirada ayaa kulankooda uga hadlay amniga, hawgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo gogosha wadahadal ee xukuumadda u fidisay dhinacyada siyaasadda.

11- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa casuumaad rasmi ah oo ku aaddan kulanka wadatashiga arrimaha masiiriga u fidisay Golaha Mustaqbalka, waxaana loo madlay magaalada Muqdishu 1-da Febraaya 2026-ka.

12- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo hambalyo diirran u diray bahda warbaahinta munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ,oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.

14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa socdaal shaqo ku gaaray dalka Pakistan,isagoo kulama la qaadan doonaa sarakiil ka tirsan Dowladda.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay xubnaha Ururka Dalxiiska Soomaaliya SOMTA, waxaana kulanka diirrada lagu saarey xoojinta kobaca dalxiiska Soomaaliya oo kaalin muuqda ka qaadan kara sumcadda dalka, dhaqaalaha, shaqo abuurka isdhexgalka bulshada.

16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ,ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani, ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis iskaashi difaac ,kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya,Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar,iyagoo kawada hadlay xoojinta xirirka taariikhiga ee labada dal.

18- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş,kulanka ayaa diirrada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada.

19- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka , kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska.

20- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

21- Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan kaarka aqoonsiga qaranka.

22- Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii magaalada Laas Caanood lagu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.

23- Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageeradeeda mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD ee la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

25- Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee militariga Soomaaliya ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo guul ka gaaray hawlgal ka dhacay Kudhaa, Jubbada Hoose, laguna xaqiijiyay gacan-ku-haynta iyo amniga degaanka oo ay soo weerareen canaasiirta Khawaarijta ah ee Alshabaab.

26- Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale waxaa looga digay in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

    

==========DHAMMAAD============

Madaxa Hay’adda SODMA oo Bakistaan kula kulmay Dhiggiisa dalkaasi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka dalkaasi (NDMA), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Inam Haider Malik.

Dhinacyadaasi ayaa sidoo kale ka hadlay is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.

Guddoomiyeyaasha Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya iyo Bakistaan waxa ay si buuxda isugu afgarteen xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah u leh bulshooyonka labada waddan.

Kulankaasi kadib waxaa Guddoomiyaha SoDMA  waxaa lagu soo wareejiyay waaxyaha kala duwan ee qaabilsan nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.