Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Dardargelinta Howlaha shaqo ee Sasaaradaha, Xoojinta Isku-xirka Hay’adaha Dowladda, Saameynta Abaaraha, iyo Hirgelinta Qorshayaasha Horumarineed ee Mudnaanta u leh Adeegyada Bulshada.

Intii uu socday Shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay Caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo Maamul Hufan oo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku Bogaadiyey Dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan Hufnaanta Shaqada, Isla-Xisaabtanka, iyo u adeegidda Shacabka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in la dardargeliyo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada Horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyey Muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, Hoggaan Wanaagsan, iyo Mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo Horumar Waara iyo Adeegyo tayo leh oo ay helaan Bulshada Koonfur Galbeed.

   

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo Magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Saalax kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

Kooxda Khawaarijta Argagixisida ee Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa la yaaban Dagaalka lagala hortagay waayahaan dambe, sida Dagaaladii jabka loogu gaarsiiyay ee ay ka mid ahaayeen kii ka dhacay Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, kii Deegaanka Jabad Godane ee ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo dhammaantood ay Ciidanka Soomaaliyeed ay jawaabta degdeg ah ka bixiyeen iyo waliba Weerarkii xooganaa ee ay Arbacadii kula wareegeen Gacan ku haynta Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamka  ayaan ayaa ka Howlgalay sidii Jasiirada Kudhaa, oo ah Deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana ku dhow Xuduudda Somaliya iyo Kenya ay Gacanta ugu dhigi lahaayeen. Kooxda Shabaabka ayaa u bartay in inta badan looga haro Goobaha ay weerarada abaabulan ku qabsadaan, laakiin wixii ka dhacay Kudhaa ayaa keeni kara in Albaabkaasi uu soo xirmo.

Khawaarijta Shabaabka ayaa Xisaab khaldan isku dhufsaday, marka aad milicsato inuu Damacoodu ahaa inay hantaan Kudhaa, laakiin falcelinta ay Ciidamadu sameeyeen ayaa Calaamad u ah in Ciidamadu ay dib u qabsan karaan Dhulka Dagaalka looga qabsado, haddii si sax ah loogu jiheeyo.

Xoogagga Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa waqti yar gudahood ku xaqiijiyay inay dib ula wareegaan Kudhaa, iyagoona Shabaabkii soo duulay ka dhigay wax la dilo, wax la dhaawaco, in la qabto iyo in kaloo carartay. Hawlgalkan lagu xakameeyay is ballaarinta Al Shabaab ayaa waxaa gacan ka gaystay Diyaaradaha Dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah. Diyaaradaha ayaana gubay toban ka mid ah Gaadiidkii Dagaalka ee ay Shabaabku wateen. Dib u qabsashada Jasiiradda Kudhaa ayaa kor u qaadeysa Mooralka Ciidamada, waxayna iftiimineysaa in Ciidanka uu Qaranku leeyahay ay ku filan yihiin Dalka Difaaciisa, haddii Hoggaanka ay ka go’an tahay in lala Dagaalamo Shabaabka Hubeysan ee caqabadda ku noqday Amniga iyo Horumarka Dalka.

Khubarada dhinaca Militariga ayaa waxay isku raacsan yihiin hal mid, taasoo ah inaysan istaagi doonin weerarada Al Shabaab, illaa iyo inta laga soo celinayo cadaadiskii Militari ee lagu hayay Maleeshiydaasi. Cadaadiska Militari ee Ciidamada ayaa hoos u dhigaya in Kooxaha Khawaarijtu ay helaan Fursado ay ku Abaabuli karaan Weeraro Waaweyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Deegaanka Kudha ayaa tibaaxaya in Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo Afjaren Khawaarijtii soo weerartay Deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo Warbaahinta u soo bandhigay Meydadka Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta iyo Horjoogayaashoodii oo lagu laayey Dagaalkaasi.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa habeen hore ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku Dhuumaaleysanayay Dhulka Howdka ah ee Deegaanka Kudhaa, waxaa kale, Aroornimadii shalay Subax Ciidamo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay isla Deegaankaas ayaa dilay afar Xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday Dagaalladii hore, ayna Ciidamadu soo bandhigeen Gaadiid dagaal iyo Hub ay dagaalka Kudhaa uga furteen Khawaarijta, kadib markii lagu laayey dagaalkaasi.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Dagaalkaan oo soo bilowday Waaberigii Habeen Hore ilaa shalay ayay soo afjareen, kadib markii ay hareereeyeen Cadowga, kadibna ay ku laayeen Halkaas, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay Meydadkooda oo tiro beel ah.

Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa sidoo kale Jab Xoogan kala kulmay Dagaal ka dhacay Deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe Todobaadkii hore, halkaasi oo looga dilay Boqolaal Argagixiso ah, islamarkaana looga furtay Hub iyo Saanad fara bada.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta aha ayaa dilay horjooge lagu magaciisalagu soo koobay Timaweyne, ka dib Howlgal Qorsheysan oo ay ka sameeyeen Deegaanno hoostaga Degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogaha la dilay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen Dadka Shacabka ah ku baxay Gacanta Geesiyaasha Qaranka. Sidoo kale, Ciidamada ayaa intii ay Howlgalka wadeen waxay Gacanta ku dhigeen Mooto nooca loo yaaan Feykon iyo Qori AK47 ah, oo ay dadka Musaafurka ah lagu dhibaateyn jiray.

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala Saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa Maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis ka-Dhaafid Fiiso ah, kaas oo quseeya Dadka sita Baasaboorrada Diblomaasiyadeed, isla markaana meesha ka saaraya Shuruudda Fiisaha ee u kala Safarka labada Dal.

Heshiiskan muhiimka ah wuxuu astaan u yahay Horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo fududeynta Socdaalka rasmiga ah, dardargelinta Is-Dhaafsiga Diblomaasiyadeed, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta laba-geesoodka ah ee u dhaxeysa labada Dal ee walaalaha ah.
Munaasabadda Saxiixa Heshiiska waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, xilli uu kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-Dagaallanka Maandooriyaha ee Pakistan, Mudane Dawood Muhammad Baraech, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Hamza Aadan Haadoow, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabadda.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Pakistan gaarsiiyay Farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo si cad loogu muujiyay Go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba-geesoodka ah ee kala dhaxeeya Pakistan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa Mahadnaq iyo Qaddarin buuxda oo ay u hayso Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, soo dhoweynta diirran iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay had iyo jeer la garab taagnaayeen Soomaaliya, iyadoo rajaynaysa in Iskaashiga labada Dal uu sii ballaariyo kulammo heer sare ah, wada-tashi joogto ah, iyo Mashaariic ku saleysan Danaha Wadajirka ah ee labada Dal.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen dadka shacabka ah ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxay gacanta ku dhigeen mooto Feykon iyo qori AK47, oo dadka musaafurka ah kagu dhibaateyn jiray.

Bannaanbax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Bannaabaxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyn aad u fara badan, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah maamulka dalkeenna ku soo gardarooday ee Israa’iil.

Shacabkii Bannaanbaxa ka soo qeyb galay ayaa dhammaan qiray in aysan marna ogolaaneyn in lagu soo xadgudbo taako ka mid ah dhulkeenna, islamarkaana geeri ka xigaan, waxayna digniin adag u direen maamilka Israa’iil ee aqoonsi beenaadka ku siray maamulka Somaliland.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho waxaa si isdaba joog ah uga dhacayay bannaanbaxyo looga soo horjeedo aqoonsi beenaadka Israa’iil ay siisay Soomaaliland, kaas oo dal iyo dibad kaga cambaareeyay.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo War-murtiyeed soo saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga hadley xaaladahii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.
Goluhu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

Wuxuu soo saarey qodobadan:-

1.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.

  1. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.
  2. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.
  3. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
  4. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.
  5. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse:” Aqoonyahannada Maanta Qalin jabiyey waa kuwii Dalka u Hoggaamin lahaa Isbedelka iyo Hal-Abuurka”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta ka qayb-galay Munaasabadda Qalin-Jabinta Aqoonyahanno Dhammaystay Waxbarashada Heerka Labaad iyo Heerka Sadexaad ,Master iyo PhD ee Jaamacadda Nabadda “University for Peace” (UPEACE).

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu Hambalyeeyey Aqoonyahanka Qalin-Jabiyay Dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan Heerkan Sare ee Aqooneed, ayaa xusay in Culuumta ay barteen ay tahay mid Muhiim u ah Dhismaha Dowladnimada, Nabadda, iyo Horumar Waara in Dalkeenna uu gaaro.

“Maanta waa Maalin Weyn oo muujinaysa Horumarka Tacliinta Sare ee Dalka, in aan aragno Arday Soomaaliyeed ah oo Dalkooda Gudihiisa ku qaadanaya Shahaadooyinka Sare ee PhD iyo Master, waa Guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada Maanta Qalin-Jabiyey waa kuwii Hoggaamin lahaa Isbeddelka iyo Hal-Abuurka aan uga baahan nahay Dalkeenna in uu gaaro.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda Nabadda “University for Peace” (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista Tayada Waxbarashada Sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay Mudnaan gaar ah siinayso Horumarinta Aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan Xasilloonida iyo Horumarka Bulshada.

“Xukuumad ahaan Waxbarashada waxaan u aragna Horumarka Nolosha, Sidaas Darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 – 2029) waxaa Tiir Dhexaad u ah Horumarinta Karaanka Aadanaha, waxaan Aaminsanahay in Bulshada wax la Baro, Jaamacadaha Dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin Horumarka Dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay Aqoonyahannada Qalinjabiyey in ay Cilmigooda ugu adeegaan Dadka iyo Dalka, isaga oo Carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan Qorshayaasha lagu Xasilinayo Dalka iyo Dib-u-Dhiska Nidaamka Dowladnimo.

                     

Wasiirka Arrimaha Guddaha ee XJFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Safar Shaqo ku jooga Magaalada Islamabad ayaa Kulan Heer Sare ah oo Miro-Dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari.

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Taageerada Siyaasaddeed iyo tan Diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Iskaashiga Dhinacyada Amniga, gaar ahaan Dadaalada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula Dagaallamayso Kooxaha Argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari, ayaa mar kale adkeeyay Mowqifka Mabda’a ah ee Teegarada Dalkiisa halka ay ka taagan yahiin, Ilaalinta Madax-Bannaanida, Qarannimada, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay Diyaargarowga Pakistan ee sii Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee ku aaddan Horumarinta Nabadda, Xasilloonida iyo Dadaallada Dhismaha Dowladnimada.

     

Ciidanka Kumandooska Danab iyo kuwa Jubaland ayaa sii wada Hawlgallo Ballaaran oo lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda Deegaanno ka tirsan Duleedka fog ee Kudhaa.

Howlgalladii ugu Dambeeyay ee la sameeyay ilaa Xalay ayaa lagu Dilay 24 Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay Labo Xubnood oo Dhaawac ah, kuwaas oo ku Dhuumaaleysanayay Dhulka Howdka ah ee Kudhaa.

Sidoo kale, Aroornimadii saakay Ciidamo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay isla Deegaankaas ayaa Dilay Afar Xubnood oo ka mid ahaa Firxadkii Khawaarijta ee ka Baxsaday Dagaalladii hore.

Dhanka kale, Ciidamada ayaa weli ku raad-jooga Horjooge Fu’aad Shangole oo la xaqiijiyay inuu qabo Dhaawac Culus, iyadoo Howlgalladan ay qeyb ka yihiin Dadaallada lagu Xaqiijinayo Amniga laguna Ciribtirayo Haraadiga Khawaarijta.