Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

       

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Keenya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay Shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo Maalgelinta iyo Xoojinta Nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah Horumarinta iyo tayeynta Nidaamka Caafimaadka Dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, Saaxiibada Caalamiga ah ee taageera Horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo Daneeyayaal kale oo Muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, Xoojinta wada-Shaqeynta, iyo Hirgelinta hannaan Maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo Adeegyo Caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir-Dowlihii Hore ee Wasaaradda Amniga oo Bogaadiyey Guulaha laga gaaray Sugidda Amniga Caasimadda Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir-Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa bogaadiyey Isbeddelka Amni ee laga dareemayo Caasimadda, isaga oo sheegay in Amniga hadda jira uu suurto-geliyey in Bulshada ay si Nabad ah oo aan Cabsi lahayn u wataan Nolol-Maalmeedkooda Habeen iyo Maalin.

“Saddex Sano ka hor suurtagal ma ahayn in Qofku keligiis Habeenkii Adeegto, halka Maanta Amniga ka jira Caasimadda uu suurto-geliyey dhaqdhaqaaq Habeen iyo Maalin ah,” ayuu yiri Wasiir-Dowlihii hore.

Waxa uu intaa ku daray in horumarkan Dhanka Amniga ah uu ku yimid Dadaal iyo Hawlkarnimo ay Dowladda gelisay sugidda Amniga Caasimadda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey Ciidamada Amniga doorka weyn ee ay ka qaateen xaqiijinta Nabadgelyada.

“Dowladda waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga dhabeysay Ballanqaadkeedii ku aaddanaa sugidda Amniga,” ayuu Hadalkiisa ku daray.

Muddadii u dambeysay waxaa si muuqata u soo hagaagay Amniga Caasimadda marka loo eego Bilooyinkii Hore, taas oo keentay in Siyaasiyiin iyo Shacabka Soomaaliyeed ay Dowladda ku Ammaanaan dadaallada ay ku bixinayso sugidda Amniga Caasimadda.

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane  Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu dhantahay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Hormuud Salaam Foundation, iyo Safaaradda dowladda Talyaaniga ay ku leedahay Soomaaliya, oo iska kaashaday sidii adeeg caafimaad oo dhammaystiran loogu samayn lahaa carruurta Soomaaliyeed ee waxba looga qaban waayey dalka gudihiisa.

Mudane Jibriil, ayaa dhakhaatiirta qalliimada u sameeyay ku ammaanay dadaalka naf-hurnimadda leh ee ay u sameeyeen carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka muuqato in si wanaagsan loo daweeyay xaalladooduna soo ficnaanayso.

           

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Screenshot

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta dalxiiska, isla markaana ay sameysay daraasad gaar ah oo diiradda lagu saarayo dalxiiska Soomaaliya iyo horumarkiisa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la asteeyay goobaha dalxiiska uu dalkeenna lahaa, in la dejiyay qorshe ku saabsan Dalxiiska Soomaaliya, in dib loo soo nooleeyo adeegyadii dalxiis ee uu dalka lahaan jiray iyo Machad laga barto arrimaha Dalxiiska.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiragelineyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya horumarinta arrimaha Dalxiiska, wuxuuna qiray in dalxiiska qeyb libaax leh ka qaadan karo kobaca Dalkhliga Dalka.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay, Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta horumarineed, isku-duwidda mashaariicda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada kala duwan.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo hubin lahaa in dhammaan mashaariicda iyo barnaamijyada la fulinayo ay si buuxda ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Dukumintiga Barnaamijka UNFPA ee Dalka, iyadoo xoogga la saarayo hufnaan, isla-xisaabtan, iyo saameyn waarta.

Sidoo kale, Mudane Beenebeene iyo Dr. Mary Otieno waxay mar kale adkeeyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNFPA, si loo dardar-geliyo hirgelinta yoolalka wadajirka ah ee horumarinta bulshada iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah ee dalka.

   

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay James Swan

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

   

Maxay ka wada hadleen Xoghaye Kamaal Guutaale iyo James Swan?

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo gogosha wada-hadal ee Xukuumaddu u fidisay Golaha Samatabixinta iyo dhinacyada mucaaradka.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la wadaagay horumarka muuqda ee Xukuumaddu ka sameysay sugidda amniga guud ee dalka, doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo si nabad ah uga qabsoontay Caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda uga go’an tahay dhageysiga tabashooyinka mucaaradka iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran.

Dhankiisa, Mr. James Swan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay gogosha wada-hadal ee ay u fidisay mucaaradka, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in gogoshu ay miro dhal noqoto. Waxa uu sidoo kale ammaanay habsami u socodka iyo nabadgelyada doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Caasimadda.

     

RW Xamsa Cabdi Bare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan Iskaashiga dhinacyada Amniga, iyo la-Dagaallanka Argagixisada, si loo xaqiijiyo Xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga taageerada Hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu uu yahay saaxiib Istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka Amniga, Ilaalinta Midnimada, Madax-Bannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka Mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada Dowladood.

       

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XJFS oo Bandhiga Carwada Fitur kaga qeyb galay Dalka Spain

Screenshot

Madrid,(Wargeyska Dalka):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XJFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Fitur oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay  Soomaaliya ku soo bandhigtay waxyaabo badan oo Taariikhi ah sida, Cunto Dhaqameedka iyo Hiddaha Dhaqanka Dalkeenna.

Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Fitur oo soo bilaabatay 21-ka Bishan ayaa Maanta la soo gebagebeeyay, waxaanna Bandhigga qeyb ka ahaa Shirkado waa weyn oo ka qeyb qaadan kara Horumarinta Dalka.