Xafiiska xeer-ilaaliyahaguud oo soo bandhigay guulihii 2025 iyo qorshayaasha 2026

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka cusub ee 2026, iyo waxyaabihii ka fulay ama aan fulin ee qorshayaashii sanadkii tegay.

Shirka, oo socday laba maalmood, ayaa waxaa shir guddoominayey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud. Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan waaxyaha kala duwan ee dacwad-oogista Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Xoghayaha Guud, iyo Agaasimayaasha.

Inta lagu guda jiray shirka, waaxyuhu waxay soo bandhigeen guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray sannadkii 2025, isla markaana lagu soo bandhigay qorshayaasha sannadka cusub ee 2026.

Gaba-gabadii shirka, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa bogaadiyey dadaalka iyo horumarka laga gaaray qorshayaashii sanadkii hore, isagoo waaxyaha kala duwan kula dar-daarmay in shaqada hortabinta leh la dar-dar geliyo, laguna dadaalo hirgelinta iyo fulinta qorshayaasha sannadka 2026 ee shirka lagu ansixiyey.

    

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ganacsatada kala shaqaynaysa ka faa’iideysiga suuqa EAC

Wasiir-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ururrada bangiyada, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Isgaarsiinta, iyo haweenka ku jira ganacsiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsiyada Soomaaliyeed si habboon loogu diyaarin lahaa ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), iyadoo la hubinayo in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu door muuqda ku yeesho geeddi-socodka xubinnimada. Waxaa si qoto dheer looga wada hadlay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fududeynayo gelitaanka suuqyada gobolka, wax ka qabashada caqabadaha sharciyeynta iyo maalgelinta, iyo dejinta siyaasado taageeraya tartan-wanaagga iyo kobaca ganacsiga ee guud ahaan Bariga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay wadatashi joogto ah iyo iskaashi dhow oo ay la yeelanayso ganacsatada, si xubinnimada EAC loogu beddelo fursado dhaqaale oo la taaban karo, kuwaas oo kor u qaada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

      

Wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka oo ka jawaabtay hadallo ka yimid Xildhibaanada qaarkood

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka (OC), kuwaas oo la xiriira hanaanka la-tashiga dadweynaha ee wax-ka-beddelka Cutubyada Shanaad ilaa Sagaalaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda.

Hay’adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubaland ay ka qeybgashay.

Iyadoo ay taasi jirto, hay’adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay mar kale adkaynaysaa in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudah oo Kulan Wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa Kulan Wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha la xiriira ka hortagga khilaafaadka horseeda Colaadaha Sokeeye iyo xoojinta dadaallada Dib-u-Heshiisiinta ee lagu xallinayo Colaadaha Beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah Dalka, si loo adkeeyo Wadajirka Bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay Doorka Muhiimka ah ee ay Odayaasha Dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta Midnimada, Madaxbannaanida Dalka, xoojinta Nabadda iyo ka hortagga faragelinta Shisheeye, iyada oo la adkeynayo Iskaashiga u dhexeeya Hoggaanka Dhaqanka iyo Wasaaradda.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad kale oo khawaarij ah oo lagu dilay Degmada Kuunya Barrow

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah, ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Degmada Kuunya Barrow.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaasoo muddo dheer dhibaato ku hayay Nabadgelyada iyo Xasilloonida Shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca,baadda Hantida Dadka Shacabka iyo falal Amni-darro oo uu ka geystay Deegaanno kala duwan, wuxuuna sidoo kale cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay Bulshada .

Sidoo kale, Cabdullaahi Wadaad ayaa ku lug lahaa dilal Ganacsato badan oo Dalkooda Maalgashanayay, iyo Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gudaha Dalka, sida uu Wasiirku xusay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Badda ee XJFS oo soo dhoweyn u sameeyay Wafdi ka socday Dowladda Turkiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Jamhuuriyadda Turkiga, oo ah Dal walaal ah, Mudane Durmuş Ünüvar.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga Mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid Dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta Xiriirka Iskaashi ee u dhexeeya labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta Kaabayaasha Dekadaha iyo tayeynta adeegyada Istiraatiijiga ah ee Gaadiidka Badda.

Inta uu Wafdigu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, waxay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wafdi Heerkiisu Sareeyo oo ka socda Dowladda Turkiga

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid Wadahadallo Muhiim ah oo lagu xoojinayo Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada Dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada joogtada ah ee ay la Garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ilaalinta Midnimada, Madaxbannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka, isagoo sidoo kale xusay Doorka muuqda ee Dowladda Turkigu ka qaato Taageeridda Dalka Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper Aktaş. Safirka Turkiye u Fadhiyo Dalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii Amba-qaado Wadatashiyada Joogtada ah iyo Iskaashiga ku aaddan waxyaabaha Mudnaanta u leh labada Dal, si loo sii xoojiyo Xiriirka Istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

    

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 D𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 D𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 D𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 X𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 D𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho(Wargeyska Dalk): -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta si rasmi ah u Dhagax-Dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo laga Hirgelin doono Dhisme Casri ah oo beddelaya Xaruntii Qadiimiga ahayd ee la dhisay Sanadkii 1980, ujeedkuna yahay in Dhismaha Cusub oo daboolo Baahiyaha iyo Waajibaadka Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu Horumarinayo Kaabeyaasha Dhaqaalaha Dalka, laguna xoojinayo Hay’adaha Dowliga ah, isaga oo tilmaamay in Dhisamahan uu Qeyb Weyn ka qaadanayo fududeynta Howlaha Shaqo ee Wasaaraddani ay u hayso Bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto Culayskii ka jiray Dhanka Xafiisyada iyo Rugaha Shaqada ee Wasaaradda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay Halbowlaha Dhaqaalaha iyo Horumarka Dalka, wuxuunna bogaadiyay Dadaalka Wasiirka Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Bahda Wasaaradda ee ku aaddan Casriyeynta iyo Dib-u-Habaynta Kaabeyaasha Dakhliga Dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Maanta aynu Dhagax-Dhigayno Xarun Dhexe oo Weyn oo Badqabkeeda iyo Tayadeeda la Hubiyey si Fiicaanna loo Qalabeeyay, Dhisamahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan Xafiisyo ay ku Howlgali doonaan dhammaan Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradda, waanna idiinku Hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka Tayeynta Adeegga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay Naqshad Casri ah oo ka Tarjumaysa Xafiisyada la Dhisi doono iyo sida loo Hubiyey Badqabka Degaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya Dhisamaha Xarunta Cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door Muhiim ah ka qaadata Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha Dalkeenna.

      

 

Xildhibaannada BJFS oo Ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo Maanta kulan yeeshay ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Dalka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, Hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Hindisahan ayaa muhiim u ah Sugidda Amniga Xogta iyo kaabeyaasha Isgaarsiinta Dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga Weerarrada dhanka Saybarka ah, Xoojinta wada Shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo sare u qaadista kalsoonida Nidaamyada Dijitaalka ah ee Dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka oo Kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa kulan la qaatay Guddiyada u Xilsaaran Dib-u-Eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa Guddiyadu ku wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyadoo sidoo kale la gudbiyay Shintiriska (jadwalka) Doodda soo-jeedimahaasi.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dardargelinayo Dib-u-Eegista Dastuurka KMG ah, si loo helo Dastuur dhammeystiran oo ku saleysan Wada-Tashi, isla-Xisaabtan iyo Matalaad Qaran.