Xildhibaananada Labada Aqal ee BJFS oo Maanta loo qeybiyey Shintiriska wax ka bedelka Dastuurka Cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan Wadajir ah ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, kaas oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka waxaa sidoo kale Goob Joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada aqal.

Kooramka kulanka oo ku furmay 180 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka Tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa Mudanayaasha Labada Aqal loo qeybiyey Warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, Xildhibaannada waxaa la siiyey Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo Jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyey Xildhibaannada labada Aqal in ay si taxaddar leh u akhriyaan soo jeedimaha iyo Warbixinta la socota, si looga doodo Kulamada soo socda.

                 

Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa Marinnadii Ganacsi, Goobo ay Colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Screenshot

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil; “ Israa’iil waxay u rogaysaa Marinnadii Ganacsi, Goobo ay Colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa barnaamij uu baahiyay Telefishinka Al Jazeera, wuxuu ku soo bandhigay Qorshaha ay Israa’iil ka leedahay Aqoonsiga ay siisay Somaliland oo uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah Qorshaha Guud ee Israa’iil ay ku doonayso Qalalaase laga abuuro Mirannada Ganacsiga ee Muhiimka u ah Ganacsiga iyo isku xirka.

“Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Dhul ka tirsan Soomaaliya oo ay u aqoonsatay Dowlad Madax-Bannaan, waa ku xadgudub halis ah oo ka dhan ah Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana jebin Cad oo ka baxsan Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah,Dhanka Juqraafi-Siyaasadeedka, Israa’iil waxay doonaysaa inay Gacanta ku dhigto Albaabka Koonfureed ee Badda Cas, gaar ahaan Marinka Bab al-Mandab, si ay u maamusho marin caalami ah oo Istiraatiiji ah, taas oo si buuxda uga hor imaaneysa Danaha Soomaaliya iyo Gobolka, waana arrin aan si adag u diiddanahay.”
Wasiir Ayuub, ayaa sidoo kale sheegay ; “ Aqoonsigan wuxuu yimid xilli ay Badda Cas iyo Qaaradda Afrika gGud ahaanba ka jiraan Xiisado iyo kacsanaan sii kordhaya.Marka lagu daro waxyaabihii hore u dhacay, Israa’iil hadda si cad ayay u muujisay inay tallaabo hore u qaaday. Tallaabadan waxay gudbinaysaa farriin ah in Israa’iil ay diyaar u tahay inay Taageerto Dhaqdhaqaaqyada Gooni-Goosadka ah ee u Adeegaya Danahaheeda, isla markaana ay suuragal tahay inay Gobolka ku lug yeelato dhinac Siyaasadeed ama mid Militari.Waxaan ku jirnaa Xaalad la iskudayayo in dib loo qaabeeyo Marinnada Ganacsiga ee Badda Cas, si ay ugu Adeegaan Danaha Israa’iil, taas beddelkeedana ay halis u noqdaan Amniga Dadka ku nool Gobolka iyo Dhaqaalahooda.”

Ugu Dambeyntii ,Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf wuxuu sheegay in xilligan lagu jiro Marxalad la wajahayo Qalalaase Caalami ah oo si qorsheysay loo abaabulay, kaasoo ujeeddadiisu tahay in Badda Cas laga beddelo halbowlaha Nolosha ee Ganacsiga iyo isku xirka Dunidda, lagana dhigo Goob Colaad iyo khilaaf uu ka taagan tahay.

Wasaaradda Waxbarashadda XJFS ayaa Muqdisho ku qabatay Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Siyaasadaha Macaahidda Shareecada Islaamka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Kulan Wada-Tashi ah oo ku saabsan Siyaasadaha Macaahidda Shareecada Islaamka iyo Dugsiyada Qur’aanka, iyo Qaab-Dhismeedka saabka Manhajka Macaahidda Shareecada.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin iyo Aqoonyahanno ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-Goboleedyada, Culimada Macaahidda, Dalladaha iyo macallimiinta Qur’aanka.

Waxaa si Qoto dheer looga dooday Nidaaminta Waxbarashada Macaahidda iyo Dugsiyada Qur’aanka, mideynta Waqtiyada Ardayda wax la Baro, iyo dejinta Manhaj Qaran oo mideysan.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Dr. Abubakar Khaliif Maxamed, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Macaahidda Shareecada iyo Dugsiyada Qur’aanka, halkaa Mudane Daa’uud Makaraan Agaasimaha Manaahijta uu kalimad kooban ka jeediyay.

Gabagabadii, kulanka waxaa si rasmi ah u soo xiray Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah. Kulankan oo socday laba Maalmood wuxuu qeyb ka yahay Dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan Nidaaminta iyo Tayeynta Waxbarashada Macaahidda Shareecada iyo Dugsiyada Qur’aanka.

              

Xubin ka Tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Dowladda Gobolleedka Galmudug

Muqdisho(Wargeyska Dowladda ):-Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa Maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Gobolleed Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo Maalmahaan Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka waday aagga Deegaanada Labadulle iyo Ceelahelay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ahaa Horjoogihii Maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadda ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo wata Qori iyo Boosh.

Horjooge Cabdiraxmaan ayaa Saraakiisha Ciidamada uu isku soo dhiibay u sheegay in Maleeshiyaadka Khawaarijta ay hadda ku jiraan Xaalad kala firxad ah, maadaama ay ku jabeen Howlgallada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay ka wadaan Dalka oo weerarro culus ay uga socdaan cirka iyo Dhulka.

 

Wasiirka Maaliyadda ee XJFS oo Shir-guddoomiyey Kulanka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Maanta Shir-Guddoomiyay kulanka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir iyada oo Shirku ahaa hab Fogaan Arag ah.

Shirkaan waxaa dib loogu eegay Arrimo Muhiim ah oo ku saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhaqan galinta Qorshaha Dakhliga mideysan iyo hirgelinta Hannnaanka Dhijitaalka ee Maamulka Maaliyadda ee loo soo gaabiyo (SFMIS).

Qodobada harsan ee Muhiimka u ah Hannaanka Guud ee Maaliyadda Dalka ayaa la isku raacay in looga doodo Shirka xigga ee Madasha oo la qorshaynayo in la qabto bartamaha Bisha dambe ee February 2026.

   

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo qabatay Kulan looga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyadda Wasaaraddau u qabato Dadweynaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay Kulan looga hadlayey Xaqiijinta Adeeg Hufan oo loo qabto Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Hiigsiga fog ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo Kulanka Shir Gudoomiyey ayaa waxaa  ku weheliyey Wasiir ku-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay dhammaan Agaasime-Waaxeedyada kala duwan Wasaaradda.

Muhiimadda Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xaqiijinta Adeeg hufan oo loo qabto Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Hiigsiga fog ee Wasaaradda,sida Xoojinta xiriirka Shaqo ee u dhexeeya Hoggaanka Sare iyo Agaasime-Waaxeedyada Kulanka, Wasiirku waxa uu warbixin dhammaystiran ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax Agaasimaha ayaa si Faahfaahsan u soo bandhigay Habsami u socodka Howlaha Maalinlaha ah ee Wasaaraddu qabato sida Qorshaha Casriyeynta iyo Dib-u-Dhiska lagu samaynayo Xarunta Wasaaradda iyo Istaraatiijiyadda fog ee Horumarinta Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dalka.

   

 

Hantidhowrayaal Soomaaliyeed oo shir uga qaybgalay Turkiga

Hantidhowrayaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga uga qaybgalaya barnaamijka daraasadka iyo horumarinta xirfadaha hantidhowrka, kaas oo ah iskaashi u dhexeeyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga. Barnaamijkan ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Barnaamijka waxaa si rasmi ah u furay hoggaanka sare ee Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Labada dhinac ayaa ka hadlay muhiimada iskaashiga Hay’adaha Hantidhowrka Guud, wadaagga khibradaha, iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo xoojiyo tayada hantidhowrka.

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed, oo hadal ka jeediyay furitaanka barnaamijka, ayaa uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Turkiga taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leeyihiin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo carrabka ku adkeeyay in tababarkani uu si toos ah uga qayb qaadanayo tayeynta baarista iyo ilaalinta kheyraadka dadweynaha.

Wasiir Fiqi oo qaabilay madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Seán Clancy, oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milateri ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, sii joogtaynta taageerada kala duwan, iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka iyo AUSSOM.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire, Francesca Di Mauro, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dhinac.

   

Xukuumadda oo muddeysay gogosha wada-hadalka Qaran

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ka duuleysa talo-soojeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 19-kii bishaan ku dhawaaqday in 1-da Febraayo 2026 magaalada Muqdisho ay ka furmeyso gogol wada-hadal qaran oo u dhexeysa Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, waxaanna ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan dadaallada nabadda, ilaalinta madax-bannaanida iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dowladood, isaga oo xusay in Jabuuti ay qeyb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya gaar ahaan amniga la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.