Ra’iisul wasaaraha XFS oo caawa hoygiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ka qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda Soomaaliya soo-dhaweynta diirran, isaga oo tilmaamay sida ay dowladda Turkiga uga go’an tahay dardar-gelinta heshiisyada wadajirka ah iyo mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya kobaca dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Safiirka Dowlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Alper Aktaş ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, lagu guddoonsiiyey hadyad qiimo badan oo ay ku qoran yihiin Aayadaha qur’aanka Kariimka ah.

Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan waqtiyadii kala duwanaa ee dowladaha shisheeye ay soo fara-geliyeen midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya.

        

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Arrimaha islaamka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo dhowaan safar shaqo ku gaaray Dalka Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamk kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.

Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada wasiir ee Dalalka Soomaaliaya iyo Sacuudi Carabiya ayaa socon doono muddo seddex sano ah 2026 – 2028, waxeyna labada dhinac iska kaashan doonaan xoojinta iyo dardar gelinta Arrimaha Islaamka,
Gaar ahaan, horumarinta arrimaha Awqaafta, tababaradda imaamyada iyo khadiibyada Masaajida oo la siinayo koorsooyin karaan dhis ah oo lagu baranayo sida looga hortago afkaaraha xagjirmimada, ka qeyb galka madallada aqoon isweydaarsiga islaamka, shirarka caalamiga iyo tartamada xifdinta Quraanka kariimka.

     

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay agaasimaha siyaasadda iyo iskaashiga istiraatiijiga ee Hay’adda ECHO

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Siyaasadda iyo Iskaashiga Istiraatiijiga ee Hay’adda ECH, Marwo Hanna Jans, oo booqasho rasmi ah ku timid Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray mudnaanta iyo istiraatiijiyadda Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta abaarta, baahiyaha bani’aadannimo, iyo xoojinta ka-jawaabista masiibooyinka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay Hindisaha Dib-u-habeynta Gargaarka Caalamiga ah (Global Humanitarian Reset) iyo sida SoDMA ay uga qayb qaadan karto xoojinta jawaabta bani’aadannimo ee dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa bogaadiyay dadaallada ECHO Somalia, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta iyo ka-jawaabista degdegga ah ee masiibooyinka, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka wasiirada maaliyadda Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

         

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeysa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda, iyo sidoo kale taageeridda qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga dowlad-dhiska, nabadda, iyo horumarka Soomaaliya.

    

Soomaaliya iyo Turkiga oo dabaaldagay 60 guuradii kasoo wareegtay aasaaski xiriirka diblomaasiyadeed

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ankara Danjire Fatxudiin Cali (Ospite) ayaa ka qeyb galay xaflad ay soo abaabushay safaarada JFS ee Wadanka Turkiga, taas oo lagu xusay 60-guuradii ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga ay ku kala saxiixdeen heshiiska xiriirka diblomaasiyadeed.

Xafladdan ayaa ahayd mid muujinaysa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga joogtada ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxaana ka soo qeyb galay xildhibaano, saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, iyo sidoo kale masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee Ankara.

Munaasabadda ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaalnimo, iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

   

Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo ah Guddoomiyaha madasha, ayaa shir-guddoomiyey kulankan heerkiisu sarreeyo ee Muqdisho ka furmay, isagoo si diirran u soo dhoweeyey wafuudda ka kala timid dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamka.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo furay shirka ayaa soo bandhigay aragti fog oo ku aaddan isbeddelka gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in xuduudaha nugul loo beddelo aagag dhaqaale oo firfircoon.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga xuduudaha ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xaqiijin karo nabadda iyo barwaaqada shucuubta iyo dowladaha Geeska Afrika.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Suudaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowladaha gobolka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo sare oo ka socda saaxiibada horumarinta caalamiga ah, sida Midowga Yurub (EU), Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo UK.

Shirka ayaa bilowgiisa maanta diiradda lagu saaray Tamarta iyo Kaabayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa yaraanta korontada ee gobolka.

Madasha ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeeyey xogta ay soo bandhigeen Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub, taas oo muujisay in ku dhowaad kala bar dadweynaha Geeska Afrika aysan haysan koronto ku filan, iyadoo si weyn looga dooday hirgelinta isku-xirka tamarta gobolka, si hoos loogu dhigo qiimaha korontada, gaar ahaan Soomaaliya oo qiimaha tamartu uu aad u sarreeyo.

Wasiirrada ayaa dib u eegis ku sameeyey qorshaha dhismaha khadka korontada ee isku xiraya Itoobiya iyo Soomaaliya (500kV), mashruucaas oo la filayo in guddiga fulinta uu ansixiyo bisha Maarso 2026.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo goobta ka hadlay ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu sii ahaan doono xuddunta tamarta gobolka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan tamarta la cusboonaysiin karo dalalka deriska ah.

Jawiga shirka ayaa ahaa mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa bogaadin weyn ka helay Madasha, kadib markii uu khudbaddiisa ku jeediyey afka Soomaaliga, isagoo ammaanay soo dhoweynta qiimaha leh ee Muqdisho iyo horumarka ay caasimaddu ku tallaabsatay.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu xoojinayo ballanqaadyada ku aaddan isku-xirka ganacsiga xuduudaha, mideynta siyaasadaha tamarta, iyo horumarinta aagagga dhaqaalaha.

Intii uu shirku socday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo biiri doono shirka, sida khudbad uu uga jeediyo, una soo xiro.

 

            

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Heerkiisu sareeyo oo ka socda Midowga Yurub

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Heer sare oo ka socda Midoowga Yurub, oo uu Hoggaaminayay General Seán Clancy Guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midoowga Yurub (CEUMC), ayna ka mid ahaayeen Safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS) Jonas Jonsson .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Wada-Shaqaynta Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan Amniga iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaarijta ah iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wafdiga la-wadaagay dadaallada Dowladda ee Dib-u-Xoraynta Deegaannada ay ku suganyihiin kooxaha Khawaarijta ah iyo xaqiijinta Amniga guud ee Dalka oo maraya meel aad u sareysa taasi oo ku timid Wada-Shaqaynta Hey’adaha Amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay dardargalinta Howlaha Dimuqraaddiyadda iyo in Dadweynaha Soomaaliyeed loo celiyo Awoodda si ay u doortaan Madaxdooda.

Wafdiga ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’antahay Taageerada Hey’addaha Amniga, Tababbarka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo Geeddi-Socodka Dowlad-Dhiska, gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda iyaga oo xusay in ay soo dhowaynayaan Gogosha ay fidisay Xukuumadda DanQaran, taas oo ay sheegeen in dhinacna uusan haysan wax cudurdaar ah oo uu Gogosha kaga maqnaado.

Mudane Xamsa, ayaa uga Mahadceliyay Midowga Yurub, sidii ay u garab istaageen Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ilaalinta, Madax-Bannaanida Dhuleed ee Dalka iyo Taageerada Arrimaha Gargaarka Bani’Aadantinimo.

         

Wasiirka Dekedaha ee XJFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Jamhuuriyadda Turkiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XJFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo Wasiir Ku-Kigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar oo 27-ka Bishaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Soo Dhaweyn keddib labada dhinac ayaa qaatay Kulan Ballaaran oo diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Labada Dal, gaar ahaan dhinacyada Badda, Iskaashiga Dhaqaalaha, kor u qaadista Kaabayaasha Dekadaha, Difaaca Amniga, Tamarta iyo Horumarinta Adeegyada Istaraatiijiga ah ee Badda.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa adkeeyay Muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo Ballaarinta xiriirka Istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, iyada oo uu muujiyay sida ay Muhiim u tahay Derdirgelinta iyo Hirgelinta Mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah Labada Dal.

Wasiir Ku-Xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş ayaa dhankiisa ka Mahadnaqay soo dhawayanta diiran ee loo sameeyey, isagoo xoojiyey Muhiimadda ay leedahay Horumarinta Iskaashi Qotada-dheer ee u dhexaya Labada Dal iyo dardar gelinta Heshiisyada Horseedaya Koboca Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

         

Wasiirka Ganacsiga XJFS oo Kulan la qaatay Dhiggiisa Dalka Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo Booqasho ku jooga Dalka Qatar ayaa Kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani.

Intii uu kulanku socday, Labada Wasiir waxay dib u eegis ku sameeyeen Heerka Xiriirka Ganacsi, Maalgashi iyo Warshadeed ee u dhexeeya Labada Dal, iyagoo isla gartay Baahida loo qabo in la sii xoojiyo Iskaashigaas loona Horumariyo Fursadaha Wadajirka ah.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallo Ballaaran oo lagu Hormarinayo Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi ee u Dhexeeya Labada Dowladdooda ee Soomaaliya iyo Qatar.