Guddiga Wasiirrada u xilsaaran wadahadallada oo maanta kulan la qaatay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda.

Kulankan oo qeyb ka ah la-tashiyada guddiga wasiirradu la leeyihiin qeybaha bulshada iyo saamilayda siyaasadda ayaa looga wadatashaday arrimaha saamaynta ku leh masiirka dalka ee Difaaca midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo gobonnimada Jamhuriyadda, La-dagaalanka iyo ciribtirka Khawaarijta, Dhamaystirka dastuurka, Doorashooyinka iyo xaaladda abaaraha dalka ka jira.

          

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi kaas oo ku kacaya $102 milyan loogu talo-galay horumarinta arrimaha bulshada ee dalka oo dhan.

Wasiirka Maaliyadda xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo faahfaain ka bixiyey heshiiskan ayaa sheegay in lacagtan wax looga qaban doono kaabayaasha waxbarashada,iyadoo kor loogu qaadayo agabka,tayada iyo kordhinta goobaha waxbarashada.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay in lacagtan qayb ka mid ah oo ah $30 million ay tahay kab dhaqaale oo lagu kabayo miisaaniyadda qaranka,

Sidoo kale wasiir Biixi ayaa sheegay in wax looga qaban doono dhinacyada xasilinta sida goobaha khawaarijta laga xoreeyey oo la gaarsiin doono adeegyada Dowladda,

Wasiiru dowlaha Dekedaha oo dekedda Muqdisho ku soo dhoweeyey Wafdi ka socda Midowga Yurub

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir, ayaa maanta Dekedda Weyn ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Midowga Yurub, oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, waxaana looga wada hadlay horumarinta dekaddaha, kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda qorshaha dowladda ee horumarinta iyo ballaarinta Dekedda Muqdisho, iyo sidoo kale badqabka iyo nabadgelyada badda.

Sidoo kale waxa ay kormeer ku tageen wafdigaan qeybaha Dekadda Caasimadda, iyagoo u kuurgalay howlaha baaxada leh ee ka socda Dekadda.

           

Taariikh nololeedka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

TAARIIKH NOLOLEED.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan hoggaaminta ciidanka.

Magaca: S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud
Jagada: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD)
Waayo-aragnimo: In ka badan 18 sano (tan iyo 2009)

Hay’ad: Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

SOO KOOBID XIRFADEED

S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna takhasusay hoggaaminta ciidamada, qorshaynta istaraatiijiyadda, la-dagaallanka argagixisada, iyo maamulka difaaca,Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo dhinacyada taliska, tababarka iyo iskuduwidda howlgalada amniga heer qaran iyo heer caalami ah.

WAXBARASHADA CIIDAN

• Koorso Sarkaal Ciidanka Lugta (Combat Infantry Officer Course) – Soomaaliya (2006–2007)

• Koorso Taliye Horin (Company Commander Course) (2010–2011)

• Koorso Taliye Urur (Battalion Commander Course) – Soomaaliya (2015–2016)

• Kulliyadda Saraakiisha (Staff College) – Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020)

• Master Ciidan – Cilmiga Amniga (Military Master in Security Sciences) Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020).

WAXBARASHADA RASMIGA AH

• Shahaado Sare (Master Degree)  Cilmiga Siyaasadda & Xiriirka Caalamiga ah Jaamacadda Sabahattin Zaim, Turkiga

• Shahaado Jaamacadeed (Bachelor Degree) Maamulka Dadweynaha,
Jaamacadda Muqdisho, Soomaaliya.

XILALKII UU SOO QABTAY

• Taliyaha Taliska Taakulaynta (Sustainment Command), CXDS (2024–2026)

• Madaxa Shaqaalaha Qaybta Qorshaynta, Ciidanka Bariga Afrika (EASF), Nairobi (2022–2024)

• Madaxa Kabinetka Xafiiska Taliyaha CXD (2021–2022)

• Madaxa Maaliyadda & Maamulka (Chief J8), Taliska Guud (2019–2021)

• Ku-xigeenka Madaxa Hoggaanka Ciidanka (Deputy J1), Taliska Guud (2018–2019)

• Sarkaal Qorshaynta & Isku-dubaridka Amniga, Madxtooyada (2017–2018)

• Taliye Urur & Layli-saraakiisha, ku-simaha Taliyaha Kulliyadda (2015–2017).

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka hadlay ansixinta Golaha Wasiirada ee Xeerka nidaaminaya gaadiidka badda

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyey ansixinta Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda,kaas oo ah isbeddel muhiim ah oo wax ka qabanaya caqabado muddo dheer ka jiray nidaamka badda ee dalka.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu dhisayaa hannaan sharci oo mideysan oo lagu diiwaangeliyo maraakiibta Calanka Soomaaliya, wuxuu adkeynayaa badbaadada, kormeerka iyo ilaalinta sumcadda calanka, isla markaana wuxuu xaqiijinayaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee badda.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in tani tahay tusaale cad oo muujinaya go’aanka Xukuumadda ee ku aaddan xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya iyada oo loo marayo dib-u-habeyn iyo dhisid hay’adeed oo hufan.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, ayaa  ku bogaadinayay madaxda Sare ee Dalka dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu hormarinayo Dowlad-wanaagga, kalsoonida caalamiga ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 Ciidanka 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Golaha ayaa kulankoodii maanta oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre uga hadlay amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaarayaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Khawaarijta looga dilay in ka badan 550 horjooge, kuwaas oo 80 ka mid ah ay yihiin ajaanib.

Shirka Golaha ayaa dhanka kale lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Axdiga Dhisidda Hey’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgalay shir la xiriira Suuqa Shaqada oo ka socda Sacudi Carabia

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Xildhibaan Prof. Saalim Caliyow Ibroow iyo xubno kale pp la socday ayaa ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada (Global Labor Market Conference), kaas oo ka socda Boqortooyada Dalka Sacuudi Carabiya.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 40 wasiir oo ka kala socday dalalka caalamka,waxaa diiradda lagu saaray mustaqbalka shaqada, isbeddellada casriga ah ee suuqyada shaqada iyo sidii loo dejin lahaa istiraatiijiyado iyo habraacyo shaqo oo waara, kuwaas oo lagula jaanqaadayo horumarka teknoolojiyadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa shirka ku soo bandhigay xaaladda guud ee suuqa shaqada Soomaaliya, isagoo iftiimiyey caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed.

Wasiir Saalim Caliyow waxa uu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur ah oo lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana lagu horumarinayo xirfadaha ay u baahan yihiin suuqyada shaqada ee casriga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta suuqa shaqada, abuurista fursado shaqo oo waara, iyo kor u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Shir ku saabsan ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha oo Muqdisho ka furmay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Wadatashiga Qaran, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha ka jira dalka.

Shirkaan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee ururrada ay hoggaamiyaan haweenka iyo kuwa u dooda xuquuqda haweenka, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin qorsheynta, gaarsiinta iyo hirgelinta gurmadka bani’aadannimo.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa xusay in ka qaybgalka firfircoon ee haweenku uu yahay tiir muhiim u ah gurmad waara, loo siman yahay, kana jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday hay’adaha gargaarka bixiya iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

 

Madaxa Hay’adda SODMA iyo Safiirka Masar ee Soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Salaax Xasan

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, kahortagga masiibooyinka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha.

Safiirka Masar Danjire Maxmed Salaax Xasan ayaa sheegay in dowladda Masar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha, fatahaadaha, iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaaa ka wada hadlay barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha SODMA, kuwaas oo ay ka mid yihiin in khubaro Masaari ah ay tababaro u fidiyaan shaqaalaha hay’adda, si loo xoojiyo aqoonta la xiriirta saadaasha hawada, qiimeynta khataraha, iyo maareynta masiibooyinka.

Guddoomiyaha SODMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaata xasilloonida iyo horumarka dalka

Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo ay khawaarijta ku lahaayeen Sh/Dhexe

Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 4’aad ayaa howlgal qorsheysan oo ay saaka ka fuliyeen deegaanka Alanleey ee gobolka Shabeellada Dhexe ku burburiyay difaacyadii maleeshiyada khawarijta ee halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

‎Ciidamada ayaa cagta mariyay fariisimihii ay ku sugnaayeen firxadka kooxo khawarij ah oo ka haray jabkii horay loogu gaarsiiyay nabad-diidka ee deegaanka Jabad-Godane.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday deegaanno lagu tuhunsanaa  in ay ku dhuumaaysanaayeen maleeshiyaadka khawaarita,kuwaas oo halkaasi lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in howlgallada sifeynta ay weli socdaan, lana baadi-goobayo firxad kasta oo isku dayaya inuu baxsado. Waxayna sidoo kale sheegeen in ciidamada ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee deegaannada Shabeellada Dhexe.

‎Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah ololaha joogtada ah ee lagu ciribtirayo maleeshiyada khawarijta ,si shacabka ay u helaan nabad iyo xasillooni buuxda.