Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka. Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

     

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ujeeddada wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Shirka Isku-xirka Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha, mideynta aragtida istiraatiijiyadeed ee qaranka, iyo is-waafajinta mashaariicda la xiriira tamarta iyo biyaha.

Wafdiga ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Shirkan oo dhawaan Dhuusamareeb ka furmaya, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta iyo tayeynta adeegyada tamarta iyo biyaha ee dalka, iyadoo la isla meel dhigi doono hannaan wada-shaqeyn oo ku dhisan xog-wadaag, isla-xisaabtan iyo isku-duwid mashaariic, si loo xaqiijiyo adeegyo waara, la isku hallayn karo, isla markaana si caddaalad ah u gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

          

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi By Kulane Last updated: January 30, 2026 1 Min Read Share Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 12-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi Baarista ee Ordugan. Xafladdaan oo sidoo kale ay ka weybgaleen Safiirka Turkiye ee Soomaaliya iyo kuwo kale waxaa ka hadlay Wasiirada Waxbarashada,Dekedaha iyo Dastuurka,kuwaas oo ka warbixiyay ahmiyadda uu cisbitaalkaasi u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaatay badbaadinta shacabka. Sidoo kale xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay xildhibaan Prof Dufle iyo kuwo kale,iyagoo soo hadal qaaday taageerada Dowladda Turkiga iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa xafladdaasi hadallo warbixin ah oo la xiriira aasaaska cisbitaalka Erdogan iyo howlaha kala duwan ee uu qabto hallkaasi ka soo jeediyay Agaasimaha Cisbitaalkaasi Maxamed Xuseen Ashraf.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 12-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi Baarista ee Ordugan.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka weybgaleen Safiirka Turkiye ee Soomaaliya iyo kuwo kale waxaa ka hadlay Wasiirada Waxbarashada,Dekedaha iyo Dastuurka,kuwaas oo ka warbixiyay ahmiyadda uu cisbitaalkaasi u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaatay badbaadinta shacabka.

Sidoo kale xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay xildhibaan Prof Dufle iyo kuwo kale,iyagoo soo hadal qaaday taageerada Dowladda Turkiga iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xafladdaasi hadallo warbixin ah oo la xiriira aasaaska cisbitaalka Erdogan iyo howlaha kala duwan ee uu qabto hallkaasi ka soo jeediyay Agaasimaha Cisbitaalkaasi Maxamed Xuseen Ashraf.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa safar shaqo ku tagay magaalada London ee dalka Ingriiska.

Wafdiga ayaa garoonka diyaaraha Heathrow Airport waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, Wariyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Al Cadaala ayaa London u tagay in uu halkaas kaga qeybgalo shirar muhiim ah maalmaha soo aadan.

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi, caasimadda Jamhuuriyadda Hindiya, si uu uga qeyb galo Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya (Indian Arab Meeting of Foreign Ministers). Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkaasi wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, ballaarinta iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta iskaashiga Koonfur-Koonfur (South-South Cooperation).

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee India Gandhi kusoo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Odowaa, masuuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, iyo Dr. Suresh Kumar, oo matalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

      

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo la-dagaalanka tahriibka kaas oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Dhuxulow,Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi (Kanif).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali iyo Taliyihii Hore ee Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) G/Sare Muxudiin Axmed.

Shirkan oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Dowladaha Talyaaniga iyo Masar, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo tahriibka, iyo ka ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha dembiyeed ee abaabulan, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dalalka ay saameynta ku yeelato tahriibinta.

      

Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo amni oo lagu sifeynayay maleeshiyaadka argagixisada ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaanka.

Ciidamada Qaranka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyaadka argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasillooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

#Dhammaad

Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo Munaasabad Casho Sharaf ah u qabtay Danjireyaasha

New York:-Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta Qaramada midoobay ee Newyork.

Danjiraha DFS u fadhiya QM Amb.Abuukar Daahir Cusman (Baalle) oo erayo kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa waxaa uu tilmaamay sida ay sharaf ugu tahay Soomaaliya in ay mar kale hoggaamiso Golaha Amaanka 54 sano kadib, taas oo astaan u ah soo kabashada iyo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Amaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta Sharciga iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah xilli ay sii kordhayaan xasaradaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.

Danjire Abuukar Baalle waxa uu dhinaca kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ku suntan han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, iyaga oo xadgudubka iyo marin-habaabinta uga jawaaba midnimo, kalsooni iyo waxqabad dheeri ah.

Munaasibadda oo lagu soo xirayay mudaddii bisha ahayd ee Somalia ay hoggaamineysey Gollaha Amaanka ee QM ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Hobalo Soomaaliyeed oo goobta ku soo bandhigay heeso iyo ciyaaro kala duwan oo ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si aad ah u soo jiitay marti sharafkii ka soo qeyb galay munaasabadda.

               

Taliyaha Boliiska oo Guddoomiyey Shirka Hoggaanada Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hogaanada , Fadhiyada madaxa banaan , Qeybaha, Talisyada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo looga hadlay Amniga , xoojinta Howlgalada ka dhanka ah maandooriyaha, Tahriibta sharci darada ah iyo u diyaar garowga Bisha barakaysan ee Ramadan oo foodda inagu soo haysa.

Saraakiisha soo xaadirtay kulanka ayaa Warbixino la xiriira shaqada ay hayaan looga dhagaystay waxayna si faah faahsan sharaxaad uga bixiyeen howlaha loo idmaday ee hortabinta u leh shaqada maadama uu kulankan yahay mid si joogta ah isla xisaabtan Saraakiisha loogu sameeyo si loo helo hufnaan si howlkarnimo ku jirtana loogu adeego Bulshada .

Taliyaha ayaa Saraakiisha uga Mahadceliyey dedaalka shaqo iyo isku xirnaantooda oo hadda sabab u noqotay in laga talaabo dal dalooladii ku imaan jiray shaqada iyo habacsanaantii mararka qaybtood sababta u noqon jirtay hoos u dhaca Amniga , waxaana uu faray in markasta xoojiyaan midnimada iyo wada shaqeynta dhexdooda.

          

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladdaha degdegga ah

Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladda degdegga ah ee abaarah, kaas oo ay ka qayb qaateen hay’adaha dowladda iyo ururrada haweenka u dooda xuquuqda. Shirku wuxuu diiradda saaray saameynta abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka nugul, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ka-jawaabista bani’aadannimo ee ku saleysan xog, caddaalad, iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka ay dhibaatadu saameysay.

𝐃𝐫. 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in lagu heshiiyay Sedex qodob si Haweenku qeyb uga noqdaan Howlaha Gurmadka:

1. In dhammaan aragtiyadii ururrada haweenka la mideeyay si ay qeyb uga noqdaan qorshaha badbaadinta dadka ay abaartu saameysay.

2. In ururrada haweenka la mideeyo si ay u yeeshaan hal hoggaan oo ka qeyb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed.

3. In haweenka Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan meel dheer si loo hubiyo in gargaar loo fidiyo dadka nololshoodu halis ku jirto.