Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Munaasabad kagu taageerayay maamulka W/Bari kaga qeyb galay London

London:- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaale, oo maalmahan u joogay dalka UK hawlo shaqo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu taageerayay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, taas oo ka dhacday magaalada London.

Munaasabadda ayaa kagu muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK iyo masuuliyiin ka socday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee UK.

      

Guddiga Wada-Hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Waxaa Maanta Kulan Wadatashi iyo Xog-Wareysi ah isugu yimid Guddiyada Wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo Guddi Matalayey Qeybaha Bulshada.

Kulankan, ayaa ku yimid Codsi ay soo jeediyeen Guddi ka kala socdey Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.  Guddiga ka socdey Qeybaaha Bulshada ayaa siday  Fariimo iyo Aragtiyada ay ka qabaan Qabsoomida Gogoshada Wadahadallada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Intii uu socday Kulanka, waxaa la is-weydaarsaday Xogo iyo Warbixinno ku saabsan Heerka Diyaargarowga Gogosha Wadahadallada.

Ugu Dambeyn, Gudiyadda Diyaarinaya Shirka Wadahadaladda ayaa waxay u Mahadceliyay Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo qaatay Doorkooda, waxay ayna sidoo kale in ay qadarinayaan ayna qaadan doonaan talooyinkooda,waxay kaloo uga Mahadceliyeen Daneyntooda Masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan Geeddisocodka Wadahadallada Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka.

        

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxa ayna ka wada-hadleen Dardargelinta Iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo xoojinta Xiriirka Taariikhiga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso Doorkeeda Diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo Danaha Guud ee ay wadaagaan labada Dowladood, gaar ahaan Arimaha  muhiimka u ah sida Amniga iyo Dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta Xiriirka Saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo caddeeyey in ay sii xoojinayso Taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku Aaddan Amniga, Maalgashiga iyo Horumarka Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga Mahadceliyey Dowladda Shiinaha Taageerada Hagar-la’aanta ah iyo Garab-istaagga Midnimada, Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey Doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan Dib-u-Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Kaalmada Bini’aadanimo.

     

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hindiya iyo Dowladaha Carabta

New Delhi(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, Munaasabadda furitaanka Kulankii labaad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta, oo lagu qabtay Magaalada New Delhi.

Kulankan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo Dalalka Carabta, iyadoo diiradda la saaray Horumarinta Wada-shaqeyn, Wadahadal wax ku ool ah, iyo Iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya Xasilloonida iyo Barwaaqada Wadajirka ah.

Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay Diblomaasiyad Dhismeed oo heer Gobol ah, iyo dhisidda Iskaashiyo Miro-dhal ah oo wax ku ool u ah Danaha iyo Horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir kula qaatay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Jigjiga(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas Kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya Xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda Caqabadaha taagan iyo xoojinta Iskaashiga Dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta Dadaallada Diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta Midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic Horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh Dhaqaalaha iyo Adeegyada Gobolka.

     

 

Madaxweynaha JFS oo si Weyn loogu soo dhoweeyey Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Magaalada Jigjiga.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Jaamac iyo Mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar,Mas’uuliyiin oo kale oo ka tirsan Dowlad Deegaanka  iyo Dad weyne kale oo aad uu fara badan.

   

Kumuu ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og yahay Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay Sanadkii 1965-kii, isaga oo ku dhashay Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uuna Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku biiray Sanadkii 2009-kii, isaga oo Waqtigaas kaga biiray Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, isagoo ka mid noqday Madaxda Sare ee Kooxda Al-shabaab.

Sida la sheegay Horjooge Cabdullaahi Wadaad, waxa uu ka mid ahaa Raggii loogu doonista badnaa marka loo eego Shartiisa, kuwaasi oo ay Dowladda Soomaaliyeed aad u Baadi-Goobeysay. Sanadkii 2024-kii ayey Dowladdu ku dartay Liiska Horjoogaaasha Waa weyn ee Cunqabataynta la saaray, waxaana ay Dowladdu Xayiraad saartay Dhaq-Dhaqaaqiisa, waxaana uu soo qabtay Xilal kaa gedisan, isagoo noqday Sargaalka u Qaabilsan Khawaarijta isku xira Beelaha Dega Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah, ay Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Kuunya Barrow, kaasi oo lagu Khaarijiyay Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo Muddo Dheer dhibaato ku hayay Nabadgelyada iyo Xasilloonida Shacabka.

Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay Dhaca iyo Baadda Hantida Shacabka, Falal Amni-Darro oo uu ka geystay Deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay Bulshada, islamarkaana waxa uu ku lug lahaa Dilalka Ganacsato badan oo Dalkooda Maalgashanayay, iyo Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gudaha Dalka, sida uu Wasiirku sheegay.

Horjooge Cabdulaahi Cabdi Xassan (Wadaad) waxa uu ahaa Madaxa Maaliyadda Kooxda, waxaana la sheegaa in uu hadda ka mid ahaa 10 Xubnood ee ugu Sarreeya Kooxda. Horjoogaha Wadaad ayaa lagu Dilay Duqayn ka dhacday Kuunyo sida ay xaqiijinayaan ila Muhiim ah. Horjoogahan ayaa ka mid ahaa kuwa aadka iskaga ilaaliya Sawirada waxaana laga hayaa Sawir yar ee uu ka mid yahay midkaan kore. Warar la helay ayaa tilmaamaya in uu isticmaalo Magacyo Been Abuur ah, si uu Hormariyo Xirfadiisa ku saabsan Isqarinta.

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda.

Xafladda gebagabada waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, laba ka mid ah Ku-xigeennadiisa iyo Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda TİKA. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa matalayay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil.

Intii uu socday tababarku, waxaa sidoo kale dhacay kulamo doceedyo u dhexeeyay hoggaanka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, iyo Hay’adda TİKA, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wadaagga khibradaha, iyo ballaarinta wada-shaqeynta hay’adeed.

Dhanka kale, Hay’adda TİKA ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, halka Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud uu uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Dowladda Turkiga martigelinta iyo iskaashiga miro-dhalka ah.

Gebagabada barnaamijka, hantidhowrayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin, taas oo muujinaysa guusha iyo muhiimadda barnaamijkan horumarinta xirfadaha baarista maaliyadda.

        

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliy Muqdisho, Jimco, 30-ka January,2026

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika,kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ku qabsoomay qaab fogaan-arag ah, waxaana looga hadley Midnimada iyo Madaxbannaanida , Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada, Gurmadka Abaaraha iyo Doorashooyinka Qof iyo Codka.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-Xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub (EU), kuwaas oo u yimid xoojinta iskaashiga labada dhinac.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istraatiijiyadeed ee labada dal.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, u magacaabay Mudane Saalax Xiireey Kheyre.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE), isaga oo xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarshada.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Bani’aadannimo ee (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, OCHA iyo bah-wadaagta arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu gaareysay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.

12- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

13- Xukuumadda Federaalka ayaa ku dhowaaqday in 1-da Febraayo 2026 uu magaalada Muqdisho ka furmi doono wada-hadal qaran oo taariikhi ah,taasoo dhinacyada siyaasada kuwada xaajoon donaan.

14- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday lagu fududeynayo isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.

15- Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulan oo ay yeesheen ku ansixiyey Hindise-Sharciyeedka muhiimka ah ee Amniga Internetka (Cyber Security).

16- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamka kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.

17- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar.

18- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Qatar Mudane Sheikh Faisal bin Thani bin Faisal Al Thani,iyadoo kulanka diirrada uu sarnaa iskaashiga dhaqaalaha ,warshadaha iyo xirirka ganacsi ee labada dal.

19- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay faragelin uu sheegay inay dowladda Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya.

20- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo Siyaasadda Macaahidda , Qaab-dhismeedka Manhajka , ayeynta Waxbarashada Diiniga ah ee dalka.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqiayaa kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Ciidamada Midowga Yurub, Jeneraal, Seán Clancy, oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan heer sare ah oo miro-dhal ah magaalada Islamabad kula yeeshay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.

23- Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga jawaabtay hadallo ka soo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada Guddiga La-socodka Dastuurka (OC), kuwaas oo su’aal ka keenay hannaanka la-tashiga dadweynaha ee Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Turkiga.

25- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay qorshe ballaaran ka leedahay dib-u-soo-nooleynta iyo horumarinta qaybta dalxiiska dalka.

27- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Islamabad kulan muhiim ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Kaydinta Xogta Qaranka ee Pakistan (NADRA).

28- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

29- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan dhiirigelin ah kula yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

30- Wasiir-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya qaybaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka.

31- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale, ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

32- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal qorsheysan la fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ,ayaa dilay Timaweyne oo kooxda Khawaarijta u qabilsanaa dhibaateynya shacabka degaanka.

     

Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sarreeye Guuto Elio Manes ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka Taliyaha Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee howlgalka ee magaalada Muqdisho. Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Sarreeye Guuto Sofia Westermark, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa u dhacday si waafaqsan habraaca ciidamada, taas oo lagu xaqiijinayo in shaqada howlgalku ay si habsami leh u sii socoto. Isbeddelkan hoggaamineed ayaa muujinaya sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay taageeridda hay’adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo tababarro, la-talin istiraatiijiyadeed, iyo dhisidda awoodda ciidamada.

Taliye Manes oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu diiradda saari doono xoojinta barnaamijyada tababarka ee hadda socda iyo ballaarinta taageerada gaarka ah ee la siiyo saraakiisha Soomaaliyeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in yoolkiisu yahay sidii ciidamada Soomaaliyeed loogu tababari lahaa inay si madax-bannaan u qorsheeyaan, una fuliyaan hawlgallada amniga.

“Waxaa sharaf ii ah inaan la wareego taliska EUTM-S xilligan muhiimka ah,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Elio Manes. “Diiraddayadu waxay noqon doontaa inaan sii xoojinno iskaashiga aan la leenahay saaxiibada Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan inay hoggaamiyaan dadaalladooda amniga.”

Sida ku cad waajibaadka 9-aad ee howlgalka, EUTM Somalia waxay ka shaqeysaa dhisidda Ciidamo Soomaaliyeed oo la xisaabtami kara Dowladda Federaalka. Howlgalku wuxuu bixiyaa la-talin heer istiraatiijiyadeed oo ku wajahan hay’adaha amniga ee Muqdisho, iyo sidoo kale taageero farsamo oo dhanka tababarka ah. Qorshaha howlgalka waxaa sidoo kale ku jira in la ballaariyo shaqada oo la gaarsiiyo xarumaha gobollada, marka ay xaaladdu saamaxdo.