Gudddoonka BJFS oo soo saaray Go’aanno Rasmi ah oo la xiriira joojinta Fadhiyada Guud ee Wadajirka ah ee Labada Aqal

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray Go’aanno Rasmi ah oo la xiriira joojinta Fadhiyada Guud ee Wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale Fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib qalalaase ka dhacay Fadhigii Wadajirka ahaa ee Labada Aqal, kaas oo qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu Digniin kama dambeys ah u diray Xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen Qalalaasihii ka dhacday fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro Nidaamka, Anshaxa, iyo Xeer-Hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo Sharafta iyo Haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka XDS oo Howlgal nadiifin ah ka wada Dhulka Howdka ah ee Waqooyiga Degaanka Jabad-Godane

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo nadiifin ah ka fuliyay Dhulka Howdka ah ee Waqooyiga Deegaanka Jabad-Godane, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Intii uu socday Howlgalka, Ciidamada ayaa Gacanta ku dhigay Hub iyo Rasaas, kuwaas oo ay tuureen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo firxad ahaan uga cararay Goobihii lagu baacsanayay.

Taliyaha Ururka 171-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Mustaf Cali (Timaha-Weyne), ayaa sheegay in Ciidamadu ay weli Howlgallo ka wadaan Aaggaasi, isla markaana ay Dhulka Howdka ah ku arkayaan Maydad iyo Hub ay ka carareen Maleeshiyaad ay Khawaarijtu marin-habaabisay.

 

   

Qaabilaadihii Dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Toddobaadkii lasoo dhaafay qaabilay Wufuud iyo Diblumaasiyiin Sarsare oo ka socda qaar ka mid ah Dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya.

Kulamadan waxa ay qeyb ka yihiin xoojinta Difaaca Qaranimada kadib duulaankii qaawanaa ee Israa’iil kusoo qaadday Midnimada Dalkeena.

Qaabilaadda Diblumaasiyiinta ayaa ka tarjumaysa sii xoojinta Xiriirka Caalamiga ah iyada oo la-tixgalinayo Shuruucda iyo Qawaaniinta Dhaqanka Diplomaasiyadeed iyo Xeerarka u degsan Dunida ee Ilaalinta Qaranimadda Dalalka Madaxa Banaan, iyo in aan la farogalin Arrimahooda Gudaha.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo xiray Dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin Amni

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay Kicin Dadweyne iyo qalqal-gelin Amni.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in Eedeysanaha la horgeyn doono Maxkamadda Awoodda u leh si Sharciga loo waafajiyo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa xiray eedeysane Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss), kaas oo isagana loo haysto ku lug lahaanshaha Kicin Dadweyne iyo qalqal-gelin Amni.

 

 

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.

Howlgallada ka socda gobollada Dalka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyagoo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dadka masaakiinta ah dhibaateyn jiray.

       

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Boosaaso ee Gobolka W.Bari,taas oo heshay 4 dhibcood.

Tartankaan oo habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka,iyadoo sidoo kale laga  dhageysto Radio Muqdisho.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa waxa uu galay sanadkii lix iyo tobnaad ,iyadoo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Howlgalka Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deeegaano muhiim ah

Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka.

Khawaarijta ayaa howlgalkan looga saaray in ka badan 100-deegaan oo istiraatiiji ah muddo badan dadka  ay ku dhibaateyn jireen,kuwaas oo dhaca gobollada Shabeelooyinka.

Howlgalkan Seefta Aamusan oo uu hormuud ka yahay Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), Taliyaha qeybta 1-aad kumaandooska Gor Gor ayaa noqday mid lagu guuleystay oo u fulay sidii loo qorsheeyay, kuwaas oo nafta kagu dhaafiyay inta badan horjoogayaashii Khawaarijta ee gobolladaas.

Guulaha wax ku oolka ah ee ay Ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah qabashada deegaannada kala ah Jendershe, CeelSaliini, Jabad Ari Dhannaane, Mukeyga, Ceel Beenaad, Xiinka Besaani, Ceel Caliyow iyo deeganno kale oo badan oo ka tirsan labada Shabeelle.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa balan qaaday in Khawaarijta dib dambe u soo damaaci doonin deegaannada laga xoreeyay oo shacabka ka doogteen dhibtii ay ku hayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New Delhi kaga qeyb galay shir caalami ah

New Delhi:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Abdisalam Ali, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka xiritaanka Shirka Hindiya–Carabta oo socday muddo laba maalmood, kuna qabsoomay magaalada New Delhi, iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray ballaarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka kasoo qeyb galay shirka, iyadoo xoogga la saaray hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo helitaanka suuqyada, isla markaana lagu dardargelinayo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo natiijooyin la taaban karo, abuurista fursado shaqo, iyo dhismaha iskaashi waara oo muddo dheer ah.

     

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa daah-furay shirka, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqaynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo isku-dubbaridka qorshayaasha la xiriira horumarinta tamarta, maaraynta khayraadka biyaha dalka iyo ka hortagga khataraha abaaraha.

Shirkan, oo ah mid muhiim u ah horumarinta adeegyada aasaasiga ah, ayaa ujeedkiisu yahay in la helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, iyo adkeynta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Shirkan oo ah mid ahmiyad gaar ah siinaya abaaraha ka jira dalka, ayuu Wasiir Bidhaan xusay in si qoto dheer loo gorfeeyo, loogana doodo khataraha biyo la’aanta.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in inta shirku socdo si gaar ah xoogga loo saari doono arrimaha abaaraha, si xal waara loogu helo caqabadda biyo la’aanta ka jirta dalka.

Waxaa shirka ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kuwaas oo kala ah:

* Dowlad-Goboleedka Galmudug
* Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed
* Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari
* Dowlad-Goboleedka Jubbaland
.Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle

DEG DEG: Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Lasoco goordhow faahfaahinta khasaaraha.