Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay Shirweynaha 1-aad ee Guddiga Sare ee Difaaca

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 1aad ee Guddiga Sare ee Difaaca.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirro ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee hay’adaha amniga, iyo sidoo kale wakiillo ka socday safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera ajendaha qaran ee amniga iyo difaaca Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinaca amniga, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, isku-duwidda taageerada saaxiibada caalamka, iyo horumarinta mudnaanta wadajirka ah ee lagu xoojinayo amniga qaranka, xasilloonida, iyo adkeyta dowladnimada.

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo Wasaaraddu ka hirgelisay koronto bilaash ah oo ka mid ah Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS).

Wasiirka, oo ay weheliyeen Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa booqday dhismaha Wasaaradda Tamarta Galmudug, Isbitaalka Weyn ee Dhuusamareeb iyo dugsi ku yaalla magaalada. Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in korontadu si weyn u horumarisay adeegyada caafimaadka isla markaana ay ka maarmeen kharashkii korontada.

Wasiir Bidhaan ayaa adkeeyey muhiimadda ilaalinta nidaamyada tamarta qoraxda si adeeggu u noqdo mid waara, isagoo xusay in mashruuca ILAYS uu mudnaan siinayo xarumaha adeegyada bulshada, kana tarjumayo himilooyinka Madaxda Qaranka ee helitaanka koronto la awoodi karo iyo biyo waara.

 

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.

Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

Ugu dambeyn, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

DHAMMAAD

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la soo gebagebeeyay

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee heer federaal iyo Dowlad gobolleedyada oo si rasmi ah maanta loogu Soo gebagebeeyay Dhuusamareeb.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee u dhexeeya Heerarka Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.

Shirweynahan oo socday labadii maalmood ee 31 Janaayo iyo 1 Febraayo 2026, kana qabsoomay Dhuusamareeb, ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo abaaraha, loona horumariyo adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

* Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS)

* Mashruuca Jowhar, oo ka mid ah mashaariicda horumarinta biyaha

* Mashruuca Barwaaqo +, oo ah mashruuc ballaaran oo laga fuliyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuna saleysan deris-wanaag iyo iskaashi bulsho, isla markaana xoogga saaraya dhismaha biyo-xireenada.

* Barnaamijka Abaartire, oo ay si gaar ah u fulisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, (XFS) kaas oo ujeeddadiisu tahay in xal waara laga gaadho saameynta abaaraha, lana xaqiijiyo in Soomaaliya yeelato ilo biyo oo la isku halayn karo mustaqbalka.

Wasiirradda Wasaaradaha Tamarta ee Dowlad-Goboleedyada ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Wasaaradda Federaalka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta tamarta dalka iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha, Dhinaca kale waxay xuseen in mashaariicda si isku mid ah loogaga faa’iideeyo deegaannada dalka oo dhan.

* Dowlad-Goboleedka -Galmudug
* Dowlad-Goboleedka -Koonfur Galbeed
* Dowlad-Goboleedka -Hirshabeelle
* Dowlad-Goboleedka -Waqooyi-Bari
* Dowlad-Goboleedka -Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in Wasaaradda ayka go’an tahay ka shaqeynta sidii Soomaaliya u yeelan lahayd koronto iyo biyo la isku halayn karo, isago xusay in mashaariicda iyo ceelasha biyaha laga fulinayo dalka oo dhan si siman, aysanna ku xirnayn siyaasad gaar ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe qaran oo mideysan, loogana jawaabo caqabadaha abaaraha, loona xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah iyo tamar la awoodi karo, si loo gaaro horumar waara.
[19:09, 01/02/2026] Ali Sheikhal: Wasiirk Bidhan “Markii aan imid Wasaaradda, waxaan mudnaan gaar ah siiyay mashruuc kasta iyo shaqo kasta oo lagu hormarinayo Wasaaradda, anigoo ujeedkeygu yahay in shacabka Soomaaliyeed helaan koronto qiimo jaban iyo biyo nadiif ah, Taasi ayaana saldhig u noqotay guul kasta oo aan ka gaarnay shaqooyinkeenna.”

        

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Madaxda Ururka FESTUii

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Saalim Caliyow Ibrow iyo hoggaanka sare ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTUii, oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadahadalka bulshada ee saddex-geesoodka (Dowlad, Shaqaale iyo Shaqo-bixiye), dardargelinta fulinta siyaasadaha iyo shuruucda shaqada, iyo hirgelinta Barnaamijka Shaqo Hufan (Decent Work Programme) ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO).

Intii kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen kor u qaadista iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ururrada shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo horumarinta jawi shaqo oo ku dhisan cadaalad, badbaado iyo xasillooni, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo shaqooyin tayo leh.

Kulankan ayaa muujiyay go’aanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ku aaddan xoojinta wadahadalka bulshada iyo iskaashiga hay’adaha ay khusayso, si loo gaaro himilooyinka qaranka ee la xiriira shaqo-abuur, horumarinta xirfadaha, iyo xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha.

      

Hay’adda SoDMA oo qabatay shirka ka jawaabista deg degga ee Abaaraha

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir qaran oo diiradda lagu saaray ka-jawaabista degdegga ah ee abaaraha iyo xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo UN Women.

Shirkan waxaa xooga lugu saaray doorka haweenka ee hoggaaminta, qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha bani’aadannimo, iyadoo la hubinayo in baahiyaha haweenka, carruurta iyo dadka nugul lagu daro go’aamada gurmadka. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale la ansixiyay qorshayaal degdeg ah iyo hab-raacyo hawlgal (SOPs) oo quseeya dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, iyadoo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) hoggaaminaysay.

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo bah-wadaagta caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka shirkan loo rogi doono tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta abaaraha, laguna xoojinayo adkaysiga iyo badbaadada bulshooyinka Soomaaliyeed.

         

Wasaaradda Amniga Gudaha XF”DFS waxay Mas’uuliyad ka saaran tahay Amniga iyo Bedqabka Muwaadiniinta”

Dowladda Soomaaliya waxay mas’uuliyad ka saaran tahay Amniga iyo Bedqabta Muwaadiniinta,si loo fuliyo Xukuumadda Federaalka waxay hore u meel marisay Qaraaro caddeynaya Baratoolada iyo Habraacyada lagu sugayo Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo Guud ahaan Caasimadda, taas oo suurtagelisay Amniga iyo Nabadda lagu naaloonayo.

 Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka Wasaaradda amniga gudaha XFS:-

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan ee loo magacaabay Xilalka Guddoomiye Kuxigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:

1)-Prof. Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xaashi – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Tacliinta

2)-Marwo Deeqa Maxamed Qaalib – Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda

3)-Prof. Dr. Cabdullaahi Sheekh Rashiid – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Ardayda iyo Isku Xirka Bulshada

4)-Dr. Cali Cawil Axmed – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka

5)-Dr. Fuaad Mirre Xasan – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Qorsheynta iyo Horumarinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Masuuliyiintan faray in ay xilka Culus ee loo igmaday u gutaan si waafaqsan Shuruucda Dalka, iyaga oo muujinaya hufnaan, daacadnimo iyo karti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay masuuliyiinta Cusub Guul iyo Horumar Waara.

   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Kulan la qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Cabdulqaadir Cilmi ( Cabdul) ayaa Kulan la qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa looga arrinsaday adkeynta Xiriirka labada dhinac, ka Wada-Shaqeynta hortabinnada Qaran, Howlaha la xiriira dedaallada Wadajirka Bulshada ee xoojinta Difaaca iyo ilaalinta Midnimada Dalka Iyo sidoo kale in la iska kaashado xal u helidda Abaaraha ka jira qeybo badan oo Dalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo Madasha ka hadlay ayaa adkeeyey sida ay mar weliba Dowladda ugu Garab taaganyihiin Difaaca, ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Dalka iyo weliba u qareemidda Howlaha lagu badbaadinayo Dadka ay waxyeelleeyeen Abaaraha.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) ayaa bogaadiyay dedaalka Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo kaalinta Hormuudnimada leh ee ay ku leeyihiin Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xubno Sare oo Khawaarijta ka Tirsan Codsiyo u soo dirsadeen

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij Waaweyn ay si toos ah ula soo Xiriirayaan Dowladda, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah in ay isa soo dhiibaan, isla markaana Codsanaya in Cafis loo fidiyo.

Wasiirku wuxuu xusay in Arrintan ay timid kadib markii Kooxahaasi ay waayeen meel ay ku Nabad galaan, isla markaana cadaadis xooggan kala kulmeen Howlgallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamiga

Waxa uu intaa ku daray in Dowladda ay mar walba diyaar u tahay in ay soo dhaweyso cid kasta oo ka tanaasusho Fikirka Xagjirka ah, kana faa’iideysato Barnaamijyada dib-u-Dhaqan-Celinta iyo Cafiska si ay dib ugu biiraan Bulshada.