Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo yeeshay wadahadallo muhiim ah

Pretoria: Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika,

Mudane Ronald Lamola. Kulankaasi waxa uu diiradda saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya. Sidoo kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Kulanka sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

       

Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka

Baydhbo (Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo Wafdi uu hoggaaminayo kuwaas oo Maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimo la xiriira Geeddi-Socodka Doorashooyinka Dalka, Wadatashi ku Saabsan Hawlaha Doorashooyinka iyo qiimeynta Diyaar-Garowga Habsami u Socodka Howlaha la xiriira Geeddi-Socodka Dimuqraadiyadda Dalka.
Goor hore oo Maanta ah, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Baydhabo u gaaray si ay kulamo ula yeeshaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta Arimaha Doorashooyinka.
  

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday Heshiis is Afgarad Iskaashi dhanka Caafimaadka ah

Russia(Wargeyska Dalka):- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS, Mudane Dr. Cali Xaaji Adam, iyo Wasiir-Ku-Xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka Mudane Oleg Salagay, ayaa Magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo iskaashiga Caafimaad ee labada Dowladood.

Heshiiskan ayaa ka turjumaya xiriirka qotada dheer ee dhinaca Caafimaadka labada Dowladood, isaga oo diiradda saaraya Horumarinta nidaamka Daryeelka caafimaadka, tayaynta iyo tababaridda Shaqaalaha Caafimaadka, wadaagidda Khibradaha iyo Cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta Cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka, daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka, hirgelinta Tiknoolajiyada Dhijitaalka ah, Daawada Nukliyeerka, iyo Dhiirrigelinta Dalxiiska Caafimaadka.

Iskaashigan Cusub ayaa door Muhiim ah ka qaadanayaa Horumarinta tayada Adeegyada Caafimaadka iyo xoojinta Awoodda Hay’adaha Caafimaadka ee Dalka.

Wasiirrada labada Dal oo kulan gaar ah yeeshay, ayaa isla qaatay Muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca Caafimaadka, iyagoo adkeeyay in Heshiiskan is-Afgaradka ah loo dhaqan-geliyo si wax ku ool ah, loogana miro-dhaliyo natiijooyin muuqda oo u Adeegaya Danaha Wadajirka ah ee labada Dal.

      

Wasiirka Amniga Gudaha XJFS oo guddoomiyay Shir ay yeesheen Guddiga Heer Qaran ee la-dagaallanka Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Guddoomiyay Shir ay yeesheen Guddi Heer Qaran ah oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo ka shaqeynaya Arrimaha la-Dagaallanka Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo Tahriibinta iyo ka Ganacsiga Dadka, iyo xoojinta Iskaashiga Hay’adaha Dowladda ee ku Howlan Arrimahan.

    

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga XJFS & Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga

Mogadishu, (Wargeyska Dalka)— Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka waxaa lala wadaagay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidamada.

Kulankan waxa uu ku soo beegmay Munaasabadda wareejinta Agab, Gaadiid iyo dhammaysitirka Mashaariicda ay ka mid yihiin Dhismaha Xarunta Dhaxe ee War-Isgaarsiinta ee Villa Baydhabo iyo Dhismaha Isbitaalk Qaybta 27-aad ee CXDS ee Buulo Burde.

Kulanka waxaa Goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), Sareeye Gaas Maxamed Bariise, wakiillo ka socda Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

   

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray Waddo Casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Waddo Casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 2km, taas oo laga hirgeliyey Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-Xuubey, dhismaha Waddadan oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku Horumarinayso Kaabayaasha Muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho.
Waddadan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu horey u dhagax-dhigay 4-tii Nofeember 2025, waxaana lagu hirgeliyey Muddo 3 Bilood Gudahood, iyada oo loo dhisay si Casri ah, Tayo sare leh, taas oo muujineysa Isbeddelka dhanka Dhismaha Waddooyinka ee ka jira Caasimadda, si loo helo Dhismaha Kaabayaal Waara oo u Adeegaya Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Horumarka Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Caasimadda uu yahay tiir Muhiim u ah Kobaca Dhaqaalaha, fududeynta isku socodka, Qurxinta Bilicda Magaalada iyo xoojinta Amniga, isaga oo tilmaamay in Waddadan ay door weyn ka qaadan doonto Isbeddelka Muuqaalka Degmada Wadajir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 10 sano ka hor aan la filayn in Xaafaddan ay gaarto heerkan Horumarineed, balse dadaal Wadajir ah oo u dhexeeya Xukuumadda DanQaran, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka ay suuragelisay in Muqdisho ay Maanta ka mid noqoto Caasimadaha sida Xowliga ah u Kobcaya ee Caalamka, isaga oo uga Mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixinayaan Horumarinta Caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Deegaanka in ay ilaashadaan, Amniga, Bilicda, Quruxda Waddooyinka iyo Hantida Danta Guud, isla markaana ay ka shaqeeyaan in Magaca iyo Sumcadda Muqdisho aan dib loogu celin dhibkii ay soo martay. Isaga oo sidoo kale, kula dardaarmay in dhirayn iyo cagaarin lagu daro dhismaha Waddooyinka, si loo helo Magaalo Qurux badan.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto hirgelinta Mashaariic Waaweyn oo Horumarineed, kuwaas oo wax ka beddelaya Nolosha Shacabka, isla markaana xoojinaya kaalinta Muqdisho ee Caasimad Casri ah.
  

Wafdi Heer sare ah oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Baydhabo (Wargeyska Dalka) :-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-Bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane Xuseen Nuunow Cali ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Socdaalka Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa qayb ka ah Kormeer iyo Wadatashi ku saabsan Howlaha Doorashooyinka iyo Qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka Howlaha la xiriira Geeddi-Socodka Dimuqraadiyadda Dalka.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-Bannaan iyo Xuduudaha Qaranka iyo Wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) si ay uga wada hadlaan Dardargelint Howlaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

  

 

 

Wafdi ka socda Wasaaradda Warfaafinta oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Birmingham UK

Birmingham (Wargeyska Dalka): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Birmingham ee Caasimadda labaad ee Dalka UK ayaa Maanta si Weyn u soo dhaweeysay masuuliyiin uu Hoggaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo Safar Shaqo ku jooga Dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham ayaa isugu timid Munaasabad Weyn oo Wasiirka ay ku soo dhaweeyeen, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Warbixin ka siiyey Horumarka laga gaaray Geeddi Socodka Dowladnimada Soomaaliya, Guulihii ugu dambeeyey ee Difaaca Midnimada Dalka, Xoreynta Goobaha ay ku dhuumaaleystaan Kooxaha Khawaarijta ah, Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Dalka ka bilowday iyo Guulo kale oo Xukuumadda Danqaran ay xaqiijisay.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka UK ku bogaadiyey doorkooda in ay qaataan,wuxuu sidoo kale uu ku booriyey inay Garab istaagaan Halganka Difaaca Midnimada Dalka, si meel looga soo wadajeesto Xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Midnimada, Qaranimada iyo Wadajirka Dalkeena.

        

Wasiirka caafimaadka oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

Geneva: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam Abubakar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan, oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada, go’aamada, iyo siyaasadaha hannaanka caafimaadka dunida. Soomaaliya ayaa kamid ah 34-ta dowladood ee xubnaha ka ah Executive Board-ka WHO, taas oo muujinaysa kaalinta iyo codka ay Soomaaliya ku leedahay go’aannada heer caalami ee caafimaadka.

Ka qaybgalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dunida, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

    

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray kulanka Guddiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Kulanka Guddiga Difaaca,kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga iyo mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta Ciidanka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh,Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cali Balcad,La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf,sii hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyayaasha qeybaha ciidamada,Safiirada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururada caalamiga ah ee dalka jooga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Guddiga Difaacu uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhisme ciidan oo xirfad leh, isla markaana leh awood hawlgal iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qorsheysan ula wareegayso masuuliyadda buuxda ee amniga dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibbada caalamka si loo hirgeliyo Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni.