Doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon Cusub na dooratay

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qayb galay Munaasabada Xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XJFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xilka u kala Wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib Munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa bogaadiyay Doorkii iyo Hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu Xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen Guulo Muhiim ah oo la xiriira Dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday Kalsoonida Shacabka ee Ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha Cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada Dib-u-Dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya Difaaca Dalka, ilaalinta Midnimada Qaranka iyo ciribtirka Argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu Carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay Ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Xil-Wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka Dowladnimo, wuxuuna xusay in Wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu Horumarinayo Awoodda, Anshaxa iyo Qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii hore dadaalkii iyo Naf-Hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha Cusub u rajeeyay Guul, wuxuuna ballanqaaday Taageero buuxda oo dhinaca Wasaaradda ah si loo xaqiijiyo Amniga Dalka loogana guuleysto Cadowga Gudaha iyo kan Dibadda.

Munaasabadda Xil-Wareejinta, waxaa Goob Joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, Taliyayaasha Talisyada Ciidamada, Mas’uuliyiin, Danjirayaasha Dalalka Turkiga iyo Ergooyinka Beesha Caalamka, iyo Marti Sharaf kale.

                   

Dr Maryan Qaasin oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madax Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dr Maryan Qaasin Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Dr Maryan ayaa hore u soo noqotay Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

 

Doorashada Guddoonka iyo Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho ka socota

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Doorashada Guddoomiyaha,Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa hadda ka bilaabatay Magalaada Muqdisho.

Guddigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa Bishii May 2025 ku soo baxay Imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, iyadoo intaas kadib ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

           

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Tababar u furay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Booliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa si Rasmi ah u furay Tababar Heerkiisu Sarreeyo oo la siinayo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska .

Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ayaa qeyb ka ahaa Masuuliyiinta furitaanka Tababarka ka soo qeyb-galay ,waxaana Ciidanka fursadda u helay Tababarka la bari doonaa la Dagaallanka Argagixisada ee Casrigan la joogo Xeeladaha Dagaalka, iyo Habraacyada Howlgalka iyadoo si buuxda loo ilaalinayo Shuruucda Dalka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Booqasho Sharafeed ugu Tegay Madaxweynihii Hore ee Koonfur Afrika

Pretoria(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Booqasho Sharafeed ugu tagay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Thabo Mbeki.

Booqashada Wasiirka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga aragtiyo ku saabsan  Gobolka iyo Guud ahaan Qaaradda Afrika, iyo sidoo kale doorka Hoggaamineed ee Madaxweyne Thabo Mbeki ku leeyahay Nabadda, Dib-u-Heshiisiinta, iyo Horumarinta Qaaradda Afrika.

 

Wasiirka arrimaha gudaha oo qaabilay Agaasimaha Guud ee hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland

Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali ayaa la kulmay wafdi sare oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland (SDC), Ambassador Patricia Danzi.

Wafdiga Switzerland waxaa kale oo qeyb ka ahaa: Ambassador Philipp Stalder, oo ah Madaxa qeybta Afrika ee Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Mirko Giulietti, iyo madaxa iskaashiga caalamiga ah ee Geeska Afrika, Martina Durrer.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sida: Federaaleynta, Xasillinta, Dib-u-heshiisiinta, iyo howlaha horumarinta dowladaha hoose.

Dhanka kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ku aaddan sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo hortabinnada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarinta gaarsiinta adeegyada dadweynaha ee heer deegaan.

     

Dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo (7) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa Khawaarijta.

Hawlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii dambe ayaa daba socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Horjoogeyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa Saciid ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu soo afjaray nolosha ilaa shan Horjooge halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.

Markale, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi oo ka socda Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud ee Hay’adda , Danjire Patricia Danzi, kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama ay dalka ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah, gaar ahaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu yahay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimilada.

Dhankooda Wafdiga oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda, ayaa sii xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Switzerland iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah labada dal.