Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ka hadlay xaaladda abaaraha iyo qodobbo kale

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed , saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sidoo loo qaadi lahaa tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanaayo xaaladaha taagan.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey xeer nidaamiyaha sanduuqa qaranka ee maareynta kharashka iyo musiibooyinka ,kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah ,iyada oo ujeedka guud uu yahay isku tashiga bulshada iyo dowladda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka hey’addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.

𝟏- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐬-𝐚𝐟𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝟐𝟎𝟎𝟔).

𝟑- 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟎𝟕.

𝟒- 𝐀𝐱𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐛𝐛𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝟏𝟗𝟔𝟗.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka ba’an ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo iftiimisay halista naf iyo maalba leh ee ay la kulmaan dhallinyarada ku hamisa tahriibka, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi bani’aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka dalka.

   

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo u hambalyeeyay dhiggiisa cusub ee Dalka Kuwait

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka kulan kula yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait Mudane Sheekh Jarraah Jaaber Al-Axmad Al-Sabah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Wasiirka cusub ee Kuwait ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad celiyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay Dowladda Kuwait mar walba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta kulammada diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Danjiraha Soomaaliya ee Aljeria oo la kulmay Madaxda Aqalka Sare ee dalkaasi

Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya mudane Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda  Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaaka Dalka Aljeeriya.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalkaasi waxaa looga hadlay sameynta guddi saaxibtinimo oo qaabilsan golayaasha Aqalka sare ee baarlamaanada wadamada Qaarada Africa.

Kulanka Danjiraha iyo madaxda Aqalka sare ee Aljeriya waxaa si gaar ah looga hadlay suurtagalmida in labada dal ay yeeshaan guddi saaxibtinimo oo ka shaqeeya danaha golayaasha labada Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Aljeeriya.

kulanka waxaa mudadii uu socday hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Aljeeriya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Aljeeriya ahna u qaabilsanaha Arrimaha Africa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda faray inay shaqadooda ugu badan u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, halkaasi oo uu ugu kuur galay hawlaha gurmadka degdega ah ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeenada Hay’adda, kuwaasi oo soo bandhigay deegaanada ugu daran ee abaartu saamaysay, barakaca, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyaga oo tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isku beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha Maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo, deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo shacabka tabaalaysan.

           

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XJFS u magacaabay Mudane Maxamed Isaaq Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda JFS u magacaabay Marwo Xabiibo Cali Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Mudane Maxamed iyo Marwo Xabiibo kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Mas’uuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun iyo Xogahayaha Guddiga, Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf, kuwaasi oo kusoo baxay doorasho hufan oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aqoonta iyo waayo aragnimada hoggaanka la doortay ee guddigu ay door muhiim ah ka qaadan-doonto xaqiijinta riyada Soomaaliya ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isaga oo ku adkeeyay Mas’uuliyiinta iyo Xubaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka.

Doorashada Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyada oo Soomaaliya dhowaan ay si buuxda dib ugula soo wareegtay, hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, taasi oo Soomaaliya u saamaxaysa in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyay Mas’uuliyiinta la doortay ee Guddiga Madaxa-Banaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Muqdisho(SONNNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun iyo Xogahayaha Guddiga, Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf, kuwaasi oo kusoo baxay Doorasho hufan oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Aqoonta iyo waayo aragnimada Hoggaanka la doortay ee Guddigu ay door muhiim ah ka qaadan-doonto xaqiijinta Riyada Soomaaliya ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, isaga oo ku adkeeyay Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, xoojinta Cadaaladda iyo kor u qaadidda Isla Xisaabtanka.

Doorashada Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo Muhiim ah oo loo qaaday ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyada oo Soomaaliya dhowaan ay si buuxda dib ugula soo wareegtay, Hannaanka Madaxa-Bannaan ee Maareynta, Kormeerka iyo ka Warbixinta Arrimaha Xuquuqul insaanka, taasi oo Soomaaliya u saamaxaysa in ay si Madax Bannaan u fuliso Waajibaadkeeda Qaran iyo midka Caalamiga ah ee ku aaddan Dhowrista iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala Wareejiyey Taliyaha Cusub iyo Taliyihii Hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xilka u kala wareejiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Ra’iisul Wasaaraha oo Hambalyo u diray Taliyaha Cusub, ayaa xusay in looga baahan yahay Ciidan leh Hufnaan, Anshax iyo Dhaqan Wanaagsan, si ay Hormuud ugu noqdaan Bulshada, una gutaan Waajibaadkooda Qaran ee Difaaca Dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay Guulo waaweyn ka gaareen Dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta, iyaga oo ka xoreeyey Deegaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen, isla markaana Cadowga u diiday Jiif iyo Nasasho, waxa uuna intaas raaciyey in dhawaan si buuxda looga ciribtiri doono Dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Argagixisadu ay gabaad ka dhigteen Dhul ballaaran oo leh kheyraad kala duwan, si ay u curyaamiyaan Wax-Soo-Saarka Dalka, Gaar ahaan Deegaannada leh Wabiyada iyo Beeraha.

“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo Calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana Astaan Sharaf iyo Masuuliyad gaar ah leh. Haddii Cadowga laga xorayn Dalkeenna, Horumar lama gaarayo, Sidaas Darteed, Mudnaanta Koowaad waa xoreynta Deeggaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xuquuqda iyo Daryeelka Ciidamada ay kaalin muhiim ah kaga jiraan qorshaha Xukuumadda DanQaran, isaga oo tilmaamay in Miisaaniyadda Dowladda qaybta ugu Badan lagu bixiyo sugidda Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore shaqadii mugga lahayd ee uu soo qabtay Muddadii uu Xilka hayey, isaga oo Kula Dardaarmay Taliyaha Cusub in uu sii Ambaqaado dadaallada lagu Horumarinayo Ciidanka.

              

 

 

Doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon Cusub na dooratay

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo ka qayb galay Munaasabada Xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XJFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xilka u kala Wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib Munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa bogaadiyay Doorkii iyo Hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu Xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen Guulo Muhiim ah oo la xiriira Dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday Kalsoonida Shacabka ee Ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha Cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada Dib-u-Dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya Difaaca Dalka, ilaalinta Midnimada Qaranka iyo ciribtirka Argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu Carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay Ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Xil-Wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka Dowladnimo, wuxuuna xusay in Wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu Horumarinayo Awoodda, Anshaxa iyo Qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii hore dadaalkii iyo Naf-Hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha Cusub u rajeeyay Guul, wuxuuna ballanqaaday Taageero buuxda oo dhinaca Wasaaradda ah si loo xaqiijiyo Amniga Dalka loogana guuleysto Cadowga Gudaha iyo kan Dibadda.

Munaasabadda Xil-Wareejinta, waxaa Goob Joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, Taliyayaasha Talisyada Ciidamada, Mas’uuliyiin, Danjirayaasha Dalalka Turkiga iyo Ergooyinka Beesha Caalamka, iyo Marti Sharaf kale.