Wasiirka ganacsiga XFS oo kulan la qaatay safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi,

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kor u qaadista dhoofinta Soomaaliya, iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.

Kulanka ayaa sidoo kale ka tarjumayay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, oo kor u qaadaya horumarka dhaqaalaha dalka.

 

Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)

Horudhac: – Dalkeennu waxa uu wajahayaa xaalad “Abaar biyo-yaraaneed” (Hydrological Drought) oo aad u ba’an, taasoo ka dhalatay is-biirsadka roobabka Deyrta (Oktoobar–Diisambar 2025) iyo kuleylka xad-dhaafka ah ee xilliga Jilaalka. Iyada oo ay gureen ilaha biyaha ee dushiisa iyo kuwa dhulka hoostiisaba, abaartu waxay isu beddeshay masiibo bini’aadamnimo oo khatar weyn ku ah badbaadada dadka iyo duunyada.

Saameyntu waxay si toos ah u taabatay in ka badan 4.6 milyan oo qof, kuwaas oo hadda wajahaya biyo la’aan ba’an iyo cunto-yari heerkeedu sarreeyo, oo ah wajiga saddexaad ee macluusha (IPC Phase 3+). Waxaa si gaar ah u tabaalaysan qoysaska xoolo-dhaqatada ah oo lumiyay kumanaan neef oo xoolo ah, iyo ku dhowaad 1.85 milyan oo carruur ah oo wajahaya nafaqo-xumo daran, sida hayadaha gargaarka ay diiwangaliyeen.

Gun-dhigga Masiibada:

Raadkii Deyrta 2025.

Dhibaatada maanta taagan waxay salka ku haysaa fashilkii roobabka Deyrta ee billowday Oktoobar ilaa Diisambar 2025, xilligaas oo dalku helay roobab ka hooseeya 50% heerkii la filayay. Roob yaraantaas waxay burburisay silsiladdii wax-soo-saarka beeraha iyo daaqsinka, iyadoo dalka u horseedday inuu galo xilli-engegan isagoon haysan wax kayd biyo ah (Water reserves).

Natiijada fashilkaas ayaa keentay in billowgii Janaayo ay guraan ilaha biyaha ee dabiiciga ah, taas oo dhalisay abaarta ba’an ee maanta (Febraayo 2026) ragaadisay nolosha malaayiin qof. Sidaas darteed, masiibada hadda jirta ma ahan mid kedis ah, balse waa raadka tooska ah ee ka dhashay isbeddelka cimilada ee curyaamiyay xilli-roobaadkii ugu dambeeyay ee sannadkii hore.

Xogta rasmiga ah ee xaaladda hadda taagan waxay xaqiijinaysaa in abaartu gaartay heerkii ugu sarreeyay, iyadoo dalku galay xaalad biyo la’aan baahsan oo saameysay dhammaan kaabayaasha nolosha. Sida ay sheegtay Hay’adda SoDMA, qiyaastii 4.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa ku sugan xaalad tabaalaysan, kuwaas oo wajahaya cunto-yari ba’an ka dib markii ay fashilmeen wax-soo-saarkii beeraha iyo dhaqaalihii xoolaha oo ah 70% ilaha biyaha ee gobollada Koonfureed iyo Bartamaha ayaa gebi ahaanba gureen, taas oo qasabtay in qoysas badani ay u safraan masaafooyin fog si ay u helaan biyo aan nadiif ahayn, taas oo kordhisay halista cudurrada faafa.

Sida lagu xusay warbixintii ugu dambaysay ee UN OCHA Soomaaliya, biyo la’aanta ba’an iyo daaq-yaraanta waxay sababeen in ka badan 500,000 oo barakacayaal cusub ah, kuwaas oo u soo qaxay magaalooyinka waaweyn si ay u helaan nolol iyo gargaar. Maaddaama uu Jilaalku sii kululaanayo, qiimaha biyaha ee meelaha qaarkood ayaa sare u kacay boqolkiiba 200%, taas oo ka dhigtay in qoysaska danyarta ah aysan awoodin iibsashada biyaha, taas oo u baahan gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah oo ka kooban biyo-dhaamin iyo taageero caafimaad.

Daloolka u dhexeeya Xogta iyo Ficilka iyo Maareynta Cimilada Soomaaliya.

Abaarta hadda taagan ma ahan oo kaliya musiibo dabiici ah, balse waa natiijada isbeddelka cimilada ee dardar-geliyay xaaladaha ba’an (Extreme Weather Events). Cilladda ugu weyn ee jirta ma ahan xog-la’aan— maadaama digniinta hore (Early Warning) ay jirtay tan iyo fashilkii roobabka Deyrta, balse waa gaabiska ku yimid u beddelidda xogtaas ficil degdeg ah (Early Action). Isbeddelka cimilada ee Geeska Afrika wuxuu hadda u xuub-siibtay meerto aan la saadaalin karin, taas oo u baahan in nidaamka isgaarsiinta cimiladu uu noqdo mid firfircoon, isla markaana gaari kara dadka ugu nugul ka hor intaysan dhibaatadu dhicin.

Xogta cimilada ee laga soo saaro dayax-gacmeedyada waa in loo beddelo farriimo fudud oo ay fahmi karaan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, si ay u qaataan go’aanno ku dhisan badbaado. Haddii xogta lagu xiro maalgelin horudhac ah (Anticipatory Financing), waxaynu awood u yeelan lahayn inaan biyo-dhaaminta iyo taageerada caafimaad bilowno ka hor inta aysan ilaha biyuhu gurin. Sidaas darteed, xalka fog ee abaarta Soomaaliya kuma jiro gurmadka dambe, balse wuxuu ku jiraa isku-xirka xogta sayniska iyo isgaarsiin hufan oo hagta qorshayaasha badbaadada qaranka.

Saadaasha iyo Jidka loo maro Samata-bixinta.

Hababka cabirka saadasha ee ka soo baxay shirkii 72-aad ee  (GHACOF 72) ee ay qabatay hay’adda ICPAC-IGAD bishii Janaayo 2026, saadaasha cimilada ee muddada Maarso ilaa Maay 2026 waxay muujinaysaa rajo soo kabasho ah. Inkasta oo bisha Maarso la filayo inay sii jirto xaalad kuleyl daran oo ka sarreysa 38°C meelaha qaarkood, xogta ayaa muujinaysa 45% fursad ah in roobabka Gu’gu ay noqdaan kuwo ka sarreeya celceliska caadiga ah (Above Normal) gobollada waqooyiga Soomaaliya, halka inta kale ee dalka la saadaaliyay roobab caadi ah. In kasta oo rajadaas ay jirto, hay’adda UN OCHA Soomaaliya waxay ka digaysaa in 4.8 milyan oo qof ay wali u baahan yihiin gargaar degdeg ah, iyadoo dadka ku jira xaaladda macaluusha (IPC 4) ay sii kordhi karaan ilaa bisha shanaad ee May haddii aanan hadda la dhaqaaqin.

Si looga gaashaanto masiibadan, waxaa lama huraan ah in la raaco talooyinka farsamo ee soo socda.

❖ Xoojinta Digniinta Hore (Early Action): Sida ay ku talisay ICPAC, waa in xogta GHACOF loo beddelo ficil degdeg ah (Anticipatory Action) si looga faa’iideysto roobabka la filayo, iyadoo la ilaalinayo hantida iyo nolosha reer miyiga.

❖ Maalgashiga

Kaabayaasha: In laga guuro gargaarka ku-meel-gaarka ah loona guuro dhisidda kaabayaal adkeysi leh, iyadoo la raacayo Qorshaha Gurmadka 2026 ee u baahan $852 milyan.

Ugu dambayn: Gurmadka Maanta iyo Adkeysiga Berrito.

Abaarta hadda taagan waa imtixaan adag oo u baahan midnimo qaran iyo gurmad caalami ah oo degdeg ah. Sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shalay ku sheegay baaqiisa, “Waa inaan is-u-kaalmeeyno si aan walaalaheenna uga soo saarno harraadka iyo macaluusha,” isagoo ku adkeeyay in badbaadinta nolosha malaayiinka Soomaaliyeed ay tahay mudnaanta koowaad.

Si looga baxo meertada abaaraha, waa inaan ka guurnaa kaalmo-raadinta kumeel-gaarka ah una guurnaa maalgelinta kaabayaasha adkeysiga leh (Climate Resiliency).

Isku-xirka xogta sayniska iyo isgaarsiinta hufan waa in loo beddelaa qorshe qaran oo lagu dhisayo biyo-xireenno iyo ceelal waara, si mustaqbalka looga gaashaanto musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

“Dhibka hortaagan Soomaaliya ma ahan xog la’aan cimilada, balse waa farqiga u dhexeeya digniinta sayniska (Early Warning) iyo fulinta masuuliyadda (Early Action). Haddii xogta loo beddeli lahaa ficil xilliyeed, abaartu ma noqoteen masiibo”.

Abdirashid Nur.

Senior Journalist/Comunication and Climate Information.

Based Nairobi-Kenya.

Email:- [email protected]

Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiye oo ka qeybgalay olole nadaafadeed oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  iyo Safiirka Dalka Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa saaka hoggaamiyay olole nadafadeed oo laga sameeyay deegaanka xeebta Liido; iyadoo la mataaneynaayo Magaalooyinka Muqdisho iyo konya.

Ololahaan ayaa waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir , dhallinyaro mutadawaciin ah oo isu xilsaaray nadaafadda caasimadda iyo dadweyne kale.

Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay ololahaasi ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay tallaabadaan u leedahay bilicda  caasimadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in cid kasta ay ka qeybqaadato nadaafadda deegaanka,gaar ahaan goobaha ay ku nool yihiin ama laga fuliyo adeegyada bulshada.

  

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee leh goobaha biyo fariisinka ah ayaa sheegay in ay wadaan xalka sidii wax looga qaban lahaa goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhowaan la bilaabi doono qorsheynta mashruuc loogu talagalay dib u dhiska waddooyinka burbursan,iyadoo ay garab socdaan maareynta biyaha ku soo rogmada wadada iyo hareeraheeda.

Muungaab waxa uu shacabka iyo ganacsatada deegaanka ku boorriyay inay ka qaybqaataan ilaalinta iyo dhowrista wadooyinka la hagaajinaayo, si ayuu yiri ay u sii jiraan,isla markaana looga faa’ideysto.

Hadalada ku saabsan dib u dhiska goobaha biyo fariisadka ah ayaa soo baxay xilli uu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir uu booqday biyo-fariisinka Isgoyska Fagax ,halkaasi oo dhawaan laga hirgelin doono mashruuca dib-u-dhiska iyo dayactirka ee waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxa uu booqday Wadada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo uu ka socdo mashruuca dhismaha waddo Laami ah.

NISA oo hawlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul Xidig oo ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan.

Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiisa. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

WARBIXIN: Xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya

Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaar baahsan oo sameysay dadka iyo duunyada, guud dalka majirto qeyb aysan saameyn ku yeelan abaartaan, sidoo kale qeybo kamid ah dalka Wabiyada ayaa guray.

Gobollada dalka meel kasta waxaa laga soo werinayaa in xooluhu ay u dhimanayaan gaajo, kadib markii ay waayeen calaf ay daaqaan, biyo la’aan ayaa u dheer, taasi oo rajo beel dhigtay qoysas badan oo reer miyi ah.

Waxaa halis ku jirta oo gurmad bini’aadanimo degdeg ugu baahan nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa xoolaha iyo tacabka beeraha oo maanta beylah ah, khatarna ugu jira in xaalkoodu gaaro heerka macluusha.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadaneysa doorkeeda gurmadka, balse madaxda qaranka waxay muujiyeen inaan laga maarmin deeqda walaalaha Soomaaliyeed ee wax heysta, kuwaas oo ku caan ah in lagu baxsado markaan oo kale.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.

Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii u dambeeyey booqday Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, si xaalka abaarta, deegaanada ugu daran, barakaca ka dhashay, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed uu ugu kuur galo.

Xooraansiga xaalka iyo warbixin dhageysi kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qabtay shir jaraa’id oo hay’adaha dowladda uu ku faray in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha iyo gargaar gaarsiinta dadka iyo duunyada ku tabaaleysan gobollada dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu faray masuuliyiinta kastamyada dalka, in gabi ahaanba canshuurta laga dhaafo hay’adaha sida gargaarka nooc kasta oo ay yihiin, si loo fududeeyo howlaha gurmadka abaaraha.

Hadaba Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka, waxaan toddobaadkaan uga hadli doonaa arrimaha baarta ka dilaacday dalkeena, waxaana noogu marti ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalin oo soo bandhigaya xogta abaartaan oo dhameystiran, kala soco SNTV caawa 8:00 PM.

      

Soomaaliya iyo Masar oo Yeeshay La-Tashiyo ay ku Xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal

Qaahira:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay la-tashiyo rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, kuwaas oo hoosta ka xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada arrimaha gobolka, iyadoo Masar ay mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale,
labada dhinac waxay ka wada hadleen dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

       

Wasiirka cadaaladda XFS xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, taageerada Shiinaha ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iskaashiga dib-u-habeynta cadaaladda, iyo dhisidda awoodda hay’adaha garsoorka dalka.

Safiirka Shiinaha ayaa adkeeyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana xusay in Shiinahu taageero la garab joogo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay diyaar u tahay xoojinta xiriirka, kalsoonida siyaasadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, si loo sii ambaqaado xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn qoto dheer.

         

Guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare oo kulan gaar ah la yeeshay madaxda Wasaaradda Batroolka XFS

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare kulan muhiim ah kula yeeshay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug).

Kulanka oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray turxaan-bixinta Sharciga Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah looga dooday qodobbada sharciga, iyadoo masuuliyiinta Wasaaraddu ay bixiyeen faah-faahinno dheeraad ah.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay xubnaha Guddigu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Dekadaha XFS: meelmarinta heshiisyada badaha waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarka

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta heshiisyadda muhiimka ah ee la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in heshiisyadani ay xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah, ilaalinta badqabka badda, kor u qaadidda kalsoonida sumcadda dalkeenna iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda.

Mudaane Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxaa sidoo kale uu sheegay in tallaabooyinkani ay qaadeen golaha wasiirada ay qeyb muhiim ah ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,kuwaas oo ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo dhaqan-gelinta qorshaha isbeddelka qaranka.

Wasiirka Dekedaha ayaa madaxda sare ee dalka uga mahadceliyay dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu fulinaayo barnaamijyada waxtarka u leh dadka iyo dalka .