𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo xeel-dheerayaal ka socda mashruucda NAGAAD , taasi oo ku saabsan farsamada iyo qorshaha guud ee Biy-mareenka Naqshadda, baaxadda iyo marxaladaha hirgalinta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sharaxay in lagu guuleystay furitaanka dhuumihii hore ee biyo-mareenada ee xirmay, balse loo baahanyahay in la dhiso kuwo cusub iyo goobo waara, si looga hortago fatahaadaha markasta dhaca ee dhibaatada naf iyo maalba leh.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigay maalgelinta dhaqaale ee loo qorsheeyay, kaalinta looga baahanyahay in dowladda Soomaaliyeed buuxiso iyo heerka kaalmadda Bangiga Adduunka uu ku leeyahay hawshan baaxadda leh, oo ka socota magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Wasaaradaha kala ah Dhaqaalaha Buluugga, Duulista iyo Gaadiidka Hawada, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo door ku leh hawshan ayaa soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha qaran ee socda saamayntooda iyo sida la-isu waafajin karo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in loo baahanyahay dib-u-soo celinta billicda caasimadda iyada oo dib loo furayo biyo-mareennadii hore ee xirmay si loo helo tuubooyin biyaha qaada oo tayo leh, isaga oo faray hey’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga howl-gallaan hirgalinta mashuurcan oo muhiimad weyn u leh caasimadda.

Mashruuca biyo-mareennada caasimadda oo leh ahmiyad Qaran ayaa si toos ah u taabanaya badqabka, nadaafadda iyo horumarka guud ee caasimadda, maadaama uu door weyn ka qaadanayo ka hortagga fatahaadaha, yaraynta cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, ilaalinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mashruucan uu noqdo mid la taaban karo oo guuleysta loona hirgaliyo sida ugu wanaagsan si magaalada Muqdisho u noqoto caasimad u diyaarsan maalgashi.

                  

Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo ka dooday wax ka bedelka Dastuurka cutubka 4aad ee KMG ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad ee wadajirka ah, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka wadajir ah ee maanta waxa uu ahaa Dib U eegista Dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka iyo sidoo kale cutubka 4-aad ee wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Kmg ah.

Ugu horreyn Guddoonka guddiga Baarlamaanka labadiisa Aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay la wadaageen warbixinta wax ka baddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka.

Intaasi ka dib mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobada wax ka bedelka kooban lagu sameeyey ee 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, islamarkaana ay soo jeediyeen guddiyada ku shaqada leh.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta isniinta ah.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, waxa ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ay ka gaartay guulo wax-ku-ool ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in xoogaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka maalgashiga iyo cunnada ah.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha, isaga oo xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.

Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaayiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan.

 

Daah furka xeerka shaqada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socda

Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay muhiimadda iyo ujeeddooyinka guud ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Lr.36, 2024), kaas oo maanta si rasmi ah loo daah furay.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkani uu yahay mid casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah ee shaqada, isla markaana lagu dhisayo nidaam shaqo oo ku dhisan cadaalad, hufnaan, isla xisaabtan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha.

Wasiir Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa tilmaamay in xeerku uu diiradda saarayo qoddobada ay ugu horeeyaan Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha si caddaalad ah, saacadaha shaqada, fasaxyada, iyo badbaadada goobaha shaqada,Sidoo kale xeerka ayaa dhowraya Waajibaadka loo shaqeeyayaasha, oo ay ka mid yihiin in ay raacaan shuruucda shaqada, bixinta xuquuqda shaqaalaha, iyo hubinta jawi shaqo oo ammaan ah.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa xusay in Xeerka Shaqada (Lr.36, 2024) uu yahay tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doonta hab dhaqanka shaqo ee dalka, isla markaana kor u qaadi doona kalsoonida maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

wasiir kuxigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo munaasabad soo dhoweyn ah xalay loogu sameeyey London

London(Wargeyska Dalka):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK ayaa isugu timid munaasabadda soo dhaweynta Wasiirka, waxaana halkaas ka dhacay kulan kala warqaadasho ah oo Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala uu Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka.

Horumarka laga gaaray geeddi socodka dowladnimada, tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee difaaca midnimada dalka, xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Khawaarijta ah, gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira, doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka bilowday, guulo kale iyo hiigsiga Xukuumadda Danqaran ayuu Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta uga warbixiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda ku bogaadiyey doorkooda garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku booriyey in markale ay si weyn u muujiyaan garab istaagoodii looga bartay ee gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaraha dalka ka jira ay saameeyeen iyo doorkooda difaaca midnimada dalka, si meel looga soo wadajeesto xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada iyo wadajirka dalkeena.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Pretoria(Wargeyska Dalka):-Koonfur Afrika
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa magaalada Pretoria uga qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Sanad-guurada 65aad ee Maalinta Qaranka Dowladda Kuwait.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiiro kala duwan oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika, wasiirro, iyo madax sare oo ka socday dowlado Koonfur Afrika , kuwaas oo la wadaagay Shacabka iyo Dowladda Kuwait farxadda iyo xuska Maalinta Qarankooda.

Safiir Maxamed Sheekh Isxaaq, oo ka mid ahaa martida sida rasmiga ah loogu casuumay munaasabadda, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Shacabka iyo Dowladda Kuwait, isaga oo u muujiyay garab istaagga buuxa iyo saaxiibtinimada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay la leedahay Dowladda Kuwait, kana mahadceliyay doorka muhiimka ah ee Kuwait ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xoojinta iyo sii ballaarinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

 

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan xarigga ka jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka Safiirka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo muuqaalka diblomaasiyadeed, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada Safaaradda.

Dhismahan ayaa noqon doona midkii labaad ee dhismihiisa laga hirgeliyo muddada hal sano ah ee uu joogo Danjire Amb. Ilyaas Cali Xasan Safaaradda, iyadoo sanadkii hore bishii Juun xarigga laga jaray dhismaha xafiisyada Safaaradda oo dib-u-dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar

Doha(:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Dowladda Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa Dowladda iyo Shacabka Pakistan murugada ka dhalatay qaraxii ka dhacay masaajid ku yaalla Islamabad

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan murugada ka dhalatay qaraxii ka dhacay masaajid ku yaalla xaafadda Tarlai ee Islamabad xilli lagu guda jiray salaaddii Jimcaha, kaas oo la sheegay inuu sababay dhimashada ugu yaraan 31 qof iyo dhaawaca 169 kale.
Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa dhammaan dadka ku dhaawacmay.
Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhammaan falalka rabshadaha ah ee lagu beegsado rayidka iyo goobaha cibaadada, waxayna mar kale adkaynaysaa garab-istaaggeeda Pakistan ee dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, amniga, iyo wada-noolaanshaha bulshada.

NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ahaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Arabow oo hoostaga Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku burburiyeen xarumihii ugu waaweynaa ee Khawaarijtu kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.

Xarumaha howlgalkan lagu burburiyay waxaa ka mid ahaa; xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta Qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-kataa’ib), xeradii tababarada maleeshiyaadka iyo dhisme ay deganaayeen Horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada, iyada oo inta howlgalku socday sidoo kale halkaas lagu dilay siddeed (8) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ugu dambayn, howlgalkaan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.