Wasiirka Waxbarashada XJFS oo Magaalada Muqdisho ku soo Dhaweeyay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Dr. Nabiil Maxamed Axmed.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo Diiradda lagu saarayo Horumarinta Tayada Waxbarashada, Xoojinta Iskaashiga Dalalka Gobolka, iyo Dardargelinta Hirgelinta Qorshayaasha Istiraatiijiyadeed ee Waxbarashada Dalka.

Soo Dhaweynta Wasiirka oo ahayd mid aad sareysa, ayaa muujinaysa Xiriir Walaaltinimo, Iskaashi iyo Wadashaqeyn dhow oo ka dhexeeya Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, Gaar ahaan Dhinacyada Waxbarashada iyo Horumarinta Aqoonta.

 

Wasaaradda Waxbarashada oo Dib u Dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee Degmada Kaaraan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa dib-u-dhis ballaaran ku samaysay Iskuulka Farsamada Gacanta ee Maxamuud Axmed Cali, kaas oo ku yaalla Degmada Kaaraan.

Munaasabad lagu daah-furayay iskuulka waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaaraan, Macallimiin, Arday iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Nuuro Mustaf, oo Munaasabadda ka hadashay, ayaa sheegtay in Dib-u-Dhiska Iskuulkan uu yahay mid qeyb ka ah Qorshaha Wasaaradda ee lagu Horumarinayo Waxbarashada Farsamada iyo Xirfadaha Gacanta (TVET), si Dhalinyarada Soomaaliyeed loo siiyo Xirfado ay Noloshooda ku maareyn karaan.

Wasiir Dowluhu,Waxay si Gaar ah ula dardaarantay Bulshada Degmada Kaaraan, Gaar ahaan Waalidiinta iyo Dhalinyarada, in ay si buuxda uga faa’iideystaan Fursadaha Waxbarasho ee uu bixinayo Iskuulkan, iyadoo Carrabka ku adkeysay in helidda jiil Xirfadlayaal ah ay laf-dhabar u tahay Horumarka Dalka iyo yareynta Shaqo la’aanta Dhalinyarada.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Qaahira (Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xalay Booqasho Rasmi ah uga bilaabatay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Xriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada Dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa Dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta Iskaashiga Qotada Dheer ee labada Shacab iyo Dowladood, Arrimaha Gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan Xasilloonida, Nabadda iyo Badbaadada Marinada Ganacsiga ee Muhiimka u ah Gobolka iyo Caalamkaba.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah Booqashooyin Shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah Dalalka Caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, Horumarinta Danaha Qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo Midnimada iyo madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay howlgal bartilmaameed ah oo guul leh, kaas oo ka dhan ahaa argagixisada Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaasi oo dhacay 6-dii Febraayo ayaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, halka laba kale oo ka tirsanaa kooxdaasi gacanta lagu dhigay. Sidoo kale, ciidamadu waxay burburiyeen bar-kontarool ay Al-Shabaab lahaayeen.

Intaa waxaa dheer, howlgalka ayaa lagu soo qabtay walxo qarxa oo ay maleeshiyaadku qorsheynayeen inay u adeegsadaan cabsi-gelinta iyo waxyeellaynta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Qaahira:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa booqasho rasmi ah ugu bilaabatay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, taasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi oo uu kala hadli doona xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta

Baqdaad:- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.

  

Horjoogayaashii Khawaarijta ee ku naaxay Baadda Shacabka oo la soo afjaray

 Hay’adda NISA ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo afjaray Horjoogeyaashii laf-dhabarka u ahaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha Soomaaliyeed ay Khawaarijtu ku hayeen.

Dhagarqabe kasta oo ka tirsan Horjoogeyaasha ku naaxay dhiigga iyo hantida ummada Soomaaliyeed waa bartilmaameed, mana jirto meel uu uga badbaadayo geesiyaasha Ciidanka Qaranka, Sharciga Dalka iyo Xisaabta Alle.

Haddaba, muwaaddin haddii aad la kulanto baadda argagixisada ama khatar amni lasoo wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

AKHRISO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineybaa Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku tegay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan kula yeeshay madaxda dalka Qatar.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Madasha Al Jazeera oo sannadkan looga hadley xaaladda Gaza, iyo dib u qaabeynta nidaamka amniga iyo xasiloonida dunida.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan, mudnaanta koowaadna siiyaan hawlaha gurmadka degdegga ee abaaraha.

5- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xarig jarka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, isagoo bogaadiyay horumarka, nabadda iyo isbedelka ka jira degaanka.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray xubnaha loo doortay hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka,isagoo kula dardaarmay in ay xoogga saaraan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jigjiga kulamo kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali iyo Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto lagu magacaabay shan mas’uul oo ka mid noqonaya maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Cabdinuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada,iyadoo Marwo Xabiibo Cali Maxamed loo magacaabey Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Xirfadaha.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, S/Gaad Odawaa Yuusuf Raage.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland, Danjire Patricia Danzi.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgeliyey Degmada Wadajir, gaar ahaan Buulo-Xuubey.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale si cad u caddeeyay mowqifka dowladda ee ku aaddan difaaca qarannimada, isagoo sheegay in midnimada dalka ay tahay muqaddas.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda caalamiga ah ee Mercy Corps, waxaana kulankaasi diiradda lagu saarey cunno-yarida iyo xoojinta amniga deegaannada gargaarka u baahan.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka wadahadal kula yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Kuwait Mudane Sheekh Jarraah Jaaber Al-Axmad Al-Sabah.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Pretoria booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Thabo Mbeki.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa la kulmay wafdi sare oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland (SDC), Ambassador Patricia Danzi.

18- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in gogosha wadahadalku ee loo fidiyay Golaha Mustaqbalka ay weli furan tahay, si loo xoojiyo midnimada iyo wada-tashiga qaran, iyadoo dowladdu ay muujineysao in ay ka xun tahay dib u dhaca ku yimid shirka 1-dii bishan.

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay mudnaanta koowaad siinayso bedqabka muwaadiniinta, iyadoo xoojisay fulinta xeerarka iyo amarrada amniga ee horay loo meel mariyay.

20- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Pretoria kulan kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

21- Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

22- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Ruushka, Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee labada dal.

23- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen guddiga heer qaran ee ka shaqeynaya arrimaha la-dagaallanka tahriibinta iyo safarrada sharci darrada ah.

24- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay taageerada dhinacyada farsamada iyo agabka ee loo fidiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

25- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka 158-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal muhiim u ah jihaynta amniga dalka.

27- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow, ayaa daah rogay sharciga cusub ee shaqada ee heer qaran.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa ka qayb-galay kulanka gabagabada ee Shirka Hindiya–Carabta, oo ka dhacay magaalada New Delhi.

29- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Isku-duwidda Tamarta iyo Biyaha ee Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ,oo ka dhacay magaalada Muqdisho .

30- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa magaalada London kaga qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu taageraayey maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

31- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya Mudane Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la yeeshay madaxda Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaaka Dalka Algeria.

32- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,ayaa lagu dilay 13 ka tirsan Khawaarijta.

     

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐲

Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa ka qayb gashay munaasabad si rasmi ah loogu daah-furayay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Lr.36, 2024), munaasabadda oo ay soo agasintay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFs, ayay ka soo qeyb-galeen Xildhibaano, Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay sharaxaad laga bixiyay ujeeddooyinka xeerka iyo doorka uu ku leeyahay nidaaminta xiriirka shaqo, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo waajibaadka loo-shaqeeyayaasha, sidookale masuliyiinti ayaa wada muujiyay muhiimada Xeerkan taasoo muujinaysa dadaalka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda nidaamyo asal u ah caddaalad, hufnaan iyo sharciyeysan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa bogaadisay dadaalka ay muujisay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshadda XFS, ee ansixinta iyo daahfurka Xeerka Shaqada, waxayna ku bogaadisay dhamaan Hay,addaha kala duwan dhaqan gelintiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Dooxa

Doha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Madasha Caalamiga ee Al Jazeera.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay Madasha ayaa ka hadlay qaddiyadaha ka jira caalamka, sida Soomaaliya, Falastiin, amuuraha amniga iyo xasiloonida caalamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalka Qatar kulamo kula yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Boqortooyada Qatar, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee labada dhinac.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isagoo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.