Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka “WHO”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa Magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO, Gaar ahaan Horumarinta Adeegyada Caafimaad ee Aasaasiga ah, Taageerada Hooyada iyo Dhallaanka, kor u qaadista Tababarka Umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda WHO ayaa isla qaatay Muhiimadda ay leedahay sii wadidda Wada-Shaqayn Dhow oo lagu Horumarinayo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya, iyagoo si Gaar ah diiradda u saaray Xaaladaha adag iyo Goobaha Nugul.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo Iskaashiga Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta si Rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista.

Heshiiskan oo lagu saxiixay Magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in la sameeyo Hannaan rasmi ah oo Fududeynaya is-weydaarsiga Tacliimeed iyo Cilmiyeed ee u dhexeeya Jaamacadaha iyo Hay’adaha Tacliinta Sare ee Labada Dal.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya Qodobadan soo socda:
Is-Weydaarsiga Ardayda, Macallimiinta Jaamacadaha iyo Cilmi Baarayaasha
Taageeridda Tababarrada iyo Barnaamijyada Cilmi Baarista ee muddada gaaban
Abaabulka Shirar, Aqoon-is-Weydaarsiyo iyo Siminaarro Wadajir ah
Hirgelinta Barnaamijyo Shahaado-Wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD)
Fududeynta helitaanka Deeqaha Waxbarasho iyo Aqoonsiga Shahaadooyinka

Labada Dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta Xuquuqda Hantida Aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata Cilmi Baarista Wadajirka ah, iyadoo la raacayo Shuruucda Qaran iyo Heshiisyada Caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in Heshiiskani uu xoojinayo Xiriirka Taariikhiga ah ee Walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo Tayada Waxbarashada Sare iyo Horumarinta Cilmi Baarista Dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa Carrabka ku adkeeyay in Iskaashigan uu abuuri doono Fursado ballaaran oo ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda iyo Macallimiinta Labada Dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta Aqoonta iyo Horumarka Guud ee Gobolka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee Labada Dowladood ay ugu jiraan xoojinta Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo Horumarinta Mustaqbalka Jiilasha soo koraya.

      

Dowladda Soomaaliy oo soo Dhaweysay Dib u soo Celinta ka-qeybgalka buuxa Dowladda Suudaan ee Ururka Gobolleedka IGAD

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo Dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda Walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxay ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

Soomaaliya waxay si Gaar ah u Tixgelinaysaa adkaynta Iskaashiga Heer Gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo Tiir-Dhexaad u ah xoojinta Wada-Shaqaynta Caalamiga ah ee wax ku oolka ah, isla markaana Laf-Dhabar u ah ilaalinta Nabadda iyo Amniga Heer Gobol iyo Heer Caalami.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa Dadaallada Diblomaasiyadeed ee ay Hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa Hoggaanka Xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee Xilka haya. Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay Fududeynta Dib-u-soo-Laabashada guuleysatay ee Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida Goboleed iyo Mas’uuliyadda Wadajirka ah.

Wasiirka Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Booqasho Shaqo ku jooga Dalka Qatar, ayaa Booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Sare ee Warbaahinta Al-Jazeera ee Magaalada Dooxa.

Wasiirka waxaa Xarunta ku soo Dhoweysay isla markaana wadahadal Iskaashi Labada dhinac ah kula yeeshay Agaasimaha Machadka Eman Al Amri.

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Deegaanka Jabad Godane?

Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Ninka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ugu magacaaban Gobalka Sh/ Dhaxe oo ka hadalayay Duqentii ka dhacday Deegaanka Maxaa Saciid ee lagu laayay koox ka tirsaneyd Al -shabaab ayaa yiri dhawaan “Turkiyow Inaad disho Dadka degan Gobalka Sh/dhexe, hadana aad na tiraahdo Warsheekh ayaan Satarleyd ka diraa marnaba macquul ma ahan”, waana kuugula Xisaabtami doonaa ayuu sii raaciyay.

Haddaba maxaa halkaasi kaaga baxay in Duulaanka Khawaarijta ee Gobolk Shabeelada Dhexe uu salka ku haayo inay ka hortagaan dadaalada Horumarineed ee ka socda Gobolka, islamarkaana ay carqaladeeyaan dhammaan Dhismyaasha kala ah Garooka Diyaaradaha ee Casriga,Dekedda, hirgalinta Mashruucyo kale oo waxtar u leh Dalka iyo Dadkaba, kuwaasi oo ka socda nawaaxiga Degmada Warseekh.

Aan Qoraalkan ku bal-ballaarinee, si aad u fahanto Ujeedka Kooxda Khawaarijta ah: markii la soo gaaray Janaayo 2024-kii, Shan Bil ka hor intaan la saxiixin Heshiiskii Rasmiga ahaa ee Luulyo 2024-kii, Kooxda Shabaab waxay billaabeen Qorshe ballaaran oo ay ku carqaladaynayaan Mashruucaas. Sida ay caddeynayaan Falanqeeyayaasha dhanka  Amniga ayaa tibaaxaya in Kooxda oo u muuqata inay heleen Maalgelin aad u xooggan ayay ku qorteen Kumanaan Dagaalyahan, Dhanka kalena, waxay ku kala furfureen Dadkii Deegaanka ee Dowladda la socday, taasi oo ay Kooxdu fahamsanayd in Dhismaha Saldhigga ee Xeebaha Warsheekh iyo Cadalle uu soo afjarayo saamayntooda Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo sii afjaraysa joogitaankooda Hiiraan, Galguduud, iyo Mudug.

Haddaba waa tan ujeedada Kooxda Khawaarijta ah ee ay damacdsneyd, Bishii Febraayo 2025-kii, kooxda ayaa soo qaaday duullaan ballaaran. Ujeedka duullaankaas ayaa ahaa inay u gurmadaan dagaalyahannadooda ku go’doomay Galmudug, inay meesha ka saaraan Saldhigga Dagaalka laga hago ee ku yaalla Aadanyabaal iyo Ujeedka u Muhiimsanaa oo ah inay u soo dhawaadaan Aagga Xeebta Warshiikh iyo Cadalle. Saldhigga Labaad ee Dagaalka laga hagayay waxa uu ahaa Wargaadhi, maadaama kii koowaad ee Aadan yabaal meesha ka baxay, si dabiici ah ayay Wargaadhi u noqotay midkii kowaad. Laba jeer ayay Kooxda iskudayday inay la wareegto oo culays saarto Wargaadhi, waa se ku Fashilmeen.

Xog la helay ayaa sheegeysa in Dhammaadkii 2025-kii, Kooxda Khawaarijta ah ayaa qaadatay Tallaabo dhanka Millatariga ah oo aad u xeeladaysan, waxayna Fadhiisinkooda ugu weyn ka samaysteen Deegaanka Masalla, oo ku yaalla inta u dhexaysa Xawaadley iyo Warciise, si ay u xaqiijiyaan joogitaankooda muddada dheer, iyagoo Deegaankaas ka qoteen ceel biyood, kaas oo hadda ugu adeega sidii Halbowlaha. Masalla ayaa qiyaastii Degmada Warshiikh u jirta 70km, waxayna iskudayday inay isku soo fidiso dhanka Xeebta, iyada oo mar qabsatay Deegaanka Jabad-Godane. “Deegaankan wuxuu Warsheekh u jiraa kaliya 20km. Waa Goob isku xirta waddooyinka ka yimaada Xawaadley, Warciise, Raage-Ceele, Warsheekh, iyo Balcad. In kasta oo Dawladdu Isbuucan la Wareegtay Jabad Godane, haddana Kooxda waxay fadhidaa Masaafo ka yar 30km, taas oo ka dhigan in Saldhigga Turkiga uu weli ku jiro Yellow Zone”, sidaasi waxaa yiri Nin ka soo jeeda Deegaannadaasi oo u waramay Warbaahinta.

“Halka saldhigga u ah ee ay ka soo duullaan tagayaan kooxda Khawaarijta waa deegaanka Masalla. Deegaankan ma ahan oo kaliya tuulo, balse waa goob istiraatiiji ah oo laga koontarooli karo dhaqdhaqaaqa deegaannada Xeebta. Haddii dawladda iyo Turkigu ay rabaan inay sugaan amniga Aagga ‘Xagay Dag’ oo ah halka saldhigga dayax-gacmeedka laga dhisayo waa inay marka hore burburiyaan fadhiisinka Masalla. Joogitaanka kooxda Al-Shabaab ee halkaas waxay u saamaxaysaa inay u dhowaadaan Xeebta, iyagoo isticmaalaya dhulka jiqda ah ee keynta ah ee u dhexeeya Masalla iyo Jabad-Godane”, ayuu sii raaciyay.

Dadka wax taxliiliya ayaa qaba in qabsashada deegaanka Jabad-godane ma ahan oo kaliya guul ciidan, balse waa xariiqda kala baxa ee u dhexaysa in Soomaaliya ay u gudubto mustaqbal casri ah. Warbixintan waxay daah-furaysaa sirtii ka dambaysay duullaanka kooxda Al-Shabaab ee sannadkii hore iyo sababta uu “Ceelka Masalla” hadda u yahay halka uu ku xiran yahay masiirka iyo hammiga Soomaaliya iyo Turkiga.

Hawlaha hortabinta leh waa qabsashada buundooyinka Xawaadleey. Hubka iyo diyaaradaha uu Turkiga maalmahan ku soo daabulayo Soomaaliya iyo magacaabidda Taliyahan cusub, waxa aan ka rajaynaynaan in xarkihii uu xirxiray Yuusuf Kaba kutukade inay kala fur-furan, dabadeedna jirkiisa gantaal lagu kala furfuro. Kabakutukade waa guddoomiyaha iyo waaliga kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waana Ninkii hoggaaminayay duullaankii Aadan yabaal lagu qabsaday.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Deegaanno ka Tirsan Degmada Xuddur

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyeen Deegaano hoostaga Deegaanka Moorigaabey, oo hoostaga Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Sida ay Saraakiishu xaqiijiyeen Howlgalka oo ahaa mid Qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjooge ka Tirsan khawaarijta Deegaanadaas ku dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa sidoo kale ka soo furtay gaadiidka loo yaqaan mooto nooca sedex-lugoodka ah.

 

 

RW Xamsa: Waxaan u baanahay Tacliin Sare oo soo saarta Aqoon iyo Xirfad lagu furdaamiyo baahiyaha jira

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xalay daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo Sannadkan diiradda lagu saarayo Dib-u-Habaynta iyo Tayeynta Nidaamka Waxbarashada Dalka, Horumarinta Manhajka, Kobcinta Xirfadaha Macallimiinta iyo Ballaarinta Fursadaha Waxbarasho ee Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda Furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay Laf-Dhabar u tahay Horumarka Dhaqaale, Bulsho iyo Amniga Dalka, waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay Mudnaan Gaar ah siisay Maalgelinta Waxbarashada, Xirfadda Macallimiinta iyo Manhajka Guud ee Dalka, si loo helo Nidaam Tayo leh, Hufan, isla markaana la jaanqaadaya Baahiyaha Casriga ah ee Tacliinta.

“Xukuumadda DanQaran wax ay hirgalisay Tababbarro Joogto ah oo la siinayo Barayaasha Dalka iyo Nidaamyo lagu Qiimeynayo Tayada Macallinka, si loo helo Barayaal ku hubaysan Aqoon, Karti iyo Anshaxa Waxbarasho ee Dalka, waxaannu xoojinay Mideynta Manhajka Waxbarashada laga bilaabo Dugsiga Hoose ilaa Tacliinta Sare, si Ardayda Soomaaliyeed u helaan Aqoon Tayo leh, Isku Dheelli Tiran, una dhiganta Heerarka Caalamiga ah. Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga go’antahay Dhismaha Nidaam Waxbarasho oo ka qeyb qaata Horumarka iyo Dib-u-Dhiska Qaranka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay Horumar la taaban karo oo ku aaddan Dib-u-Dhiska Nidaamka Waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay Shuruuc, Siyaasado iyo Habraacyo Muhiim u ah Waxbrashada sida Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Waxbarashada, kuwaas oo Saldhig u ah baahida Tacliinta, Tayeynta iyo Xoojinta Nidaamka Maamulka Waxbarashada.

Shirweynaha waxa uu si buuxda ula jaanqaadayaa Qorshayaasha Istaraatjiyadeed ee ay ka mid yihin Qorshaha Istarsatijiga Waxbarashada (ESSP 2022-2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) lyo Aragtida Qarni Jirka 2060 (Vision 2060), kuwaas oo dhammaantood u Aqoonsan Waxbarashada in ay tahay Tiirka Horumarinta karaanka Aadanaha, Nabad-Dhiska, Dowlad-Wanaagga iyo Kobac Dhaqaale oo Waara.

Shirka oo Hal-Ku-Dhiggiisu yahay sannadkan (Hiigsi Toosan iyo Horumar Tayeysan), ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo Waxyaabaha ka qabsoomay Qorshihii Sannadkii Hore, Dib-u-Eegista dhexe ee Heshiiska Iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb Muhiim ah ka ah Maalgalinta Hey’adaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo Isla-Xisaabtanka Dowladda iyo Bah-Wadaagta Waxbarashada.

Ugu Damabayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga Mahadceliyay Madaxdii kasoo qayb-gashay Shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-Baarista Jamhuuriyadda Jabuuti,Mudane Nabiil Maxamed Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah Bahda Waxbarashada.

                           

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi dhinaca Difaaca ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Heshiis Iskaashi Ciidan la saxiixday Dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa Iskaashiga Dhinacyada Difaaca iyo Milateriga ee Labada dal, waxaana uu diiradda saaraya Arrimo kala duwan oo ay wada daneynayaan Soomaaliya iyo Sucuudiga, Gaar ahaan Amniga, Tababarrada Ciidamada iyo is-Dhaafsiga khibradaha Ciidan.

Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda oo ka qeybgalay Caano-Shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hoggaaminayo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug, Halkaas oo ay kaga qeybgalayaan Munaasabadda Caleemo-Saarka (Caano-shubka) Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed.
Wafdiga Guddoomiye Ku Xigeenka, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale, ayaa si Diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galdogob.

Kaddib soo dhaweynta, Wafdigu waxa ay ka qeyb galeen Munaasabadda Caano-Shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, oo haatan si Rasmi ah uga socota Magaalada Galdogob.

       

Madaxweynaha JFS oo Dhiggiisa Dalka Masar kala hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweyn Heer Sare ah loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Ittixaadiya ee Magaalada Qaahira, Caasimadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, halkaas oo uu ku qaabilay Dhiggiisa Masar, Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa Wada-Hadalladooda Diiradda ku saaray Xoojinta Xiriirka Laba-Geesoodka ah ee u dhexeeya Labada Dal, iyo adkeynta Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar oo ah Dalal Walaalo ah. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa si Wadajir ah u qabtay Shir jaraa’id oo ay uga hadleen Natiijada Kulankooda.